Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta 2aad Ee Semi-finalka Champions League Ee Real Madrid v Dortmund.

0
Tuesday April 30, 2013 - 11:14:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta 2aad Ee Semi-finalka Champions League Ee Real Madrid v Dortmund.

    Real Madrid (4-2-3-1): López; Arbeloa, Ramos, Varane, Coentrao; Khedira, Alonso; Di Maria, Ozil, Ronaldo; Higuain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid (4-2-3-1): López; Arbeloa, Ramos, Varane, Coentrao; Khedira, Alonso; Di Maria, Ozil, Ronaldo; Higuain.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta 2aad Ee Semi-finalka Champions League Ee Real Madrid v Dortmund.

qa11.jpg

Line-upka Macquulka Ah:

Real Madrid (4-2-3-1): López; Arbeloa, Ramos, Varane, Coentrao; Khedira, Alonso; Di Maria, Ozil, Ronaldo; Higuain.

Borussia Dortmund (4 -2-3-1): Weidenfeller; Piszczek; Subotic, Hummels, Schmelzer; Gundogan, Bender; Kuba, Gotze, Reus; Lewandowski.



Real Madrid waxaa ay geli doontaa howlgalkii aan macquulka aheyn, iyagoo u baahan inay dhanka kale u rogaan natiijadii lugta hore ee 4-1 guuldarro ah ay ka soo gaartay Dortmund kuwaasoo hal lug kula jira finalka Champions League ee ka dhacaya Wembley. Kulanka caawa labada kooxood waxba iskuma reeban doonaan siiba kooxda martida loo yahay oo raadin doonta inay dhaliso intii gool ah ee ay awoodaan, taasoo kulanka ka dhigi doonta mid ilqabad leh.

Kulanka: Real Madrid v Borussia Dortmund

Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 9:45 pm SGA (Saacada Geeska Afrika)

Garsoore: Howard Webb

Real Madrid ayay u badan tahay inay daafacooda dib ugu soo dhaweyn doonaan Alvaro Arbeloa kaasoo ganaax kaga maqnaa lugtii hore. Pepe ayaana keyd geli doono, taasoo ka dhigeysa in Sergio Ramos iyo Raphael Varane ay kawada ciyaari doonaan daafac dhexe.

Angel Di Maria ayaa isna la filayaa inuu garabka ku soo bilowdo ka dib markii kursiga keydka la geliyay kulankii Germany madaama maalintaas maalintii ka horeysay gabar loo dhalay. Cristiano Ronaldo ayaa shalayto ku soo laabtay tababarka kooxda waxaana uu qeyb ka ahaa ciyaartoyda uu magaacabay tababae Mourinho, isagoo taam u ah inay wajaho Dortmund.

Ugu danbeyn, Gonzalo Higuain ayaa la filayaa inuu difaacdo booskiisa afka hore oo uu ka galo Karim Benzema.

Dhanka kale tababare Jurgen Klopp ayaa la filayaa inuu magacaabo kooxda la mid ah kooxdii wacdaraha ku dhigtay Signal Iduna Park isbuucii hore. Lukasz Piszczek ayaa la dhibtoonayay dhaawac laakiin waxaa la filayaa inuu daafac ka garab ciyaari doono Neven Subotic, Mats Hummels iyo Marcel Schmelzer.

Ciyaartoyda sida Felipe Santana, Mitchell Langerak, Moritz Leitner, Oliver Kirch iyo Julian Schieber oo la ciyaarsiiyay kulankii horyaalka ee Fortuna Dusseldorf ayaa kursiga keydka geli doona madaama BVB ay magacaabi doonto line-up aad loo yaqaano.

MA OGTAHAY?

Real Madrid ayaa raadineysa inay gaarto finalkii 13aad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub. Markii ugu danbeysay ee final laga badiyo waxa ay aheyd 1981. BVB kaliya hal jeer ayay final gaareen taariikhdooda, waxaana ay ku garaaceen Juventus sannadii 1997.

Goolkii uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay kooxda Jarmalka lugtii hore waa goolkiisii 50aad ee Champions League.

Kooxda Jose Mourinho ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa ay ku hareen semi-finalka waxaana reebtay koox Jarmal ah Bayern Munich. Waa sannadkii 3aad oo isku xiga oo ay soo gaaraan wareegaan.

Kaliya hal koox ayaa wareega xiga u gudubtay iyadoo lugtii hore 4-1 looga soo badiyay, waana Deportivo La Coruna oo 4-0 kaga badisay AC Milan kulankii lugta labaad ee ka dhacday Spain.

Borussia Dortmund ayaa ka hortimid kooxd Isbaanish ah wareegii ka horeeyay semi-finalka, waxaana ay wadar ahaan labada lug 3-2 kaga badiyeen Malaga.

BVB ayaa ayaa waxaa wareegaan afar dhamaadka ku reebtay Real Madrid 1998dii, iyadoo kooxda Isbaanishka ay hanatay sannadkaas Champions League.

Robert Lewandowski ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee afar gool ka dhaliya Real Madrid tan iyo intii koobkaan loo bixiyay Champions League.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured