Taarikhda Boqortooyaddi Soomaaliyeed Ee Ka Talin Jirtay Geeska Africa Qarniyadii 12 aad 18aad By C/casiis Bashiir

0
Friday July 04, 2014 - 20:14:29 in Featured by Super Admin
  • Visits: 3669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taarikhda Boqortooyaddi Soomaaliyeed Ee Ka Talin Jirtay Geeska Africa Qarniyadii 12 aad 18aad By C/casiis Bashiir

    Taarikhda Boqortooyaddi Soomaaliyeed Ee Ka Talin Jirtay Geeska Africa Qarniyadii 12 aad 18aad By C/casiis Bashiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikhda Boqortooyaddi Soomaaliyeed Ee Ka Talin Jirtay Geeska Africa Qarniyadii 12 aad 18aad By C/casiis Bashiir

Hargeisa(xogreebnews.com-Akhristayaal maog-tahay inay soomaalidi lahaan jirtay quwaad aad u weyn oo kazoo talin jirtay dhulka geeska Africa iyaado lahayd ciidamada fardaha iyo waliba quwad miletery waxaana ay ahaayeen boqortooyooyin muslim ah oo dhulka soomaaliyeed ka dhisay goobo taarikhi ah .Taariikhda Boqortooyadii Ajuuraan)Sida aan ka war hayno Soomaliya waxaa ka talin jirtay boqortooyo xoogan oo uu maamulkeedu gaarsiisnaa dalal badan oo bariga afrika ku yaala Boqortooyadaas oo la oran jiray Boqortooyadii Ajuuraan waxaa ay dalka soomaaliya iyo dalal kale oo Bariga afrikaba ku yaala ka talin jirtay qarniyadii 14aad 17aad Boqortooyada Ajuuraan oo dhullka soomaalida ee ay ka talinaysay u ogolaan jirin in cid shisheeye ah si gardaro ah ku soo gasho ayaa gashay dagaalo taarikh reebay oo ay buugaagta taariikhdu aad uga hadleen inkastoo soomaali badan oo wax qortaa ay ka gaabsadaan sababo badan aawadood maqaalo badan ayaan uga hali doonaa sababahaasiyeLabada dagaal ee dhul balaarsi ahaa ayaa laga xusi karaa DHUL BALAARSIGII Oromada oo ay ciidamadii Boqortooyada ajuuraan jilbaha u dhigeen waxaana halkaas ku fashilmay Damacii waalnaa ee Oromada Waxaa isna jiray dagaal kale oo ay Boqortayadii ajuuraan la gashay Booqrtaqiiska Dagaalkaasina waxaa la oran jiray Dagaalkii Ajuuraan iyo Booqrtaqiis dagaalka ayaa bilowday kadib markii ay is mahdisay boqortooyadii Boortaqiiska ee xiligaasi jirtay waayo waxaa ganacsigeedii uu gaaray dulal badan oo bariga Africa ka tirsan Magaalooyinka uu boortaqiisku ganacsi ku yeeshay waxaa kamid aha kilwa milidi mombasa pale iyo lamu maadaama damac weyni ku jiray boortaqiisku waxaa uu soo hawaystay dhulkii boqortooyadii Ajuuraan ka talinaysay gaar ahaan soomaliya magaalooyinka uu boortaqiisku u hanqal-taagay waxaa ka mid ahayd baraawe iyo muqdisho Dagaal xun oo u dhexeeyay Boqortooyadii ajuuraan iyo boortaqiiska ayaa ka dhacay magaalada Baraawe bortaqiisku Dab ayuu qabadsiiyay magaalada bililiqana waa ka dhacday ciidanka boqortooyada ayaa u diiday bortaqiisku in ay qabsadaan magaaladamarkaii la caabiyay Bortaqiiskii waxaa u dalbaday ciidamo dheeeraada waxaa u qeylo dhaan udirtay dalka hindiya oo ugu yaboohday ciidamo cawiya Xaal marka uu sidaasi marayo boqortooyadii Ajuuraan ayaa iayada cayaartay diploomaamisiyad ay taageero ku doonaysid ayadoo xiriirla lahayd dalal badan ayaa waxaa ay ka door biday dalka Turkiga in ay gacan ka siiyaan dagaalka difaaca ah ee ay ku jireen Turkiga oo ahayd awood jirtay markaas Xiriirna ka dhexeeyay Boqrtooyada Ajuuraan ayaa ogalaatay in ay gacan siiso boqoqortooydii Ajuuraan Booqrtaqiiska oo aan ku quusanin

jabkii ka gaaray Baraawe ayaa isku dayay in uu qabsado magaalada muqdisio oo ay bortooyadii Ajuuraan ka talinaysay Sababta uu ugu soo hanqaltaagay booqrtaqiisku muqdishu waxay ahayd magaalada ugu qanisanayd xiligaa magaalooyinka ku yaala xeebha bariga afrika Xiisada dagaal ee u dhexeysay Boqortooyadii Ajuuraan iyo boortaqiiska oo xiligaa ay boqortooyo ka jidhay ayaa taagnayd 10 sanadoon Boqortooyadii Ajuuraan oo gacan ka helaysa Boqortooyadii Turkiga oo xiriir fiican uu ka dhexeeyay ayaa soo afjartay dagaalkaasi ….la soco

qalinkii

cabdi casiis bashiir Nuur

Tel: 4144434

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured