IYADOO LAGU JIRO BISHII UGU TAARIIKHDA BADNEYD MAY EE DALKA JAMUURIYADA SOMALILAND AYEY IDAACADII DALKU HAWADA KA MAQANTEY WAXAANA KABA SIIYAAB BADAN MASHIINADII OO AY MASUULIYIIN WASAARADA KA TIRSANI AY U IIBIYEEN ISKARAAB AHAAN Qalinkii LIIBAAN XAAJI FAGADHE

0
Friday May 03, 2013 - 08:28:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IYADOO LAGU JIRO BISHII UGU TAARIIKHDA BADNEYD MAY EE DALKA JAMUURIYADA SOMALILAND AYEY IDAACADII DALKU HAWADA KA MAQANTEY WAXAANA KABA SIIYAAB BADAN MASHIINADII OO AY MASUULIYIIN WASAARADA KA TIRSANI AY U IIBIYEEN ISKARAAB AHAAN Qalinkii LIIBAAN XAAJI FAGADHE

    Suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay, Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay, Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta, IYADOO LAGU JIRO BISHII UGU TAARIIKHDA BADNEYD MAY EE DALKA JAMUURIYADA SOMALILAND AYEY IDAACADII DALKU HAWADA KA MAQANTEY WAXAANA KABA SIIYAAB BADAN MASHIINADII OO AY MASUULIYIIN WASAARADA KA TIRSANI AY U IIBIYEEN ISKARAAB AHAAN Qalinkii LIIBAAN XAAJI FAGADHE
Suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay,
Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,
Muddaahanada beenta ah kuwii, nagu maqaar-saaray,

Mas waabaydii lama dhuunyadiyo, midho-dhunkaaleede,
Manfac aan la cunin baa jiroo, mawdka kuu sida e?,
(Alle ha unaxariisto Abwaan Timacadii waa murdidiisii)
Sidaynu wada ogsooney waxaa mudo laga joogaa xiligii uu xadhiga ka jarey madaxweynaha Somaliland Idaacada Radio Hargeysa mudo ah Lixbilood iyo 13 cisho waana idaacdii ugu wayneyd ee lakeeno Somaliland oo aheyd 100 kw ama boqol kilo waat waxa ay hada tiraba mareysaa inay hawada ka baxdo mudo afar jeer ah .
3 Cisho ayey hada hawada toos uga maqantey idaacadii radio hargeysa iyadoo waliba ay maalintii shaley ay gubatey oo aan aayo dambe iyo rajaba laga qabin waxaa taasi kabasii yaab badan oo aad layaabeysaa marka ay labadii masuul ee wasiirkii iyo kuxigeenkiisuba ay ka maqanyiin ee aanay war ba u hayn idaacadii dhameyd ee qaranka oo hawada ka maqan .waxaa halkaa ka muuqata inay kooxyar oo afduubi wasaaradii ay sida ay kolba jecelyiin ka yeelayaan.

Waxaa hadba dhacdey in iyadoo ay tahey bishii ugu taariikhda badneyd ee dalka jamuuriyada Somaliland ay idaacdii qaranku hawada ka maqantey waa ayaan darooyinka ku habsadey wasaaradii warfaafinta iyo wacyigalinta oo ilaa hada aan cidka hadashay gubashada idaacadii 2milyan ee $ dollar ku baxeen aan laga hadal ee ilaa madaxdii aamusanyiin.

Waxaa jirta arinkalo ah 3 mashiin oo ah kuwo idaacada ushaqeynaayey in uu agaasimaa farsamada axmed saleebaan weyney iyo agaasimaa guud c/rashiid yuusuf jibriil ay iibiyeen kuwaas oo ay maalmo dhaweyd is yidhaahdeen iskaraab ahaan xerada uga saara balse ciidamada ilaalada ee wasaarada warfaafintu ay diideen in laga saaro xerada iyadoo ay markii dambe waraaqo lagula baxayo uu sameeyey agaasimaa guud sidaana lagaga saarey wasaaradii oo la iibiyey waa ayaan daro in agabkii qaranka lagu cuno iskaraab ahaan .
Halkaa waxa ka cad awooda ay leeyihiin wiilasha ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo ah kuwo la dagey wasaarada ilaa hada kusimaa madaxweynaha oo ah madaxweyne ku xigeenka Somaliland eng. Saylici waxa uu ka riwaayey inuu arinkan iyo sida uu udhacey midna ka hadlo oo uu ka gaabsadey halka masuulkii wasaarada iyo ku xigeenkiisiina aanay cagahaba soo galin.

Mudo laga joogo shan 5 bilood ayaa shaqaale masaakiina laga ga ceydhiyey shaqada shidaalka mishiinada ayaad cuntaan manta miyaaney xaq hadii la eegaayo aanay kuwani cadeysan inaya agabka qaranka iibsadaan hadaba hadii inuun qaranka dan laga leeyey ama cadaalad lagu dhaqmaayo oo shaqaaluhu simanyiin waa in ugu horeyn Axmed saleebaan weyne iyo C/rashiid yuusuf jibriilba la horgeeyaa maxkada dalka laguna qaadaa hantida qaranka ee ay iibsadeen.

Waa in sidoo kale gubashada idaacada loo saaraa gudi baadha waayo idaacadu waxay dalka , dadka iyo qarankaba ku fadhidaa qiimo weyn waana muhiim iyadoo waliba la ogaan doono sababta maalintii shaley idaacada loo gubey iyadoo la ogsoonyahey inaynu kujirno bishii ugu unaasibadaa badneyd ee dalka jamuuriyada Somaliland, hadba waa in arintan si wadaniyad iyo cadaaladba ah loo baadhaa oo ragaa dhamaantood maxkamad la soo taagaa.
Intaas ayaan maqaalkan gaaban ku soo koobayaa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured