Sidee-buu Ula Jaan-qaaday Wasiirka Warfaafinta Magaaci-cusbaa Ee Wasiir EBole!

0
Sunday January 18, 2015 - 00:09:51 in Featured by Super Admin
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee-buu Ula Jaan-qaaday Wasiirka Warfaafinta Magaaci-cusbaa Ee Wasiir EBole!

    Waxaynu og-soon-nahay inay naaneystu tahay magaac intaa badan logu sababeeyo dabeecadaha iyo hab-dhaqanka uu leeyahay qofka magacaasi lo bixinaayo ama lagu naaneysi doona, taaso tusaale uu noqota habka raad-raaca ah qofka iyo turjumaaddiisa shaqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu og-soon-nahay inay naaneystu tahay magaac intaa badan logu sababeeyo dabeecadaha iyo hab-dhaqanka uu leeyahay qofka magacaasi lo bixinaayo ama lagu naaneysi doona, taaso tusaale uu noqota habka raad-raaca ah qofka iyo turjumaaddiisa shaqo

Waxaynu og-soon-nahay inay naaneystu tahay magaac intaa badan logu sababeeyo dabeecadaha iyo hab-dhaqanka uu leeyahay qofka magacaasi lo bixinaayo ama lagu naaneysi doona, taaso tusaale uu noqota habka raad-raaca ah qofka iyo turjumaaddiisa shaqo ama sheekhsiyadeed ee bulshaddu ku tilmaameyso qofkaasi ka uu yahay. Taasi waxaa ay meesha ka saartaa magaaci hore ee ay uu bixiyeen waalidkii. Naaneystu waa magaaaca dhabta ah ee ummaddu ku aragto. Hadaba sidaa aynu kor kusoo sheegnay waxaa dhowaan madaal il-yartu is qabatay magaaca si weyn usoo jiitay dadkii halkaas fadhiyeey loogu wan-qalay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland cabdilaahi maxamed Daahir magacaaso meesha ka saaray naaneys hore loogu yaqaaney taaso ahayd cukuse, magacaan ayaa sidaa megnedka ugu dhegey wasiirka warfaafinta Somaliland. Kaaso uu wasiirku ku kas-baday kaddib markii uu shaqo xummo iyo anshax la”aan maamul la dhex-galay warbaahinta Dawladda iyo saxaafadda madaxa-banaan-ba.

Madaashi magaaca cusub loogu bixiyeey wasiirka warfaafinta ayaa waxaa fadhiyeey aqoon yahanno, xubno aad u tiro badnaa oo ahaa bahda saxaafadda ee wasaaradda Cabdilaahi EBole wasiirka ka yahay oo aad uu Khuseysa, waxaana erey-ga magaac Bixinta madaasha kaaga dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Ururka saxaafadda Somaliland ee Solja maxamed Cabdi Curad kaaso magaacaas kaga dareen cabiray sababtii iyo doorkii ballaadhnaa ee wasiirku ku laha khilaafkii mudaada dheer soo jiitamaayeey ee uu dhexeeyey ururkii saxaafadda Somaliland ee solja oo khilaafkaas awgii u burburay, sababteedana uu lahaa wasiirka magaacan lo bixiyeey ee wasiir cabdilaahi Ebola waxaana dareenkii dadka madaasha fadhiday Noqday mid la kow-sadaay inay naaneystaas ugu yeedhan wasiirka warfaafinta Somaliland cabdilahi ebole .

Hadaynu yaraa dul istaagno magaacan cusub ee loogu kabay magaaci ay waalidkii u bixiyeen wasiirka warfaafinta Somaliland cabdilaahi maxamed Daahir(cabdilaahi Eboole) waxaa uu si cad uu iftiiminayaa qaabka ay iska shabahaan wasiirka iyo xanuunka virus_disease ee dhowaan ka dilaacay dalalka Galbeedka Africa, xanuunkaasi waxaa uu dhintay ku dhowaad 1000,000 qof kaaso noqday mid hada si weyn ay ula dagaalamaan dalalka adduun-weynuhu alle ha inaga haye. Balse tusaalaha uu ninkan weriyaha ahaa usoo-qaatay magaacan ayaa ahayd hab-dhaqanka wasiirka oo ah mid uu ku salleynaayo is lahaan ama isku eg-kaanta virus iyo anshaxa wasiirka oo ah mid liita xagga maamulka iyo xagga dhawr-sanaantaba.

si kastaba haa ahaatee waxaa magaacan waayadan danbe si weyn uu qaadaa-dhigaaya Bahda shaqaalaha ah ee wasaaradda warfaafinta oo markii hore is-weydiin jiray wasiir cukuse ma jooga ama xagga qabtay ayaa hadda weydiintaas ka dhigay mid ay meesha kaaga saaran naaneystaas hore yidhaah-daana ma jooga cabdilaahi Eboola? qaataanna magaacan cusub ee virus_disease tilmaameysa Ebole. Inaago is weydiin karnaa sababta Ku kalisftay inay shaqaaluhu naaneys halistaa ah ku xaantaan wasiir-kooda waxaa ay inaa tusaysaa in aanay raali ka ahayn wadaa-shaqaynta wasiir Eboole oo ah sheekhsi ay ku jirta isla weyni Digteetarnimo iyo waliba anshax xummo ballaadhan oo aan wanaag-saney oo ay ku qabaan wasiirka wasaaradda warfaafinta cabdilahi maxamed Daahir (cabdilahi EBole)

isku soo wadaa duubo maagacan cusub ayaa noqonaaya kii koowaad ee lo bixiyo wasiir ka Tirsan xukuumadda siilaanyo waxaanad mararka qaarkood arkaysa madax aad uu badan agaasimayaal iyo wasiiro ka mid yihii xukuumadda uu ka mid yahay cabdilaahi oo durba Telephoonadooda Ku seve-garaystay wasiir cabdilaahi Eboole taasi waxaa ay Tilmaameysaa sidaa ay araagtii ahaan bulshaddu uu dareen-san tahay inuu fayras socda yahay wasiir cabdilaahi maxamed Daahir(cabdilahi Ebola.

Qalinkii

Qaasim xasan abokor

Qaasim4422@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured