"Hadad gorod diidan tahay Ku koob dirirtaada gorod Ha nicin gobolkuu ka yimid, Ha Goyn Waxa La Isku Yahay". Alle ha u Naxariisto Abwaan Maxamed Xaashi dhamac (Gaariye)
Barnaamijka suugaanta ee todobaadkan waxan idiin soo xulnay maansadii caanka ahayd ee Gurmad oo uu curiyey Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Garaiye alle ha u naxariistee Abwaanku waxa uu tiriyey 20kii October 2005tii
Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leedahoo uu ogyay Nin kaaga masuugay gole Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday Maxaan goohay oon tallamay Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad lehe Miyaan giririf yaraa?
Maxaan godladaa araar Shabeelkaa gurboodku dhalay Ku idhi waxa gooyey aar Sowkii Alla-gowrac yidhi "Mayee waxa laysay garo” Haddaan guga kuu kordhaa Gabow mooyee ku tarin Garaad iyo waaya-arag Illayn wax ma dhaantid geed! Intaa guntay oo dhigee Ku soo noqo goobta iyo Garoonka ciyaartu taal Xilligu waa goor wax saar Gole lagu dheelayoo Garsoore ka yahay shacbigu Waxaa guul sheegan kara Cidday u garteen iyagu Hadaad tahay guur-u-meer Qaraabo adoon gub-gubin Adoon ummadda isku gubin Dadweynahoo soo gig yidhi Waxaad ka gadayso mari Abaalkana waan gudnaa Waxaad noo gashee horiyo Gadaal waxaad maagan tahay Adoon galin ceeb nin kele Bal noo sheeg waa golee Waxay dadku kaa guntaan Kolay tahay, gaafanow Haddaad waydo gallad kale "Estii” tii gudahaan ahoo Ri’ baan beri gees ka riday Intaa guntayoo dhigee Nimay kala gees yihiin Inuu libintiisa gado Ninkii yidhi guul ka dhigo
Gub baa kaga dhacay halkaa Ninkii: yidhi gaal diloo Gartiisana sii’ ma maqal Xaqsoor nin ku gaadhi kara! Rag uu ka dhexeeyo geel Hadduu kala geeyo damac Waxaa isu gaysa dane, Allow garansii nin moog! Galool mudhay oo farcamay dhuddaa goonyaha ku fiday Hadday kala gaar yihiin Guntay ka midaysan yihiin Hadad gorod diidan tahay Ku koob dirirtaada gorod Ha nicin gobolkuu ka yimid! Ha giijin xadhkaa ha jarin! Ha goyn waxa laysku yahay Magliga gacan loola baxay Gudaha uma dhaadhacdee Ha gaadhin laftoo ha jabin Afkaagana godob ka dhowr! Marbaa jirta gumuc la riday Galaafto ninkii ridee, In iinloow, daa gujada! Waxaa bir kuu gooya talo Markay gondihiisa taal Nimaan geshigiisa dayin Adoo wax ka gaws qabsaday Mar baa gefka loo liqaa Inaan danta guud murkacan Intaa guntay oo dhigee Garaadkaygaan hadlee Allow haygu gubin aqoon Gar eexana hayga tegin! Haddaan eego gees kalena Gedday tahay dheesha taal Inuu hebel guul heliyo Inuu gudbiwaayo hebel Galaasku halkaa ma yaal Nimaan garanoow u toos! Waxay eegayaan guddida Galbeed iyo beri ka yimi Inuu dadku yahay dad gaya Waxay baadi goobayaan Waxay eegayaan guddidu Inuu dadku yahay dad gaya Inay u noqdaan gadh-wade Dadweynaha geeska bari Fulow, guuli kuu dhawaa! Xilliga guuraynayaa Hadduu kaa tiro gedmaday Hir baa laga guurayaa Mid baa lagu geeddi yahay Waxaan goobayaa hangool Farraarkiisiyo gantadu Midkoodba ku yaallo geed Wax baan ka garaabayaa Wax baan misna gocanayaa Lammaanaan is geyin Intaan guri wada furaan Haddana garac diidayaa Hortayda bir baa ku go’ay Hareerta god baa ka qodan Gadaal uma laaban karo Giraangir wareegta iyo Dhig baa lagu guud socdaa Waxaan gudayaa habeen Wuxuu glayaa saddhexe Waxaan gudbayaa biriish Biriish ku dul taagan gees Gafuur wiyileed ka baxay Waxaa girgir qaanso sudhan Warkaba aan gaabiyee Raggi go’ay wuxu u go’ay Haddaan eego gees kalena Waxaa gabbal ka arkayaa Cirkaan u samroo godladay Hadduu gelin toomanaa Wuxuu galay weerarow Ayaankaygii gar-dhalad Ciyaartuna geba gebiyo Waxay joogtaa gamtii Halkay ku gudhaysay talo Gefkana xeer baa ka yaal Ninkii ku kacaa xad-gudub Wuxuu galayaa off-side Allow garansii nin moog! M.M. Dhamac Leave a comment |
|
"Hadad gorod diidan tahay Ku koob dirirtaada gorod Ha nicin gobolkuu ka yimid, Ha Goyn Waxa La Isku Yahay". Alle ha u Naxariisto Abwaan Maxamed Xaashi dhamac (Gaariye)
Barnaamijka suugaanta ee todobaadkan waxan idiin soo xulnay maansadii caanka ahayd ee Gurmad oo uu curiyey Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Garaiye alle ha u naxariistee Abwaanku waxa uu tiriyey 20kii October 2005tii