Wasaarada Boosaha iyo Isgaadh-Siinta oo Shaacisay in aanu Furaha Cusub Ee Telesom Waxba U dhimayn Qaranimada Somaliland

0
Thursday May 09, 2013 - 21:56:28 in Featured by Super Admin
  • Visits: 1988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Boosaha iyo Isgaadh-Siinta oo Shaacisay in aanu Furaha Cusub Ee Telesom Waxba U dhimayn Qaranimada Somaliland

    “Lambarka cusub ee 063 ma aha mid aynu la wadaagno Xamar” 15-ka Bishan waxaanu wasaarad ahaan Qabanaynaa shir Lagaga arrinsanayo sida aynu ku heli karno fure dal oo gaar ah”

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Lambarka cusub ee 063 ma aha mid aynu la wadaagno Xamar” 15-ka Bishan waxaanu wasaarad ahaan Qabanaynaa shir Lagaga arrinsanayo sida aynu ku heli karno fure dal oo gaar ah”

Wasaarada Boosaha iyo Isgaadh-Siinta oo Shaacisay in aanu Furaha Cusub Ee Telesom Waxba U dhimayn Qaranimada Somaliland

“Lambarka cusub ee 063 ma aha mid aynu la wadaagno Xamar”

15-ka Bishan waxaanu wasaarad ahaan Qabanaynaa shir Lagaga arrinsanayo sida aynu ku heli karno fure dal oo gaar ah”

Hargeysa (xogreebnews.com)-Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa tafaasiil ka bixisay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mudane Xasan Cumar Hoorri, ayaa galabta soo saaray war-saxaafadeed uu ku sharxayo fureyaasha cusub ee ay soo kordhisay shirkadda TELESOM.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

“Shalay, 8dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga063taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku wacyigelinaysay isbedelkan soo kordhay.

Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka.

Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar06u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateenTelesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.

Ilaa hadda dalkennna waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code)252kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa innoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee063inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka.

Haddaba iyada oo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen Wasiirka iyo madaxda Waaradda Boosaha & Isgaadhsiinta, mar labaad, waxaan halka ka cadeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarka063islamarkaana in aanu waxba u dhimmayn qarannimada Somaaliland taasoo dhammaanteen aan u wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda.

Wasaaraddu waxay hore farta ugu godday adeegsiga furaha dal (252)ee ilaa hadda aan la wadaagno Somaaliya kasoo haddii aanu si dhakhso ah looga xadhig furan, dhowaan, keeni doona innaga xidhaan xukuumadda Somaaliya ama in ay innagu cashuuraan.

Sidaa darteed, waxay wasaaraddu hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh mudnaanta kowaad ee dalka.

Allaa Mahad Leh

Xassan Cumar Hoorri

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured