Marwo Fadumo Siciid waa halyey Qaran Bal Dahaba Ka Gashay Taariikhda Somaliland,Qoyska Madaxtooyada Oo Rag Iyo Dumarba leh waxay Shacabku leeyihiin Sii Daaya Inanta Aad Timaha Jiideysaa

0
Saturday December 06, 2014 - 16:36:14 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Fadumo Siciid waa halyey Qaran Bal Dahaba Ka Gashay Taariikhda Somaliland,Qoyska Madaxtooyada Oo Rag Iyo Dumarba leh waxay Shacabku leeyihiin Sii Daaya Inanta Aad Timaha Jiideysaa

    Somalidu waxay ku maahmaahda( Ma Gudboona Geesiga Cartama Iyo Gocorka Caayaa) Marwo Mujaahidad Fadumo Siciid Ibrahim waa halyey qaran waxayna baal dahaba ka gashay diiwaanka taariikhda somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalidu waxay ku maahmaahda( Ma Gudboona Geesiga Cartama Iyo Gocorka Caayaa) Marwo Mujaahidad Fadumo Siciid Ibrahim waa halyey qaran waxayna baal dahaba ka gashay diiwaanka taariikhda somaliland.
Somalidu waxay ku maahmaahda( Ma Gudboona Geesiga Cartama Iyo Gocorka Caayaa) Marwo Mujaahidad Fadumo Siciid Ibrahim waa halyey qaran waxayna baal dahaba ka gashay diiwaanka taariikhda somaliland.
Faduma saciid waa halgama naf iyo maalba u hortay xorayntii Jamhuuriyada somaliland,markii dalka lagu soo noqday Marwo Fadumo siciid waxay ka qab qaadatay dib u dhiska somaliland ee dhinaca caafimaadka,waxbarashada,arrimaha bulshada,iyo ciyaaraha (sport).
Fadumo waxay soo gacan qabatay kumanaan dhalinyaro ah oo ku darxumaysnaa dalka,fadumo intay somaliland u tartay cid u tartay ma jirto qof ku dherersan karaana ma jiro.
Shacabka somaliland ayaa gudo iyo debedba ka xumaaday sida foosha xun ee abaal la’aanta ah ee faadumo siciid loola dhaqmay, waxayna shacabku leeyihiin fadumo siciid waa halyey qaran uma dulqaadan doona kuwa doonaya in ay magaca fadumo siciid ku ciyaaraan.
Qoyska madaxtooyada iyo inta gacan saarka la leh waxaanu leenahay kibirka,hinaasaha,iyo caga juleynta aan wadaan joojiya oo inanta Fadumo Siciid ee aad timaha jiidjiideysaan joojiyo.
Muwaadiniinta xorta ah ee somaliland waxay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin gabadhooda sharafta iyo karaamada mudan ee Marwo Halyeyad Fadumo Siciid oo shacabka somaliland kala soo dabaalatay waqtiyo adag oo lama ilaawaan ah.
Qoyska Madaxtooyada iyo kulmiyeba waa abaal-laweyaal waxayna ka abaalka dareen Marwo Fadumo Siciid oo ku suntan muwaadinada qaranka somaliland maah maah somaliyeed ayaa tidhaahda( Waxba yuu xeerkay i marin Xoolana i Siine Xaashee Nin Libin Kaa Xistiyey Xumihii Waa Yaab).
Qoraal yar laguma soo koobi karo waxqabadka,kartida,taariikhda ay Fadumo Siciid ku leedahay Jamhuuriyada Somaliland,waxaanaan hadalka ku soo koobayaa Marwo Fadumo Siciid waa muraayadii shacabka,waa halyeygii qaranka,waa labeentii somaliland,waa geesiyadii wadanka, cid ku dherersan kartaa ma jirto ee kuwa hinaasaha wadow cadaabta ku dhaca.
Yusuf Abdilahi Janale
Tafatiraha Guud Somalilandcitizen.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured