Sheeko Gaaban Oo Aad U Xiiso Badan Lana Magac Baxday Maan Guursadeen!

0
Monday May 06, 2013 - 07:40:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 3256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Gaaban Oo Aad U Xiiso Badan Lana Magac Baxday Maan Guursadeen!

    Haddii aan noqon lahaa gabadh Soomaaliyeed, maan guur-sadeen nin Soomaaliyeed. Haddii aan guur-sadana waxba uma dhaleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aan noqon lahaa gabadh Soomaaliyeed, maan guur-sadeen nin Soomaaliyeed. Haddii aan guur-sadana waxba uma dhaleen. Sheeko Gaaban Oo Aad U Xiiso Badan Lana Magac Baxday Maan Guursadeen!

Haddii aan noqon lahaa gabadh Soomaaliyeed, maan guur-sadeen nin Soomaaliyeed. Haddii aan guur-sadana waxba uma dhaleen.
Odhaaahdan xanafta iyo xajiinta miidhana waxa tidhi baa igu maqaalo ah gabadh cad oo kal-kaaliso- ummuleed ka ah Cusbitaal. Haddaba maadaama aan ahay nin Soomaaliyeed, hadalkani wuxuu igu riday xanaaq iyo xayraan wada socda. Waxaanu igu dhaliyay waydiimo badan oo ay ka mid yihiin: Tolow ma gogosha ayay ku saluugtay; mise gowska. Ma garashada mise gacan fudaydka. Dumarka Soomaaliyeedse odhaahdan sidee bay u arkaan?. Waydiimahan xagaan u qaado anniga oo garan la’ ayuun buu ilaahay igu il-haamiyay: Miyaad caawaba xaaskaaga waydiisid aragtideeda ku aaddan odhaahdan.

Haddaba caways Jimceed ayuun bay ahayd markii aan irridka gurigayga garaacay, ee ay iga furtay ooridayda oo indha kuulan, dabno guduudan, da’yaraanina ka muuqato. Bariido aan diiranayn ka dib markii aan gudaha sii galay waxa i qaadaa dhigay caraf iyo udgoon, oo meel aan joogo intaan garan waayay, ayaan is idhi ma ku booddaa (Iyada). Laakiin, waxaan samayn lahaaba waxaan ka baqe qabay inay caruurtu soo jeedo, waayo habeenno badan bay iga gaagixiyeen kalaabtu. Haddaba si aan u shiki baxo waxaan hubsasho u galay qolalka, Waxaanan ogaaday inay galin horeba seexisay. Markasan uurka ka farxay, hoostana ka qoslay, ogaadayna inay Jimce tahay. Jimcahana sharci baa ka yaallay.
Haddaba hawli ha ii danbaysee, waydiintii igu mudnayd ayaan dirqi ku xasuustay, oo aan u bandhigay xaaska. Inta ay iga ag kacday, ayay igu tidhi: “Waa runteed, waanay saxan tahay. Anba nin Soomaaliyeed haddaan sidan moodayo ma guursadeen”. Yaab, dareenkii hammi ee igu abuurnaa inta uu hoos u dhacay ayaan ku idhi: “Oo hadda wada joogeenna miyaad ka xun tahay”?
Inta ay foorarsatay ayay tidhi: “Kamana xumi, kumana faraxsani”. Waar bal inkaartan kaalaya eega, “Naa toban sanno ayaan ku qabay, oo shan caruura ayaad ii leedahay ee maxaynu ku wada joognay haddaa”? “Waynu iska wada joognaa uun”. Ayay si quusi ka muuqato iigu jawaabtay. “Waynu iska wada joognaa uun hadal maaha, ee maxaad iga tabanaysaa anniga”?
Ayaan si xog raadin ah u waydiiyay? “Haddii aan kuu sheego, ma kolaad qaadanaysaa”? Ayay iyada oo shanta dhabanada ku haysa ina soo eegaysa tidhi. “Waan qaadanayaa, ee ii sheeg Saytuun” Ayaan si quudarayni ka muuqato ugu idhi. (Saytuun: Waxaan ugu yeedhaa marka aan xod-xodanayo rabana inay wax ii sheegto, ama wax i siiso) . Inta ay si wanaagsan u soo fadhiisatay ayay hadalka ku bilowday.
“Horta caawa habeen aad ka wanaagsan tahay ma aan arag intii aynu wada joognay, waayo waxa iiga kaa muuqda danayn iyo debecsanaan badan. Taasaana keenaysa inaan uurkayga kuu dooxo, oo aan tabashadayda kuu soo bandhigo. Maalintii aan ku guursanayay waxaan is lahaa wuxuu kuu noqon hooyo, aabbo, walaal iyo wehel rumaad. Waxaan is lahaa cidlo danbe dareemi maysid, ciishoon maysid, cabashana hadalkeedaba daa. Waxaan is lahaa wuu kula kaftami, wuu ku kool koolin, waanu kuu kaalmayn. Waxaan is lahaa wuu ku dhegaysan, wuu ku dhaqaalayn, wuuna kuu dhego nuglaan.
Waxaan is lahaa wuu ku maamuusi, wuu ku marxabaysiin, waanu ku mac-siin mar walba. Waxaan is lahaa wuu ku daadahayn, wuu ku dal-xiis gayn, waanu kula dawaafi. Waxaan is lahaa wuu kula damqan, wuu kula digigixoon, wuuna kula diir-nixi. Waxaan is lahaa wuu ku caawin, wuu kula cawayn, wuuna kula ciyaari. Waxaan is lahaa waad ku faani, waad ku farxi, waanad ku fantasiyayn. Waxaan is lahaa wuu ku raali galin, wuu kuu raaxayn, waanad ku rayn. Waxaan is lahaa wuu kuu naxariisan, wuuna ku nasin. Waxaan is lahaa wuu kula tashan, wuu ku tilmaami, waanu ku tiirin. Waxaan is lahaa wuu kula haasaawi, wuu kula hadli, waanu kula hawshoon. Ilayn haweenku hadal bay ku nool yihiine.Waxaan is lahaa jacaylkiina wuu kobcin doonaa, waanu kordhin doonaa.
Waxaan is lahaaba, waxba iimaad noqon. Haddii aad noqotayna, waxaad noqotay annaani, hadh iyo habeen ka fikira cuntadiisa, cabitaankiisa iyo kufsashadayda.
Haa kufsashadayda, dareen godlin ma lihid, gacan salaax laguguma oga; gacal-tooyana haba sheegin. Sidii aad waraabe tahay baad igu soo booddaa, luquntana isugu kay laabtaa, laabtana igaga dhacdaa, dabadeedna si arxan daran ii luf-luftaa oo aad iga muraadsataa. Shanta caruura ee aan kuu hayaba waxaad igaga dhashay kufsi sharciyaysan. Uurka intii aan ku siday ilamaad xanuunsan, imanaad xanaanayn. Fooshaydii garabkayga ma aad taagnayn, gacantaydu kuma haysan, galiilyada aan qabana war umaad hayn, ee banaanka ayaad iska joogtay. Mararna waabad iska maqnayd.
Caruurta hayntooda, cuntada karinteeda, dharka cadayntiisa iyo guriga carfintiisaba cududaha ayaan kaga jabay, haddana cishana kaama maqlin eray mahad naq ah. Waxaad ii aragtaa addoon kuu shaqaysa. Waxaanan isku arkaa agoon yar oo kula joogta.
Maalinna imaad odhan maxaad u baahan tahay macaan?. Xataa, imaad odhan eray macaan oo diiriya dareenkayga dayra dhaafuhu qalajiyeen. Ama dhalaaliya buuraha barafeed ee qalbigayga ku samaysmay. Dharaarna iimaad hadiyadayn ubax yar oo ka tarjumaya jacaylka aad ii qabto, (Iimaba qabtide). Galabna anniga iyo caruurta noomaad kaxayn beeraha la daawado ee dal-xiiska loo tago. Habeenna ma aynaan xusin jacaylkii isku keen keenay ee aynu beryo biqlidiisa ka shaqaynaynay.
Bakhaylnimada gacmeed ee aad leedahay waxa kuu dheer bakhaylnimo caadifadeed. Ad adkaanta iyo eray qalafsanaanta waxaad u aragtaa ragganimo. Halka aad debecsanaanta iyo diir-naxa u aragtid dumarnimo. Waan dareensanahay inaad annaga noo dhididaysid, noo dhibtoonaysid, noona dhan qalmaysid, laakiin miyaad xanuunsan haddii aad eray-san igu tidhaa marka aad sii baxayso ina sii maca-salaamayso, marka aad soo noqotana i tidhaa; Waan kuu xiisay xabiibi.
Miyaad dhiman haddii aad i sii dhunkato. Ma dhulkaa kula gu’i haddii aad tidhaa: Waan ku jecelahay, iyaga oo ubadkeenu ku maqlayaan. Miyaa lagu doorin, haddii aad iska dayso hooyadiin u yeedha, oo aad tidhaa: Inaabtiday Saytuun iigu yeedha? Mise waa lagu der-deri haddii aad dabacsanaan iyo dul-qaad ii muujiso.
Haddaba miyaynaan iska wada joogin uun waadigii ila yaabanaaye? Ayay si garnaqsi ku jiro ii tidhi. Aaaaah, wax aan idhaa intaan garan waayay ayaan madaxa ruxay, anniga oo qajilaad iyo qiiro wax aan u kala garan waayay jidhkayga dhameeyeen. Hadalka ayay sii wadatay, waxaanay tidhi:
Walaahi, marka aan Telefishanada ka arko aabbe ubadkiisii iyo ooridiisii daadahaynaya intaan muraaqoodo ayaan haddana murugoodaa. Marka aan arko nin ooridiisa ku amaanaya waxa ay u qabato intaan qiiroodo, ayaan haddana qaracmaa. Marka aan arko nin ooridiisa la tashanaya intuu xiise i qaado ayaan haddana xanaaqaa.
Waan ogahay in dhankayga gaabis badani ka jiro, laakiin annigu dumar baan ahay, oo hadba sida aad iga dhigto ayuun baan ahaanayaa. Haddii aad ii dhibir-sanaato, anna waan kuu dhego nuglaanayaa. Haddii aad ii debecsanaato anna waan kuu dul-qaadanayaa. Haddii aad ii mahad naqdo anna waan ku maamuusayaa. Haddii aad i weheshato anna waan kugu wayraxayaa. Haddii aad i amaanto anna waan kuu dararayaa. Samaynta waxanina ma adka ee la qabsi bay u baahan yihiin.
Waan dareemi karaa in dhaqanku xakame bir ah inagu hayo, laakiin miyaanay dhici karin inaan ka kufrino intiisa xun ee aan xaaladdeena ku habboonayn? Miyaanay dhici karin inaan inagu qaabayno qaabka aynu u wada noolaanayno? Miyaynaan abuuri karin nolol tan aan hadda ku jirno, ka xallad iyo xiisa badan? Miyaynaan hormuud lagu daydo u noqon karin Soomaalidan iska wada joogta, haddii aad qaab dhaqankaaga wax ka bedel ku samayso, haa waynu noqon karnaa, ee maad ka bedeli?.
Aaaah… goblan talo adduunyooyay, gaaridaan jeclaayeen, gabdhaba ka doortee, gurboodkayga haysaa, garnaqsigan abuurtee, miyaan kaba garaabaa? Mise waan giriifaa?
Gobi waa tii garawdee, waydiimahaa sare ka jawaabidooda waan u awood waayay, goor danbe ayaanse si qiiro iyo qushuuci ku jirto u idhi: Waan samayn karnaa macaan, waanan ka bedelayaa, waanan ku jecelahay. Maanta ka horna umaan qalmin inaan nin kuu ahaado. Laakiin, kun jeer baan kaa raali galinayaa gefafka aad iga tirsanayso ee wada macquulka. Intaasi haddii ay yaa allaah igaga soo baxday, waxaan arkay iyada oo illintu dhabanadeeda dul hoorayso oo hiq-dhabanaysa.
Markaasan anna is hayn waayay oo aan naxariis iyo kal gacal la ilmeeyay. Waanu isku soo haadnay oo saacado ayaanu isku dul-hiqlaynay-nay, annaga oo duminayna dayrkii Barlin ee dhexdayada ku gudbanaa, dabiibaynana mashaacirtayadii dakharadu ku yaalleen. illintaydu waxay ku dhafantay illinteeda, dareenkayguna wuxuu ku tidcamay dareenkeeda. Hiin raag mooyee, hadal iyo hugun adaa sheegaya. Markii aanu is laab-xaadhanay habeenkaa barakaysan, waxaannu go’aansanay inaannu bog cusub u furno noloshayada danbe. Haddii aannu arrintaa si niyad samaana iskula qaadanay, inta ay iga kacday iyada oo aad balan baalis moodo ayay casho sukhaara oo aan caruurtuba malaha cunin ii keentay. Waligay casho ka dhadhan macaanayd. Waxa ka sii daran sidii ilmo yar ayay afka iigu gurtay, oo waxaan soo xasuustay hooyaday macaan. Cashada waanu ku dul haasawnay, ku dul kaftanay, kuna dul faraxnay.
Haasaawuhu isaga oo meel dhexe noo maraya ayaan si kaftana u waydiiyay: Gacaliso Saytuuneey, nin Soomaaliyeed malaha maad guuuu…… Anniga oo aan hadalkaa dhamayn bay igu soo booday oo ay afka i qabatay , Iguna tidhi: Ha odhan hadalkaa mar danbe, ilaah baan kugu dhaariyee. Haye macaan inta aan idhi, ayaanu kobtii ka hinqanay annaga oo u sii jeedna qolkii hurdada, intii aannu sii soconay waanu isa sii daadahaynaynay, annaga oo is leh: Ha dhicin, ha dheeliyin. Sidii baanu qolka ku galnay, isla markiibana albaabka ayaan hoosta ka xidhay. Illaa haddana wuu ka xidhan yahay oo hawl gal millatari baa ka socda
.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured