FAALLO SADEX-JIRSIGA SOO DHAW EE XUKUUMADEENA KULMIYE DUMIYE EE DABO ROGAN MAXAA LAGU-XUSUUSAN KARAA??–

0
Friday May 03, 2013 - 08:37:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO SADEX-JIRSIGA SOO DHAW EE XUKUUMADEENA KULMIYE DUMIYE EE DABO ROGAN MAXAA LAGU-XUSUUSAN KARAA??–

    London(xogreebnews.com-Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu Damaanad Qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somalilander ahi in uu qaab-kasta oo uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(xogreebnews.com-Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu Damaanad Qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somalilander ahi in uu qaab-kasta oo uu FAALLO SADEX-JIRSIGA SOO DHAW EE XUKUUMADEENA KULMIYE DUMIYE EE DABO ROGAN MAXAA LAGU-XUSUUSAN KARAA??–
London(xogreebnews.com-Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu Damaanad Qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somalilander ahi in uu qaab-kasta oo uu doono uu dareenkiisa u cabiro karo London(xogreebnews.com)-Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu Damaanad Qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somalilander ahi in uu qaab-kasta oo uu doono uu dareenkiisa u cabiro karo Xukuumadiisana dhaliili karo.Waxaa kale oo uu Dastuurku uu Muwaadinkasta oo Somalilander ah uu Xaq-u-siinayaa in uu Aragtida Fikirkiisa, dhiibashada Rayigiisa, Cabirista Maskaxdiisa, Hilaadinta indheer-garadnimadiisa, Abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, Edeeynta iyo Toosinta Xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay , xaqna u-leeyahay isaga oo aan ku-talax tageyn Milgaha iyo Xuquuqda Muwaadinkasta uu siiyey Dastuurka Qaranku, Waa hadii ay inaga Dhab-tahay in aynu Yab-yabano, oo Kab-kabano oo Yag-leelano ( Dimuquraadigeena Curdinka-iyo Socod-baradka la kobci la,a )1-Qudbadii Sanadlaha aheyd ee Madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo uu ka Jeediyey Golaha Baarlamaanka ee Qaranka, sanadkan Janaayo 2013 wuxuu ku Cadeeyey in Marka Kalkiisu ama 5ta Sanadood ee la doortey ay dhamaato in aan Maalin keliya loogu-darin ee uu Kursiga ka degi-doono. Waana Hadal Cad oo Taariikhda lagu duugay.laguna diirsadey si loo Naaxiyo Geedi-socodka Dimuqraadiga Curdinka ah ee Somaliland. Waxaase marag-madoonto ah in Xidhiidh Qorsheysan oo ku-sifeysan ( Waar-dhabarka ii-xoq, ana aan kaaga-kuu-xoqo) in uu ka dhaxeeyo Sadexdii Dhar-Dhaar ee uu Ku-fadhiyey Qaab-dhismeedkii Qaranka Somaliland taas oo looga fadhiyey in ay sadexdaa Dhar-dhaar isu-ahaadaan ( Dabar-iyo Seeto-ama Check and Balance) kuwaas oo kala ah Golaha Fulinta, Golaha Baar-lamaanka/Golaha Guurtida( xeer-dejinta), iyo Golaha/Garsoorka, kala Xadeynta Awoodaha Sadexda Waaxood ee Qaranka waxaa Xusaaya Dastuurka Qaranka waxaase Nasiib-daro - ku-gel-gelimeysatey oo Ceyntii iyo Baydiiba jartey Xukuumada.Waxaa Maamul la toosin karaa marka uu ku-dhaqmo sharciyada markaa u-yaala kuwaas oo sal -u-ah Wada-tashi, Cadaalad iyo Nabadgelyada iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaana ummaddu Maanta wada aragtaa sida Maajooratiga Golaha Wakiiladu waa (Baar-lamaanka iyo Guurtida ) oo Ganacsato u-badani ay ugu xuub-siibteen Muxaafadiin-Guul-wadayaal ah iyaga oo ilaa-shanaaya danahooda Gaarka u-ah. Taas oo ay ku Fasaqmeen kuna mil-meen Golaha Fulinta taas oo u-eeg in ay Xukuumada Heshiis Qorsheysan la galeen. Waxaana hesiiskaa Maxsuulkiisii uu noqdey in ay Xukuumadu U-Jebiso G.wakiilada Dastuurka Qaranka Qodobkiisa 42aad oo ay Mudo Gaadheysa 2-sano iyo bilo ay Xukuumadii u-kordhisey Golihii Baarlamaanka oo Waqtigoodu Dhamaadey.Taas oo si cadaan ah ay Shacabka reer Somaliland ay u-Wadda arkayaan in Guurtidiina si outomatic ah Sharcigu Dhabarka ugu Xoqi-doono dhawaan si ay iyaguna ay dhabarka ugu-sii xoqaan Xukuumada. Halkaana Xukuumada Cimriga loogu dheereeyo oo Shuruucdii wadanka u-yaaley loogu tunto iyada oo aan wax talo-Wadaag ah lala Yeelan Xisbiyadii Mucaaridka ahaa. 2-Doorashooyinkan Baarlamaanka iyo Guurtida ee aan hore Dawladu ugu sii-qorsheyn in ay ku-qab-soomaan waqtigoodii loogu talo galey ayaa ku noqonayaa Niyad-jab iyo Nitaakho Hakad ah oo ku-habsadey ummaddii Somaliland ,Waxaa kale oo ay noqneysaa Qorshe La,aantaa Biyo dhigtey Xukuumada Siilaanyo Daawac dhiig-bax ah oo Gaadhey Geedi u-Socodkii Dimuqraadigii Yab-Yabka, Dhab-dhabka iyo Yagleesha aheyd ee Somaliland. Waxaa kale oo ay Niyad-jab ku-tahay Xiisihii ay Muwaadiniinta reer Somaliland ay -u-hayeen Du-duucii iyo Dabo-ka-riixii Qadiyadii Qaranka yar ee Socod-baradka ah. Waxaana maanta Halkaa ku Banjartey Rajadii iyo Riyadii loo hayey Dimuqraadiyadii soo kob-caysey ee Somaliland.3- Wasiirada Xukuumada Siilaanyo oo ku Caan-baxey in ay Doogsin carar daraadii in ay Darkaba Jiidhaan mar-marka qaarkood oo la arkey iyaga oo qaar-ka-mid ahi u-dhukusaaya si ay u- san-qadh-dhegaystaan Qiimayaasha-ay aduunka ka Taagan-yihiin Kheyraadka ma-guuraanka ah ee ka buuxa Somaliland una-xuub-siibtaan Wasiiro Malaalo ah, Wasiirada Xukuumadani Waa Wasiiradii ugu Nasiibka Badnaa -Wasiiro Somaliland soo mara waayo Waxaa farta laga wada saarey buugii uu ku-xar-dhanaa Qorshe Hawleedkii iyo Higsigii Wasaaradahooda oo dhameys-tiran iyo kii Qaranka oo mudo ku-qorsheysan. Laakiin Nasiib-Daro Way ku-fashilmeen oo Dhaqaajin waayeen.Maa-daama ayaaney Wasaaradahoodu laheyn Standard ama Halbeeg lagu cabiro Wax-qabadkii wasaaradahooda , Waxaase Wax-garadka wadanka iyo Looga-Qaateen iyaga boorsooyinka u-qaadaa ay isku raaceen in ay Badankoodu aaney uba-jeedin wax-qabadka wadanka ee ay ku caan-baxeen oo xariifiin ku yihiin Dus-duska, luf-lufka, af-dhuun-yaaleynta iyo Difaaca xayndaabka madaxtooyada iyo shaqooyin aan loo igman. .4- Xukuumada Hada jirta oo Shaqo-maal-meedkeedu ku kooban yahay waqti ka yar 4 saacadood oo Bilaa kantarool ah maalintiiba, ayaa waxay ay Hawl-wadeenadoodu ku-maalin-Riyoodeen Sanadkii tegay in ay ku Guuleysteen Wax-qabadkoodii mudadii ay Hogaanka hayeen ilaa iyo 70%. Taas oo ah Been aan sal iyo raad laheyn. Waxaana Xukuumadan lagu Xusuusan doonaa Wax-qabadka la magac-baxey ( Qawda Maqashii Waxna haw-qaban ) Waxaana kaaga Markhaatiya Garaadihii ay mudada Dheer ay Ciidamada kala duwan ee Qaranku Sugayeen oo inta 8 Sarkaal oo keliya Garaadihii la siiyey Ciidamadii kale oo niyadoodii la kiciyey ilaa hada aan Garaado la siin. 5-Sadexdii (3) Sanadood ee Xukuumadani ay Hogaanka Haysey Waxaa Wadanka Hafisey Humaag Qabyaaladeed, Colaado iyo cadaawe siyaasadeed, Quudhsi iyo Xaasidnimo Qabiil ku saleysan taas oo aan wadanka hore u soo marin 22 kii sanadood ee Somaliland ay jirtey.Colaadahan qabyaaladeysan ee wadanka ku cusubi waxay dhaawac halis ah oo dhiig-bax ah ay gaadhsiiyeen Wada- jirkii ummadda Somaliland, Wax-Wada-lahaanshihii iyo Wadaagii ay Beelaha Somaliland ay Wadaagi jireen Daaqsinta Degaanka Miyiga iyo Danta Guud ee ka dhaxeysa. Taas oo Qaadaneysa waqti dheer sidii looga soo kaban lahaa ee dib loogu soo dabaali lahaa. Xukuumadeena hada jirtaa waxay aad u kala fogeysey dhamaan Bulshadii ku dhaqneyd Magaalooyinka iyo Degaanada Somaliland Waxaana maata ummadda u- cadaatey in aaney Xukuumadu dan ka laheyn bur-burka bulshada ee isa soo taraaya marba marka ka danbeysa.Waxaana halkaa ku-banjarey oo ay Xukuumadu dhabarka ka jebisey oo marin habaabisey Qadiyadii, Geedi u socododkii, iyo Rajadii Dimuqradiyada Socod -baradka ah ee Somaliland.6-Waxaa Af-kala Qaad ku-noqdey wax-garadkii iyo Waa-yeelkii Wadanka markii ay Xukuumadu Fulin Weydey Balanqaad-keedii ugu Horeeyey ee uu Madaxweynu U-balan-qaadey Ardeyda tirada Badan ee dhameysatey Dugsiyada Sare-Sare ee Wadanka Sanadkii hore oo Tiradoodu Gaadheyso ilaa 5647 ardey oo Marti u-ah Xukuumada In loo furo Sanadkan mashruucii Gurmadka Qaranka ama loo yaqaaney ( National Serviceka ) Maadaama Odoroskii Miisaaniyada Qaranku ay Sadex-jeer ka badan tahay Miisaaniyadihii ay ku-shaqeyn-jireen Xukuumadihii ka horeeyey. Balan-qaadkan ayaa ah Mid uu Madaxweynuhu uu Afkiisa kaga dhawaaqey Khudbadii Sanadkii ina soo dhaafey ee Janaayo 2012 si Ardeydaa siibadaneysa Sanadba sanadka ka danbeeya ay Camal uga dhigtaan Mashruuca Gurmadka Qaranka oo Wax-tar iyo Sum-cadba ku soo Kordhinaaya Qaranka Somaliland .Waxaa ka reeban Sunaha Dawladnimo iyo Hab-dhaqanka maa-mul midna, in Balan-qaad Balaadhan oo loo Balan-qaadey Dhalinyaradii oo ah Hal-doorkii berito ee Wadanka in Balantii loo qaadey laga-ga baxo oo ay ka door-bideen in ay Tahriibaan oo Badaha isku Biimeeyaan.Gebo-Gebo: Digtaytarnimadu maaha oo keliya marka Xukuumadu ku dhaqanto Xadhig, dil iyo Cabudhin oo keliya ee Waxaa iyana Digtaytarnimo noqoneysa Marka Awooda Qaranka ay ku soo Ururto Gacan Keliya oo aaney jirin Wada-tashi iyo wax-is-weydiin. Waxaana shardi ah in Haykalkii iyo iyo Hanaankii Dawladnimo Lagu soo celiyo Xaydaabkii sharciga ahaa, Maa-daama ay Kefedii ay Somaliland Saarneyd ay Dheelidey oo u-dheelidey dhinacii Xaq-darada. Waxaa loo baahan-yahay in Kefedu u-dheelido dhinaca-xaqa iyo Wanaaga .Waxaana aan Xusuusinayaa Golaha Fulinta ee Xukuumada ee Doobinaaya uun ee Doogsin Cara-raaya ee Dhibi-shaxleynaaya in ay Dib-u-xasuustaan Dastuurka Qaranka Qodobkiisa 129 aad Qadobkaas oo ah Kii ay Shacabka reer Somaliland ay Kitaabka Quraanka ah ugu Dhaarteen in ay ku-maa-mulayaan Cadaalad iyo Sinaan inta ay Xilka ummadda u-hayaan.Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh!Wa-Laahum-Aclam-Waa-Bilaahi-Taw-fiiq,A/Rahman FidhinleIntensivePAUK



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured