Musuq-maasuqii soo taxnaa 12-ka Sanadood ee Gudomiyihii hore Golaha Wakiiladda S/land Md. Cirro Iyo Fadeexadihii Maamul ee u ku Sabootiyey Golihii Qaranka!!! War-bixin Xogreebnews.

0
Thursday August 03, 2017 - 05:36:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq-maasuqii soo taxnaa 12-ka Sanadood ee Gudomiyihii hore Golaha Wakiiladda S/land Md. Cirro Iyo Fadeexadihii Maamul ee u ku Sabootiyey Golihii Qaranka!!! War-bixin Xogreebnews.

    Lacagtii Leebareeriga Golaha Wakiiladda Waxa Uu Ka Dhistay Musharrax Cirro Guri 800,000 Kun Oo Dollar Ah Oo U Hadda Degen Yahay Iskuna Qoray Mulkiyadiisa, 12-Sanadood Wuxuu Cirro Maamulay Miisaaniyad 80-Milyan Oo Dollar Ah, Golaha Wakiiladdu Waxay 12

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lacagtii Leebareeriga Golaha Wakiiladda Waxa Uu Ka Dhistay Musharrax Cirro Guri 800,000 Kun Oo Dollar Ah Oo U Hadda Degen Yahay Iskuna Qoray Mulkiyadiisa, 12-Sanadood Wuxuu Cirro Maamulay Miisaaniyad 80-Milyan Oo Dollar Ah, Golaha Wakiiladdu Waxay 12-Sanadood Ansixiyeen 52-Xeer Celcelis Ahaan Sananadkii Waa Imise Xeer?. Gudoomiye Cirro Waxa La Xaqiiyey Inuu Keligii Jeebkiisa Ku Shuban Jiray Lacago Loogu Magac Bixiyey Habeen Dhaxa Mudanayaasha Hawlaha shaqo Loo Diro, Waxa Kaloo Oo U Gaar Ah Lacag 600,000 Kun Oo Dollar Ah Oo Saddexda Xubnood Ee Shir-Gudoonka Kaga Baxa Qasnada Qaranka....
Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyihii golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cabdiraxmaan Cirro) waxa uu shalay Xilkii iyo xubinnimadii golahaas iska casilay 1-dii August 12-Sanadood Kaddib. Waxanu golaha ka horjeediyey Khudbadii sabootinka golaha, isagoo halkaa ka akhriyey waxqabad uu sheegay inuu goluhuu ku talaabsadday Mudadii uu joogay.
Haddaba, Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews, waxay Akhristayaasheeda sharafta leh usoo gudbinaysa Waxqabadkii iyo qabyadii uu golahaas kaga tagay Mudane Cirro 12-sanadood kaddib, sidoo kalena waxaynu qodob-qodob isu dultaagi doonaa ku tagri falka Miisaaniyadda golaha Wakiiladda, inagoo eegeynaa dhinaca kale, hantida uu samaystay Gudoomiye Cirro mudadii hoggaaminayey golahaas, imise Xeer ayuu’se ansixiyey, ma jiraan Xeerar bulshada Somaliland Dani ugu jirto oo u saameyey ama ansixiyey, imise Xeer ayuu’se sannaadkii golahaasi ansixiyaa?. Dhamaan xoggahaasi waa kuwo aan Mabduucan si faahfaahsan ugu qaada dhigi doono.
Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland intii uu Gudoomiye Cabdiraxmaan hoggaaminayey waxay, goluhu ansixiyeen muddo 12-sanadood ah 52 xeer, taasoo ka dhigan celcelis ahaan inuu golaha wakiiladdu sannaadkiiba ansixin jireen 4 Xeer oo keliya. Kuwasoo Markaaynu dib-u-qiimeyno waxqabadka Xeerarka ay soo ansixiyeen oo yaraa, haddana ma jiro hal Xeer oo kasoo baxay golahaas oo Bulshada nolosheeda ka hadlaya, sidoo kale, golaha wakiiladdu waxay ka gaabiyeen oo ay ku fashilmeen muddo 12-sanadood ah inay samayn kari waayeen Xeerkii lagu soo dooranaayey golihii bedeli lahaa iyagga, waana ayaan-darro iyo fadeexad xilgudasho la’aan ah oo ay wada leeyihiin 82-ka mudane ee golahaas, hase-yeeshee waxa kaalinta ugu weyn kusii leh Hoggaankoodii 12-ka sanaadood soo waday golahaas.
Waa imisa’ Miisaaniyadda ku baxda golaha Wakiiladda Somaliland?. golaha Wakiiladda waxa Miisaaniyadda Qaranka ee sannaad laha ah ugu jira lacag 2-Milyan ah Dolar. Waxanay ku baxda siffo kala duwan, kuwaasoo kala ah sidan, Shidaalka golaha Wakiiladda, kharashka habeen dhaxa mudanayaasha,  kharashka guddiyada golaha, kharashka Mudanayaasha ee musharahaarada iyo kharashka Shir-gudoonka golahaas, iyo weliba gunadda xildhibaanada.
Haddaba, Kharashka Golaha Wakiiladda ku baxa ee labada Milyan ahi, waxa ka muuqda Musuq-maasuq baahsan oo xadhkaha goostay, kaasoo dulhogganaya hoggaankii golaha mudada 12-ka sanadood ah soo waday, tusaale ahaan kharashka Shir-gudoonka Wakiiladdu waa Lacag lagu sheegay cadadkeedaa 600,000 kun oo Dolar, waxa isticmaala saddexda xubnood ee golaha shir-gudoonka u ah, khaasatana waxa si gaar ah sanaadkiiba ugu tagri falla Gudoomiyaha golahaas, isagoo labadiisa ku-xigeen-na u tuura kolba xoogaa, hase-yeeshee marna Gudoomiyihii hore ee golahaas, ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Cirro muu samayn wax xisaab xidh ah. Meelaha kale ee u Gudoomiye Cirro ku sameeyey Musuq-maasuqa waxa kamid ah kharash xadigiisu ka badan yahay Boqol-kun oo Dollar oo loo yaqaano habeen dhaxa mudanayaasha hawlaha shaqo u baxa, kharash kaasoo aanay ku hawl-gelin goluhu, isla markaana Lacagtiisa uu Gudoomiye Cirro ku tagri fali jiray.
Waxa kaloo jira oo musuq-maasuq ka muuqda deeqo caalami ah oo Golaha Wakiiladdu ka helay Baarlamaanka dalalka reer yurub qaarkood, sidoo kale, waxa jira mashaaric badan oo dhismayaal ah oo Hay’addo caalami ah u sameeyeen golahani intii ay joogeen,hase-yeeshee deeqahaas Gudoomiye Cirro si wanaagsan umu maamulin qaarkood, waxa’se uu ku guuleystay dhismaha golaha oo la dhamaystiray iyo xafiisyada golahaas. Balse waxa nasiib darro ah Lacagtii Leeberariga Golaha Wakiiladda oo Gudoomiye Cirro uu si cad jeebka ugu shubtay, isla markaana ka dhistay Guriga uu hadda ka degen Magaaladda Hargeysa, ooo Qiimihiisa lagu sheegay 800,000 kun oo Dollar, taasoo ahayd Lacagtii Leebareeriga golahaas. Mana jiro wax talaabo ah oo Gudoomiye Cirro mar kale ku raacdeeyey leebareerigii golaha Wakiiladda. 
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hadda degen yahay Guri uu ka dhistay hantidii golaha oo u qabab badan u musuq-maasuqay, teeda kale, waxa markhaati ma doon ah inuu muddo 12-sanadood ah uu hab musuq-maasuq ka muudqo kusoo maamulay Lacag ka badan 82-Milyan oo Dolar oo ay weliba dheer tahay Mooshinada golaha Xukuumadda Lacagta kaga ansixisato.  Waxa kaloo jira hab-dhaqano kale oo laga dhaxlay maamulkii Gudoomiye Cirro ee Golaha Wakiiladda, waxana kamid ah, inuu samaystay xeer u ogolladday naftiisa furashoXisbi,isagoo taas bedelkeeda sii xalaashay inuu noqon karo Gudoomiyaha Wakiiladda, Mushaarrax Xisbi aan ahayn kii uu kasoo baxay iyo sidoo kale inuu noqdo Gudoomiye Xisbi, waxanu mudo afar sanadood ah Musharrax Cabdiraxnaam  Cirro ahaa shaqsi isku haya saddex xi loo heer qaran ah, isla markaana qaranka Somaliland kaga qaadanaayey saddex Mushahar…La soco qaybaha dambe oo xiiso leh.
Tifaftiraha Shabakadda Xogreenbnews
Cabdicasiis Bashiir Nuur.
Info@xogreebnews.com 
Office Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured