Dowladda Maraykanka Oo Joojisay Hubkii Ay Siin Jirtay Mucaaradka Suuriya

0
Friday July 21, 2017 - 18:18:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka Oo Joojisay Hubkii Ay Siin Jirtay Mucaaradka Suuriya

    Dowladda Maraykanka Oo Joojisay Hubkii Ay Siin Jirtay Mucaaradka Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Maraykanka Oo Joojisay Hubkii Ay Siin Jirtay Mucaaradka Suuriya

Wakaaladaha(Xogreebnews)- Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo afjaray barnaamijkii sida qarsoodiga ah ay CIA Maraykanka hubka ugu siin jireen kooxaha mucaaradka Suuriya, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Maraykanka.Barnamijkan ayaa bilaabmay 2013,go’aankaasi oo uu gaaray madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, si cadaadis loogu saaro in uu xilka ka dago madaxwayne Bashar al-Assad.

Saraakiisha Maraykanka ayaa waxay sheegeen in tilaabadani ay qayb ka tahay dadaalka lagu doonayo in sare loogu qaado xiriirka Ruushka iyo Maraykanka. Taageerada militariga Ruushka ayaa gacan ka siisay Mr Assad in uu awoodda dalkaasi sii haysto intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya oo socday lixdii sano ee ugu danbaysay. Dagaalka Suuriya ayaa waxa ku dhintay in ka badan 300,000 oo qof waxaana ku barakacay 11 milyan. Wargayska Washington Post ayaa markii ugu horeysay arbacadii qoray warka ku aadan in CID Maraykanka ay soo afjareen hubkii ay siin jireen mucaaradka Suuriya.

Sida uu qoray wargayska Mr Trump ayaa gaaray go’aankiisa ka dib kulan uu xafiiskiisa Oval uu kula qaatay la taliyaha amaanka qaranka H R McMaster iyo agaasimaha CIA Mike Pompeo ka hor inta uusan kullan kula qaadan Jarmalka 7 july madaxwayne Vladimir Putin. Laba maalmood ka dib kullanka dhexmaray madaxwayne Trump iyo madaxwayne Putin ayaa saddax gobo loo ku yaala koonfuta Suuriya wax aka dhaqan galay heshiis xabad joojin ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured