Dad Muslimiin ah oo kunool Magaalo ku Taala Dalka Canada oo Loo Diiday in ay Qabuuro u Gaar ah Samaystaan

0
Friday July 21, 2017 - 18:20:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Muslimiin ah oo kunool Magaalo ku Taala Dalka Canada oo Loo Diiday in ay Qabuuro u Gaar ah Samaystaan

    Dad Muslimiin ah oo kunool Magaalo ku Taala Dalka Canada oo Loo Diiday in ay Qabuuro u Gaar ah Samaystaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad Muslimiin ah oo kunool Magaalo ku Taala Dalka Canada oo Loo Diiday in ay Qabuuro u Gaar ah Samaystaan

Wakaaladaha(Xogreebnews)-Magaalo ku taalla dalka Canada ayaa diiday qorshe lagu doonayay in qubuuro ay ku sameystaan Muslimiinta. Afti ayaa laga qaaday dadweynaha magaalada Saint-Apollinaire, oo ay ku nool yihiin 5,000 oo qof. Sharciyda ka jira gobolkaasi dartood, 49 qof oo kali ah ayaa xaq u lahayd inay u codeeyaan aftida, balse 36 qof oo kali ah ayaa codeeyay. 19 ka mid ah dadkii codeeyay ay diiday dhismaha qabuurhaasi halka 16 qof-na ay oggolaadeen, iyadoo hal codna uu hallaabay. Qabuuraha waxaa dalbaday xarunta dhaqanka Islaamka ee magaalada Quebec. Waxaa bishii January halkaasi ka dhacay toogasho lagu dilay lix qof, laguna dhaawacay 19 kale.

"Uma haysan in ay jiri doonaan dad ka hor imana doono sameynta qubuurahan. Maxay ka cabsoonayaan?”, ayuu yiri Maxamed Labidi oo madax ka ah xaruntaasi dhaqanka Islaamka ee Quebec. Xaruntaasi ayaa gadatay dhul ay ugu talagashay in lagu aaso Muslimiinta ka dib toogashadaasi bishii January.

Go’aanka magaalada Saint-Apollinaire ee ay ku diiday qubuurha Muslimiinta ayaa ka careysiiyay Muslimiinta ku nool dalka Canada, waxaana laga yaabaa inay horseedo cabashooyin dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Duqa magaaladaasi ayaa taageeray fikradda qabuuraha Muslimiinta wuxuuna sheegay in uu ka walaacsan yahay sida go’aankani u dhaawici kara sumcadda magaaladiisa. "Waxaan u baahannahay qabuuro soo dhaweeyo qof walba iyadoo aan la eegeyn diinta uu qofku aaminsan yahay, dhaqankiisa iyo midabkiisa toona”, ayay tiri Sunny Létourneau oo ka mid ah dadka diidan qubuuraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured