Xukuumada siilaanyo Way Ku Fashilantay Adeega Arimaha Bulshada
Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo hore ayay u balan qaaday inay
Xukuumada
siilaanyo Way Ku Fashilantay Adeega Arimaha Bulshada. Xukuumada uu
hogaamiyo madaxweyne siilaanyo hore ayay u balan qaaday inay wax ka qabanayso
adeega arimaha bulhsada sida biyaha ,caafimaadka,waxbarashada iyo arimaha kale
ee bulshada. Hadaba marka
la eego siday ay u liitada wax qabashada arimaha bulshada ee xukuumada
siilaanyo waa heer aad u xun, tusaale ahaan marka la eego biyaha tan iyo markii
ay xukuumada siilaanyo talada dalka qabatay oo laga jooga sadex sanno magaalada
hargeysi weli may heli biyo ku filan,inkasta oo balab qaad been ah dadka ku
dhaqan caasimada loo sameeyey,iyada oo la og yahay siday ay kala badh dadka ku
dhaqan caasimada hargeysi maanta ay u bilo layihii. Waxa kale oo jirta inay
dhinaca waxbarashada ilaa haday aysan jirin horumar ama tayo waxbarasheed oo
dawladu ku soo kordhisay dugsiyada dawliga ah ee dalka,halka tayadii dugsiyada
waxbarashada ee somaliland ay hoos u dhaceen waayo waxaan jirin wax kormeer ah oo lagu sameeyo oo gudida
kormeerka ee shada ku leh arimaha kormeerku ay had iyo jeer ka cawdaan in aysan
haysan xataa wax shidaal ay ku shubtaan gadiidkooda ,taasi oo keentay inay
aysan jirin cid wax kormeer ah ku samaysa dugsiyada dawlada. Waxa kaaga
daran iyada oo aysan jirin waxbaadhis ku sameeya dawooyinka dhacay ee dalka soo
gala ama lagu farsameeyo tukaanada qaarkood,sidoo kale waxaa jirta in laydhka
dawlada ee magaalada hargeysa uusan wada gaadhin magaalada oo dhan taasina waa
horumar la’aanta xukuumada siilaanyo. Saaxibayaal
ma soo koobi karna sida ay xukuumadu ugu fashilantay wax qabadka adeegyada
arimaha bulshada oo hadii aynu is nidhaahno wax ka qora dee buugii cagaarnaa ee
KULMIYE ka biximayno laakiin dulka xaadsi ayaynu ku sameynaynaa wax qabad
la’aanta xukuumada siilaanyo ,oo taasi waxaa daliil kugu filan sida xawliga ah
ee dhailinyaradii dalku uga tahriibeen dalkooda ,oo hadii ay dalkooda ku haystaan shaqo kamay tahriibeen. Qalinkii:Aqoon
yahan Jaamac Cilmi Jiir Hargeysa/Somaliland Leave a comment |
|
Xukuumada siilaanyo Way Ku Fashilantay Adeega Arimaha Bulshada
Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo hore ayay u balan qaaday inay