Kulanka Man United —VS- Chelsea :- The Blues oo ay ka go,an tahay guul si ay uga qeyb gasho Champions League

0
Monday May 06, 2013 - 07:37:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Man United —VS- Chelsea :- The Blues oo ay ka go,an tahay guul si ay uga qeyb gasho Champions League

    Kooxda martida loo yahay ayaa waxa ay guuldarado kala kulantay kooxda Blues in ka badan kooxaha kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda martida loo yahay ayaa waxa ay guuldarado kala kulantay kooxda Blues in ka badan kooxaha kale

Kulanka Man United —VS- Chelsea :- The Blues oo ay ka go,an tahay guul si ay uga qeyb gasho Champions League

Manchester-United-vs-Chelsea-10.jpg

Kooxda martida loo yahay ayaa waxa ay guuldarado kala kulantay kooxda Blues in ka badan kooxaha kale ee Premier League ciyaara xiligan.

Kooxda la marti galinaayo ayaa iminka waxa ay soo tiigsatay kama danbeysta koobka Europa League,sidoo kale hada waxa ay dooneysaa in sanadka dambe ka soo qeyb gasho koobka Champions League .

Sir Alex Ferguson ayaa u muuqdo mid is badal yar ku sameenaya ciyaartooydii todobaadkii hore ka hortagtay kooxda Arsenal ,ciyaaryahanka Shinji Kagawa ayaa u muuqda mid lagu badali doono booska Nani.

Ashley Young oo dhaawacan ayaan kulankaan safan doonin ,sidoo kale Nemanja Vidic iyo Danny Welbeck ayaa iayagana la hubin in ay kulankaan ku soo bilaaban karaan maadaama ay dhaawacan yihiin.

Rafa Benitez ayaa raba in uu badal ku sameeyo qaarka tirsan xidigihii kooxda Basel ku gaaracay goolal gaaraya 3-1 habeenkii khamiista.

John Terry, Ashley Cole, John Obi Mikel, Juan Mata, Oscar iyo Demba Ba ayaa dhamaantood la rajeynayaa in lagu badalo boosaska xidigaha kala ah Gary Cahill, Ryan Bertrand, Frank Lampard, Ramires, Victor Moses iyo Fernando Torres ka dib markii ay ciyaareen kulankii khamiista.

MALA SOCOTAA?

Kooxda Chelsea ayaa hal mar adkaatay 17-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay soo booqato garoonka Old Trafford ,guusheedii ugu dambeysay waxa ay ku adkaatay 3-0 bishii December ee sanadkii 2001, sadaxda gool ee kooxda Chelseaa waxa ay ka kala heshay Mario Melchiot halka laba gool uu dhaliyay Eidur Gudjohnsen

United ayaa sanadkaan goolasha madaxa looga dhaliyay waxa ay gaarayaan 22-gool,waxa ayna tahay kooxda koowaad ee inta badan madax goolasha looga dhaliyo, kooxda Chelsea ayaa ah kooxda ugu yar ee madax looga dhaliyay gool waxaana looga dhaliyay shan mar.

Dhamaan ciyaartooyda kulankaan ciyaareyso waxa ay horyaalka Premier League ka safteen in kabadan 150-kulan , kooxda Red Devils’ kabtankooda Nemanja Vidic, ayaa ah ciyaaryahanka ka wanaagsan mid kasta ,waxa uu saftay 184-kulan waxa uuna guul gaaray 136-kulan oo ka mid ah.

Chelsea kubad difaacaheeda John Terry ayaa isagana waxa uu yahay ciyaaryahanka kooxda Blues ee boqolkiiba 67 guuleystay,waxa uuna kooxda u saftay xiligaan boqolkiiba 48% .

Kooxda Blues ayaa ah koox madaxa ku dhalisay ilaa iyo 15-gool waana kooxda ugu madax dhaliska badan horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan.

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo

MANCHESTER UNITED

De Gea
Rafael, Ferdinand, Evans, Evra
Jones, Carrick
Valencia, Rooney, Kagawa
Van Persie

CHELSEA

Cech
Azpilicueta, Ivanovic, Terry, Cole
Luiz, Mikel
Mata, Oscar, Hazard
Ba

Garoonka: Old Trafford – Manchester

Garsoore:–¬ H. Webb–Ž

Saacada geeska Afrika : 6:00




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured