Maansadan Waxa Aan Kaga Jawaabayaa Gabygii Xirsi By Mingiste

0
Monday April 22, 2013 - 19:19:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadan Waxa Aan Kaga Jawaabayaa Gabygii Xirsi By Mingiste

    Abdi M.Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdi M.Saleiman(Mingiste) Maansadan Waxa Aan Kaga Jawaabayaa Gabygii Xirsi By Mingiste

Maansadan waxaa kaga jawaabayaa Deelaydii uu sso diray Wasiirka madaxtooyada,maansadan waxaa la yidhaahdaa « Dambaskaa ma eegnaa —Dab inuu ku hoos jiro »
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Waxay Tidhi :-
Salaan diiran oo wacan
Shacabkaan u dirayaa
Doonyaystay Go,aygii
Duug weeye gabayadu
Oo dura yaa la tirin jiray
Maansadaa deg degaysoo
Dadku aad u jecelyee

Iyadaba ma diranaa ?
Ilka jiir ku soo durug.
Waxaan uga danleeyahay
Dambaskaa ma eegnaa
Dab inuu ku hoosjiro.
Ilka jiirna waa danab
Abwaan diiran weeyaan
Bulshaduu u doodaa
Dadku ugu horeeyaa
Qaar jacayl dubeeyiyo
Qaar quruumo dilayaan
Isagaa daweeyoo
Suugaan daweyn buu
Diiqada u siiyaa
Dadkuna waa yaqaanaan.
Ilka jiir ku soo durug
Waxaan uga dan leeyahay
Dambaskaa ma eegnaa
Dab inuu ku hoos jiro.
daleeydan curatiyo
Shaxdan damalka taalee
Ee Wasiirku soo diray
Anigaa godkaa degay
Ii doonan kaasina
Ilka jiir ku soo durug
Waxaan uga danleeyahay
Dambaskaa ma eegnaa
Dab inuu ku hoos jiro.
Abwaan deeqsiyaa yidhi :-
« Maansooy nin kugu duul,Ninna maalin kugu dood,Ninna derejo kaa dhigay,Ninna dhuuni kugu doon,Ninna nabarka kugu damaq,Ninna dakharka kugu dhayay,Ninna doogta kugu kici,Ninna waranka kugu demi,Ninna nabadda kugu didi,Ninna belada kugu deyr,Ninna dookha caashaqa,Kaa dhigay def loo tumo,Oo ka doorkan joogiyo,Dura gabayadii jiray,Intuu heesta kugu daro,Jaceyl kugu dalaandali,Marna darayamuus iyo,Dhaclihii dunta ahaa,Aduu kuu direys yahay,Dumar kugu buraanbure
Raboow Daarta aakhriyo
Naxariistaada u deeq-Aamiin.
« Abwaan kalaa ka daba yidhi »
Haddii aan damiirkiyoDareenkaygu ii dirinOon dulmiga ikoray iyoXume lagula diriraynXaqna lagu difaacaynDaabacaadda suugaanWaa ila daldalanooDeelleyda kama heloDacarteed wax kuma faloDibnahayga uma furoDooddeedu way halis!.
Dabci waxaan u leeyahayHaddii laygu dilayanaRunta daah ma galiyooKama doorto beentooAllaa deeqa bixiyeeSida ducufta qaarkoodDoolar kuma gorgoriyooDarajada ay leedahayBaahidayda kuma dilo!.
Ikla Jiir ku soo durug
Waxaan uga danleeyahay
Dambaskaa ma eegnaa
Dab inuu ku hoos jiro.
Deelaydii gaabneyd
hanjabadii daboolayd
hadalkii dahaadhnaa
ee Wasiirku soo diray
Degmadaan ku noolaa
Markuu Sheekhu daakiray
Docdaa Bari ka timidoo
Dhamaan Daan ciroolaha
Inta madaxu deeb yahay
Iyo duqayda reeraha
Dumarkiyo caruurtii
Dadku way la yaabeen
Dar waxay yidhaadeen
Shareecihii la duugaa
Deelaydan tirin jiray
Dar waxay yidhaahdeen
Waa suugaan dukaan tiil
Oo Dllar buu ku iibsaday
Darna waxay yidhaahdeen
Deyn buu ku soo helay
Darna waxay yidhaahdeen
Sowdigii doraataba
Duleedkeeda Caynaba
Dusha qoriga saaree
Yidhi maan dagaalamo
Ee jeel laguu diray
Waxaad diidaneyd sheeg ?
Darna waxay yidhaahdeen.
Dalka horumarkiisuyo
Shirarkii doceediyo
Dowlad baan sugaynee
Maxaa keenay Deeleey
dig dig baa la wada yidhi
Aniguna docdaydii
Daankaan gacantaa saaroo
Dakharkaa mar kugu dhacay
Dareen baan ka qaado
Doodanaan ka soo diray
Ilka jiir ku soo durug
Waxaan uga dan leeyahay
Dambaskaa ee ma eegaa
Dab inoo ku hoos jiro.
Duqu waa adeerkii
Dalacaad buu siiyo
Derejo iyo xil buu sudhay
Dan jir gaara weeyaan
Dalka wuu la joogaa
Wuu daadeheeyaa
Dibaduu u raacaa
Wuu soo dalxiisaa
Allaa deeqda bixiyee
Waa inuu difaacaa
oo dow buu leeyahay
ha igu diidin adiguna
doodayda ila garo.
Ilka jiir ku soo durug
Waxaan uga danleeyahay
Dambaskaa ma eega
Dab in uu ku hoos jire.
Dowladnimadu maahee
Dadka maad u sheegtaan.
Cadaaladoo la duugiyo.
Qabiil loo durbaan tumo
Dumarkoo la xidho iyo
Da yartoo la laayiyo
Doorashadoo la boobiyo
Warqadahoo la daadshiyo
Deeqahoo la xaday iyo
Danyartoo la dhacayo
Dollarkoo la qaatiyo
Daarahoo la iibsado
Hantidoo la duugtiyo
Musuqoo la doorbido
Dowladnimadu ma ahee
Dadka maa u sheegtaan
Ikla jiir ku soo durug
Waxan uga danleeyahay
Dambaskaa ma eegnaa
Dab inuu ku hoos jiro
Dawladnimadu waxay tahay
Dadka mow iftiinshaa :-
Diintoow quweyniyo
Dadkoo midoobiyo
Citiraaf la dooniyo
Dooxoo la xidhiyo
Daadka oo la moosiyo
Dowladnimadu waxay tahay
Dalagoo la beertaa.
Dowladnimadu waxay tahay.
Cadaaladoo la doonaa
Dacwadahoo la eegoo
Dadku ay u siman yihiin
Nina daarta aakhiro
Dembi ilayn ma dhaafee.
Dowladnimadu waxay tahay
Daryeel caafimaad iyo
Wadadoo la dayac tiro
Dugsiyadoo la aadiyo
Duruustoo la qaataa.
Dowladnimadu waxay tahay
Golayaashii la doortee
Howshooda loo diray
Idinkuna u daysaan
Deg deg in ay u fuliyaan
Xeerar diiran oo waxan
Dadka iyo dalkaba dhaqa.
Dowladnimadu waa sharaf
Danta guud oo la eegiyo
Derajo iyo xil weeyaan
Ninna diric ahaantii
Uma doodi karayoo
Dalka waa la wada leeyoo.
Dadkuna uu u siman yahay
Ilka jiir ku soo durug
Hadal iyo duxdiisii
Waxaan dooda uga baxay
Oo daaha ugu rugay
Maansadaa daleeydaa
Deg deg baan ku qorayoo
Deelqaaf hadduu jiro
Debi dhaaf Allaa lehe
Dood baan ka leeyaahay
Mahadsanid
Dhamaad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured