Dr Muha Dahir Jire eesh calaa gacanqabasho Maareeyaha TVga Horyaal, wuu u baahnaa.

0
Saturday May 25, 2013 - 19:12:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Muha Dahir Jire eesh calaa gacanqabasho Maareeyaha TVga Horyaal, wuu u baahnaa.

    Waxaan saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Websiteska ee laga leeyahay Somaliland ku arkayay inanka TVga Qaranka Maareeyaha ka ah iyo Maayorka Caasimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Websiteska ee laga leeyahay Somaliland ku arkayay inanka TVga Qaranka Maareeyaha ka ah iyo Maayorka Caasimada Dr Muha Dahir Jire eesh calaa gacanqabasho Maareeyaha TVga Horyaal, wuu u baahnaa.
Waxaan saaka qaar ka mid ah Warbaahinta Websiteska ee laga leeyahay Somaliland ku arkayay inanka TVga Qaranka Maareeyaha ka ah iyo Maayorka Caasimada Hargaysa oo la kulmay saraakiil Ethiopian iyo reer Camaroon kala ah kuwaasoo ay weriyaha TV Qaranka u fadhida Ethiopia Dr Muha Dahir Jire isugu duba-riday. Dr Muha muddo ayay hadda ku sugnayd dalkaasi Ethiopia iyadoo shahaadada sare ee Doctorate ka ku qaadatay cilmi aan weli la xaqiijin iyo Jaamacad lafteeda calaamad weyni saarantay.



Hablo buurbuuran oon slim ahayn sideeda, oon Ingiriisina ku hadli aqoon baan beryahaaba maqlayay oo is waydiinayay su’aalo Afka Carabiga u badan oo ahaa (doktor bi mihna eeh? min jaamicati eeh? iyo wax la halmaala.
Hablahaasi waxaanay fahmin in inanta shahaadada Doctorateka ay ku maamuuseen sida la sheegay Dawlada iyo Jaamacadaha dalka Mauritus. Sidaad hoos ka aragtaana waxaa shahaadada gudoonsiiyay Jerry Rawlings, oo ahaan jiray Captain ciidan oo mar madaxweyne ka ahaa dalka Ghana, casrigii Militariga.
Hablahaasi Allaahida ka baxay ee Af-carabiga ku hadlayoow Dr Muha ha ku mashquulinee ordoo shaqo raadsada haddaad sideeda u qurux badan tihiin una shaqo wacan tihiin, waydin gaadhi halkaas, haddii kale Niqaamkiina dee iskaga jira oo Muha iyo qayrkeed amaan ha idinka helaan. Kol haddii aydaan Camaroon daanyeer ku quraacday iyo Xabashi hilib caydhin cunay aydaan la kalaami karaynin, waxba sheegi maysaan, Somaliland iyo Ictiraaf raadinta waxba uguma filidin.

Amba haddaan Jerry Rawlings iyo Dawlada Mauritus aan ahaan lahaa Doctorateka kama xaasideen ee si wacan baan ugu taagi lahaa. Dr Muhana waxaan leeyahay,dheg ha u dhigin makhruuqiintan kugu mashquulay.

Aan dib ugu soo noqdo ujeedada qoraalkee, waxaynu dhamaanteen ka war qabnaa in hoos u dhac badan oo dhan walba ahi ku yimid TVga Qaranka tan iyo intii ay isaga dambeeyeen Dhuxul Horyaal iyo Taksiile Gaas. Labadan nin ayaa aakhiro u diray qiimihii iyo horumarkii TVga Qaranka isagoo hadda ku suntan TV xaafadi leedahay oo ka aradan aqoon iyo nidaam saxaafadeed.

Waxaase laga yaabaa haddii hablaha Internationalka ah ee caanbaxay ee xaafadu ay hadda u guntadeen inay Mr Gaas gacan qabtaan, isna gartay inaanu khibradooda ka maarmin in wax iska bedeli doonaanTVga Qaranka iyo sumcadiisan galbatay.


Si arrinkasi u hirgalano waxaa haboon in Mr Gaas shaqaalaysiiyo hablaha kale ee xirfadlayda ah sida Sagal Mustafe, Abni Maxamed Cali iyo Nimco Samriye. Waxaan hubaa in TVga Qaranku markaa duuli doono, sumcad xumadan Mr Gaas hadda dhex fadhiyena uu ka bixi doono.

Waxaan leeyahay Dr Muha hawl wacan baad wadaaye, inanka dhan walba kala dadaal, inaad gacan qabataana waa waajib ku saaran, waanad ka soo baxday. Eesh calaa inan dheh.

Sahra Jaamac Sugaal

sahrajs96@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured