Gabaygii Uu Xirsi Ka Tiriyey London Wuxuu La Mid Yahay Gabayadii Uu Shareeco Soo Amaanaysan Jiray Xiligii Siyaad Barre Ee Isugu Jiray Amaanta,Faanka iyo Hanjabaada. Qormadii 1aad:

0
Monday April 22, 2013 - 08:23:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaygii Uu Xirsi Ka Tiriyey London Wuxuu La Mid Yahay Gabayadii Uu Shareeco Soo Amaanaysan Jiray Xiligii Siyaad Barre Ee Isugu Jiray Amaanta,Faanka iyo Hanjabaada. Qormadii 1aad:

    Markii uu maxamed siyaad barre xukunkii jamhuuriyadii somaliya ku qabsaday af-gabiga milateri ee uusan dhiigu ku daadan 21/10/1969-kii oo ahayd maalmo yar ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii uu maxamed siyaad barre xukunkii jamhuuriyadii somaliya ku qabsaday af-gabiga milateri ee uusan dhiigu ku daadan 21/10/1969-kii oo ahayd maalmo yar ka Gabaygii Uu Xirsi Ka Tiriyey London Wuxuu La Mid Yahay Gabayadii Uu Shareeco Soo Amaanaysan Jiray Xiligii Siyaad Barre Ee Isugu Jiray Amaanta,Faanka iyo Hanjabaada.Qormadii 1aad:
Markii uu maxamed siyaad barre xukunkii jamhuuriyadii somaliya ku qabsaday af-gabiga milateri ee uusan dhiigu ku daadan 21/10/1969-kii oo ahayd maalmo yar ka dib markii magaalada laascanood ee xarunta gobolka sool lagu dilay madaxweynihii jamhuuriyadii somaliya C/rashiid Cali Sharma’arke 15/10/19969-kii.Waxa markii hore kacaankaasi milateri ee uu siyaad barre hogaaminayey si xoog leh u taageeray dadka suugaan yahanka ah oo markiiba bilaabay curinta suugaan ay ku soo dhaweynayaan kacaankii markaasi dhashay oo ay ugu yeedhi jireen kacaanka BARAKAYSAN oo dadka suugaan yahanka ahi ay filayeen in uu wax ka qab doono musuq-maasuqii baahsanaa ee ragaadiyey xukuumadihii rayidka ahaa ee ka horeeyey.Hadaba soo dhaweyntan xad dhaafka ahayd ee uu siyaad barre kala kulmay dadka suugaan yahanka ahi waxay dhamaatay ama ay meeshaba ka baxday sanadkii 1975-kii markii uu siyaad barre soo saaray barnaamijkii xeerka qoyska ee uu ugu magac daray sinaanta ragga iyo dumarka ee uu magaalada mugdishana ku dilay toban ka mid ah wadaadadii soomaaliyeed ee sida cad uga hor yimid talaabadan.Hadaba saaxiibayaal markii la waaweyn maskaxdii sugaan yahanka soomaaliyeed ee ay ka soo burqan jireen gabayo iyo heeso lagu amaanayo siyaad barre iyo kacaankisii uu hormoodka ahaa isla markaana ay abwaanada intooda badani ay maskaxdooda ka soo burqatay gabayo iyo heeso ka turjumaya xaqiiqadii dhabta ahayd ee markaa jirtay, oo cadha gelinaysayna siyaad barre.Hadaba markii uu xaalku halkaasi marayey waxaa loo baahday suugaan kaar jabin ah oo odayga siyaad barre lagaga qaboojiyo gantaalihii kaga imanayay dadka suugaan yahanka ah, waxaana arintaasi u soo ban baxay oo isu soo taagay in uu kaalintaasi buuxiyo sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamadii qalabka siday ee somaliya oo ay darajadiisu ahayd gaashaanle sarre magaciisana la yidhaahdo maxamed nuur (shareeco) oo hada nool, hayb ahaana wuxuu ahaa mareexaan oo siyaad barre waxay isu jireen inta ay siilaanyo iyo xirsi isu jiraan.Hadaba sanadkii 1976-kii waxaa bilaabmay mawjado gabayo iyo heeso oo isugu jira amaan,faan iyo hanjabaad oo lagu baahin jiray idaacada radyow muqdisho iyo radyow Hargyesa labadaasi idaacadood oo ahaa kuwa uu siyaad barre kaar jabinta ugu badan uu ka heli jiray, gabayadaasi iyo heesahaasiba waxaa dhamaantood lagu magacaabi jirey in uu tiriyey Gaashaanle Sarre Maxamed Nuur(Shareeco).Hadaba suugaantan shareeco lagu sheegi jirayna waxay dadweynihii xiligaa jiray wada ogaayeen in uu shareeco dhaqaale badan ku bixin jiray arintaasi aynu soo sheegnay isaguna uusan abwaan ahayd, soomaalidu way is fartaqaanaa oo iska dhaaf in uu nin aan weligii gabyini yidhaahdo waan gabyaye, ninka gabayaaga ah ee caanka ah ee la yaqaano hadii uu soo qaato oo uu soo amaanayso gabay aan maskaxdiisa ka soo bixin waxaa la odhan jiray hebalow fartani fartaadii maaha.Hadaba waxaan magaalada hargeysa kula kulmay mudo yar ka hor intii uusan geeriyoon abwaankii weynaa ee C/qaadir Xirsi Yam yam oo ay haybta guudna wadaagi jireen shareeco, hadaba markii aan arintan wax ka weydiiyeyna wuxuu iigu jawaabay shareeco ma shiman ee waa nool yahay, hadii uu markii horena abwaan ahaana soomaaliya waxay burbur ku jirtaa ilaa labaatan sanno, markaa biyaan la odhan Karin ayuu yidhi suugaantii shareeco waxay ku sar go’nayd xukuumadii siyaad barre waxayna ahayd marka ay ugu liidato wixii dhacay burburkii dawladii dhexe ee somaliya kadib.Saabiibayaal abwaan yam yam wuxuu markaa cadeeyey in shareeco uusan abwaan ahayn ee uu waxna soo iigsan jiray ama uu si kale uu ku soo heli jiray.Akhriste taariikhdu waa ma guuraan oo barnaba isba bedesho ee waqtiga ayuubnaa is bedela markaa xirsi dalka wuxuu kaga tegayaa waa taariikhb madaw waayo intii uu xilka hayay wuxuu ku kacay falal xun xun oo isugu jira cabudhinta saxaafada,xadhiga dad aan waxba galabsan iyo in u xitaa qabyaalad halka ay ka gaadhay wuxuu bedelay shaqaale hoosaadkii madaxtooyada.Xirsi hadii uu gabyi karana waxaa hubaal ah in uu gabyi lahaa sideedii sanadood ee uu siilaanyo mucaaradka ahaa, waxayna dadka falan-qeeya arimaha suugaantu markii ay maqleen gabaygii uu xirsi ka tiriyey xafladii London lagu qabtay, waxayn ku tilaameen in uu gabaygaasi la siiqad yahay ama la nooc yahay gabaygii uu hore u tiriyey abwaan DHAKO ee uu yidhi siilaanyaa gabyoo yidhi, waxaanay dadka falan-qeeya arimaha suugaantu intooda badani isku raacsan yihiin in gabaygaa uu tiriyey abwaan DHAKO, waxa kale oo is weydiin hadii uu nin masuul ahi uu sheegto oo uu ka been sheego gabay aan maskaxdiisa ka soo bixin sida uga run sheegi kara wax intaasi ka weyn.La soco qormooyinka danbeQalinka: C/risaaq Suudi NuurTel:4425243Email:suudi88@gmail.comHargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured