Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:

0
Monday April 29, 2013 - 19:40:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:

    Qormadii 5 aad: Nin horaa yidhi aniga oo aabahay la liita ayuu aabahayna aabihii keenay ,waxaanan uga jeeda iyada oo umada Somaliland ay markeedii horeba ay la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 5 aad: Nin horaa yidhi aniga oo aabahay la liita ayuu aabahayna aabihii keenay ,waxaanan uga jeeda iyada oo umada Somaliland ay markeedii horeba ay la Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:
Qormadii 5 aad:
Nin horaa yidhi aniga oo aabahay la liita ayuu aabahayna aabihii keenay ,waxaanan uga jeeda iyada oo umada Somaliland ay markeedii horeba ay la kadeedneyd boobka hantida umada ee jeebadaha dad gaar ah ku dhaca ayey hadana soo dibad baxday deegaamaynta aan qarsoodiga lahayn ee laga wado deegaanka berbera.
Waxaynu naqaana in uu roobka marka uu da ayo ay ka soo horeyso dabaysha loo yaqaano UFU,Masaajidkaasi loo bixiyey magaca siilaanyo ee laga dhisay dekeda berbera waa UFADII ka soo horeysay deegaamaynta rasmiga ah ee laga wado deegaankaasi, waxa kale oo intaasiba ka sii daran madaxweyne siilaanyo markii ay soo dibad baxday in uu xasuusan kari waayay su aal la weydiiyey oo ahayd inta haween ah ama dumar ah ee ku jira golihiisa wasiirada, mar uu khudbad ka jeedinaayay Xarunta lagu falanqeeyo arimaha siyaasada ee Atlantic Council, markaa ka dibna waxaan xasuustay qisadan soo socota oo arimaha deegaanka aynu ka hadleynana dhianc ka khusaysa waxayna u dhacday sidan:

Had iyo jeer waynu naqaana oo xiliyadii ay qabaa ilka soomaalidu ay is dili jireen ee ay colaaduhu jireen waxay colaadu xakamayn jirtay dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka gaadiidka iyo dadka labadaba inta badana colaadaha way ka madax banaanaan jireen ragga da da ah, dumarka iyo caruurta oo ah dadka loo yaqaayo biri ma geyda. Hase yeeshee ragga xooga ahi isumay gudbi jirin ilaa ay nabad galyadu soo noqoto.
Hadaba waqti ka mid ahaa xiliyadaasi aynu soo sheegnay ee ay colaaduhu jireen ayaa degmooyinka soomaalidu degto oo ay colaadi dhex taalay waxaana, u kala gooshi jiray gaadiid ay raaci jireen inta badan dumarka iyo caruurtu qiimaynta kowaad waxaa la siin jiray ninka dirawalka ah ee ay da diisu weynta tahay sida siilaanyo oo kale oo ay duamarka iyo caruurtu raaci jireen oo loo arkayey in uu nabad galyadooda ilaalin karo inta ay sii dhex marayaan deegaanada ay colaaduhu ka jiraan iyo hadii ay la kulmaan ragga liita ee loo yaqaano dhan gaagaalaha.
Hadaba waxaa jiray nin la odhan jirat jaaamc afweyne oo ahaan jiray dirawal baabuurta markiisii hore ku kaxayn jiray magaalooyinka marka se ay noqoto dhulak hawdka ah ee jeex jeexyada iyo boholaha ah ku fashilmaya dirawalnimadiisa.
Wuxuuse inta abdan ku dadaali jiray in aan la ogaan in uu yahay dirawal liita, waxaana dhacday in maalin maalmaha ka mid ah u qaaday dad ralkaab ah oo isugu jira dadka loo yaqaano biri ma geyda ee ka madax banaan colaadaha oo ay dumarka iyo caruurtuna ka mid yihiin.
Baabuurka waxaa lagu hor xisaabiyey tukaan ku yaala tuulada uu gaadhigu ka baxayey markii ay xisaabtii dhamaatayna jaamac afweyne wuxuu dhaqaajiyey baabuurkii, intii hore oo dhan ilaahy wuu asturay oo wadadu waxay ahayd mid toobiye ah oo wanaagsan hase yeeshee markii uu baabuurkii ku dhawaaday tuuladii ay dadka rakaabka ahi ku socdeen, wadadii waxay isu bedeshay dhul boholo iyo jeex jeexyo isugu jira isal amrkaana dhir badani ay ka baxday oo naftaaba isugu timid jaamac afweyne waxaanu xaalkiisii noqday sadex daran mid dooro, oo marba dhinac ayuu isku qaada dadkii rakaabka ahaana intoodii badnayd waxay la wada jeesteen hunqaaco ama matag.
Hadaba markii ay u muuqatay tuuladii ay ku socdeen ayuu dirawalkii gaadhigii joojiyey markiiba dumarkii wey caayeen oo si adag ayay ula hadleen waxayna ku yidhaahdeen dirawalna ma tihide dhibaataad noo geysatay gaadgi danbe oo aad wadana raaci mayno, markaa ka dib waxaa hadalkii u baxay dirawlkii oo yidhi anigu waxaan ahayd dirawal fiican dhibaatadu se waxay ahayd biriigii gaadhiga ayaan ku soo ilaawey tukaankii aynu ka soo hor dhaqaaqnay ee gaadhiga lagu hor xisaabiyey dirawal aan aniga ahayna baabuur aan biriig lahayn halkan soo muu gaadhsiiyeen markaasey dumarkii jaamac afweyne ku yidhaahdeen walaahi dirawal fiican baad tahay waanu kugu gafnaye raali ahaw, ninka gaadhi bilaa biriig ah intaa soo waday waa xariif, baabuurka aad anigu wado mid aan ahayna raaci mayno sadaqadbaana inagu baxsatay ee aynu ducaysano waana halka maanta siilaanyo taagan yahay ee uu leeyahay xukuumad bilaa biriig ah sadex sanadood inka soo wadi lahaa ee aan aniga ahayni waa kuma .
Hadaba qisadan waxaan ula dan leeyahay hadii uu jaamac afweyne badbaadiyey dirawalnimadiisii, maxaa madaxweyneniamda siilaanyo mugdiga geliyey ee marba isaga oo xaflad caalamka oo dhan laga daawanayo uu ka hadlayo ay wasiiro yar yari wax ugu sheeganaan iyada oo la maqlayo.
Waxanyna dadka qaarkii is weydiinayaan siilaanyo markii uu maraykanka tegayay maskaxdiisa qaybtii xasuusta ma wuxuu ku sii ilaaway oo uu kaga sii tegay madaxtooyada sidii uu jaamac afweyneba biriigii gaadhi ugu sii ilaaway tukaankii gaadhiga lagu hor xisaabiyey ileyn siilaanyo waakan xasuusan kari waayay ee ka jawaabi kari waayay markii uu tegay dalka maraykanka ee uu khudbada ka jeedinayay xarunat lagu falanqeeyo arimaha siyaasada ee loo yaqaano Atlantic Council lana weydiiyey su aal ahayd tirade dumarka ah ee ku jira golihiisa wasiirada, hadaba arinta kale ee meesha taalaa waxay tahay maxaa lagu qancin karaa dadweynaha.
Hadaba isku soo wada duuduuboo Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:
Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.
DAB DHAXMOODAY!!!
Doc kastoo la eego
Nolosha dunidu waa dabkee
Haddu dabkii dhaxmoodo
Maxaa lagu diiriyaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee!

Adoo deggan u fiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Ruux haddii la doortoo

Darajada la saariyo

Xilkii daryeeli waayo

Dab dhaxmooday weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Wixii lagu diirinaayo

Dad weynahaa la weydiin

DUR DUR OOMAY !!!

Durdurkaa laga cabbaa

Biyihiis lagu dabaashaa

Hadduu harraad dareemo

Darkee laga waraabshaa?

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii!

Ruuxa duunyo haystee

Dahabkana barkanayee

Wixiisii deeqi waayaa

Durdur oomay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Darkii laga waraabin

Dadweynahaa la weydiin.DAWO BUKOOTAY !!!

Qofkii cudur dilaayo

Dawadaa bogsiisee

Haday dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Dalaalimada diintiyo

Distoorka iyo xeerka

Haddii dabool lasaaro

Dawo bukootay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee

Wixii lagu dabiibi

Dadweynahaa la weydiin

DUFAN BASAASAY !!!

Subaga dufankiisaDadku ku dhaashadaane
Hadduu dufan basaasoMaxaa duxdii ka qaaday
Waa tilmaan la daahooDeg deg kuma haboonee

Adoo deggan ufiirsoo
ujeeddada i deeqsii

La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.

Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured