Hargeysa (Xogreebnews)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dawladda Israel ku hayso Dadka Reer Falastiin, isagoo si gaar ah uga hadlay Go'aankii Yuhuuddu albaabada ugu laabtay Masaajidka Barakaysan ee Al-aqsa.

0
Saturday July 22, 2017 - 00:10:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa (Xogreebnews)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dawladda Israel ku hayso Dadka Reer Falastiin, isagoo si gaar ah uga hadlay Go'aankii Yuhuuddu albaabada ugu laabtay Masaajidka Barakaysan ee Al-aqsa.

    Hargeysa (Xogreebnews)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dawladda Israel ku hayso Dadka Reer Falastiin, isagoo si gaar ah uga hadlay Go'aankii Yuhuuddu albaabada ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dawladda Israel ku hayso Dadka Reer Falastiin, isagoo si gaar ah uga hadlay Go'aankii Yuhuuddu albaabada ugu laabtay Masaajidka Barakaysan ee Al-aqsa.

Hargeysa (Xogreebnews)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dawladda Israel ku hayso Dadka Reer Falastiin, isagoo si gaar ah uga hadlay Go’aankii Yuhuuddu albaabada ugu laabtay Masaajidka Barakaysan ee Al-aqsa.

Sheekhu wuxuu sheegay inay nasiib-darro tahay in Yuhuuddu ku Takri-falaan Masaajidka barakaysan ee Al-aqsa iyadoo ay daawanayaan Dawladaha Carabta oo ay ku nool yihiin Malaayiin Qof oo Muslimiin ah. Sheekha oo ka warramay Qiimaha Masjdul Aqsa, ayaa sheegay inay Yuhuuddu ka xidhay isla-markaana u diiday inay ku tukadaan ama booqdaan Malaayiin Muslimiinta Reer Falastiin ah.

Sheekh Aadan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Masjidul Aqsa wuxuu waajib ka saaran yahay Muslimiinta oo ay ku jiraan qaar Hantida ay haystaan ku iibsan karaya Afrika oo dhan. Maanta haddaynu hayno meel aynu u marno waa meesha ay Jannadu ka dhowdahay, haddaynu Maanta Waddo u hayno waa Meesha kaliya ee Jannadu ku jirto. In Maanta Quddus lagu dagaalamaa waa Waajib, Carabta ku xeeranna waa 420 Milyan oo Ashahaadanaya, waa 57 Dawladood oo ku yaalla Lixda meelood ee la iskaga gudbo, oo hadday Afar meelood xidhaan ay Dunida oo dhami is-taagayso.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay sida Gaaladu ay baahi ugu abuureen Dadka ay Reer Somaliland ka mid yihiin, maaddaama buu yidhi Qoysas aan qaarkood haysan waxay Cunaan ay isticmaalayaan Adeegyada Tiknoolajiyadda, isagoo Tusaale u soo qaatay Moobillada, "Waxaynu nahay Masaakiintaa Reer Somaliland ee Ciidda cunaya, haddana waadigaa arkaya baahida ay Nimankaa Gaalada ahi innagu abuureen. Maxaynu ku xidhiidhi jirnay (Wakhtigii hore), waynu noolayn, waxbaynu baran jirnay, waynu dhoofi jirnay (iyadoon Tiknoolajiyaddu jirin), ee Mobile-ka iyo Tiknoolajiyadda kale ee Nimankaa Gaalada ahi samaysteen intee in leeg buu dhibaato innagu keenay.”? Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Markaad Miyiga u baxdo waxaad arkaysaa Qoys ka kooban Lix Ruux oo laba Neef leh, Afar Qof oo ka mid ah ayaa Moobillo haysta, Afartuba way hadlayaan, hadda waa reer soo ootay oo laguugu soo qayliyey, oo lagu yidhi Reerkii Reer Hebel 7 cisho dab may shidan, bal arrinkaa adigu qiimee.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu baaq Nabadeed u diray Laba Beelood oo Khamiistii Dagaal ku dhex maray tuulada Dararweyn oo ka mid ah Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi "Waxaan baaq u dirayaa Beelaha Walaalaha ah ee isku dilaya Degmada Ceel Af-weyn, kuwaasi oo ah Beelo Walaalo ah oo is-dhalay oo Muslim ah oo wax walba isku ah, waxaan u soo jeedinayaa inay joojiyaan is-dilka, waxaanan ugu baaqayaa Culimada, Waxgaradka, Hal-doorka iyo Xukuumadda Somaliland inay arrintaa si deg-deg ah u galaan oo aanay innagu soo noqnoqonin.”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured