URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND OO DOORTAY GUDDOOMIYE-XIGEEN CUSUB, KANA MUNAAQISHOODAY XAALADDA SAXAAFADA IYO DURUUFAHA KU XEERAN (XOGREEBNEWS.COM

0
Tuesday March 12, 2013 - 08:24:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND OO DOORTAY GUDDOOMIYE-XIGEEN CUSUB, KANA MUNAAQISHOODAY XAALADDA SAXAAFADA IYO DURUUFAHA KU XEERAN (XOGREEBNEWS.COM

    XOGREEBNEWS.COM .com): Monday, March 11-2013 Hargeysa(XOGREEBNEWS.COM)Guddoonka iyo gudiga fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), ayaa fadhi ay yeesheen, waxay si qoto-dheer ugu lafo-gureen waxyaabaha mudadii xilka ay hayeen Ururka u q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOGREEBNEWS.COM .com): Monday, March 11-2013 Hargeysa(XOGREEBNEWS.COM)Guddoonka iyo gudiga fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), ayaa fadhi ay yeesheen, waxay si qoto-dheer ugu lafo-gureen waxyaabaha mudadii xilka ay hayeen Ururka u qabsoomay iyo arimaha aan waxba ka suurto-gelin, sidoo kale,

URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND OO DOORTAY GUDDOOMIYE-XIGEEN CUSUB, KANA MUNAAQISHOODAY XAALADDA SAXAAFADA IYO http://xoriyonews.com/photo/6156.jpegDURUUFAHA KU XEERAN

http://xoriyonews.com/images/space.gifhttp://xoriyonews.com/images/space.gif

(XOGREEBNEWS.COM

.com): Monday, March 11-2013

Hargeysa(XOGREEBNEWS.COM)Guddoonka iyo gudiga fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), ayaa fadhi ay yeesheen, waxay si qoto-dheer ugu lafo-gureen waxyaabaha mudadii xilka ay hayeen Ururka u qabsoomay iyo arimaha aan waxba ka suurto-gelin, sidoo kale,

Hargeysa(XOGREEBNEWS-)-Guddoonka iyo gudiga fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), ayaa fadhi ay yeesheen, waxay si qoto-dheer ugu lafo-gureen waxyaabaha mudadii xilka ay hayeen Ururka u qabsoomay iyo arimaha aan waxba ka suurto-gelin, sidoo kale, waxay isla fadhigaa u doorteen inuu buuxiyo Jagadda Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Md. Maxamed Cabdi Guuleed �Curad�, taasoo in muddo ahba bannaanayd kadib marka Guddoomiye-ku-xigeenkii jagadda hayey Md. Saleebaan-guray is casiley.

Fadhiga hoggaanka iyo xubnaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo uu Guddoominayey Md. Xasan Maxamed Yuusuf, waxa goob-joog ku ahaa Toban xubnood oo ka tirsan guddiga fulinya, waxa kaloo dood iyo xog-warsi dhinacyo badan leh laga yeeshay xaalada guud ee Ururka SOLJA iyo gebi-ahaanba duruufada kala gedisan ee waqtigan ku geddaaman Saxaafadda iyo Suuxufiyiinta Somaliland. Intii falaqaynta arimaaha lagu gudo-jirayna, waxa aad looga hadlay mushkilado ay kamid yihiin xeerka Sirdoonka Qaranka ee dhowaan Golayaasha xeer-dejintu ansixiyeen Madaxweynuhuna saxeexay, kaasoo dhaqan-gelintiisa kadib markii Suxufiyiinta ka qayliyeen Ururka uga hawlgalay si xeegana-xeego u noqoto ilkona u nabadgeli lahaayeen labada dhinacba.

Hoggaanka Ururka [Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud], waxa xubnha guddiga fulinta warbixino kooban ka siiyeen hawlihii ay qabteen mudadii xilka ay hayeen, kuwaasoo ay kamid ahayd bixinta deyno badan oo Ururka lagu lahaa, iyo sidoo kalena, waxay xuseen jiritaanka qorsheyaal badan oo hirgelintooda ay ka gaabiyeen, walow arimaha qaarkood ka baaqashadoodu ahayd cilad sababteeda aanay iyagu waxba ku lahayn. Sidoo kale, waxa intii fadhiga lagu jiray la-is-hogo-tusaaleyay jiritaanka gefaf mararka qaarkood dhinaca Saxaafadda ka jira.

Ugu dambayntii waxa hoggaanka iyo xubnaha Ururku sidii loo buuxin lahaa jaggada Guddoomiye-ku-xigeenka, oo iyadu in muddo ahba bannaanayd kadib markii uu jagadda uu iska casilay masuulkii hayey, una safray dhinaca dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana kadib wax-is-tusaalayn badan dhammaan xubnihii madasha fadhiyey isla qaateen inuu jagada buuxiyo Md. Maxamed Cabdi guuleed �Curad�, waxaana xubnuhu markii dambe yeesheen fadhi qado-sharafeed ah.

Waxa xubnihii fadhigaa kasoo qaybgaly kala ahaayeen:

Md. Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiye

Md. Maxamed Cabdi Curad Guddoomiye-ku-xigeen

Md. Maxamed-rashiid Muxumed faarax Xoghaye Guud

Md. Keysa Axmed Digaale Xubin

Md. Barkhad maxamuud Kaariye Xubin

Marwo. Sahra Cabdi Wahaab Xubin

Marwo Nimco Samriye Xubin

Md. Cali Jaamac Maxamed Dheere Xubin

Md. Maxamed Siciid Xarago Xubin

Md. Cali Ismaaciil Aare Xubin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured