MAXKAMADA GOBOLKA HARGIESA OO XUKUN GANAAX AH KU RIDAY AFAR WERIYE,GARSOORE AXMED DALMAR OO CADAALAD KA MUUJIYEY KIIS-KAN

0
Tuesday February 18, 2014 - 19:04:08 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXKAMADA GOBOLKA HARGIESA OO XUKUN GANAAX AH KU RIDAY AFAR WERIYE,GARSOORE AXMED DALMAR OO CADAALAD KA MUUJIYEY KIIS-KAN

    Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa waxa uu shaaca ka qaaday xukunka lagu riday saxafiyiinta ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa waxa uu shaaca ka qaaday xukunka lagu riday saxafiyiinta ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland. Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa markii uu xukunka ku riday saxafiiyintan ka war bixiyey waxyaalaha lagu eedeeyey iyo nooca xukunkooda waxaanu yidhi “mudo bil iyo badh ka hor ayaa waxa laygu soo qoray kiis ay ku eedaysan yihiin afar suxufi kuwaas oo kala Siciid Khadar, Xasan Maal Dhidar, Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashiir Nuur kuna eedaysan qodobada 505,321 iyo 328 kuwaas oo lala akhrinayo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabta guud kuwaas oo ah qodobo la xidhiidha mudaharaad sharci darro ah, kicin dadweyne iyo amar diido maamul.”

Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dacwada waxaanu soo wadnay mudo bil ah si aanu u xaqiijino maragyada oo aanu iskaga hubsano maantana way dhamaatay xukunkuna aanu ku riday saxafiyiintaas waxa uu kala ahaa, Maxkamaduna waxay danbi ku heshay Siciid Khadar Cabdilaahi, Danbiile Cabdicasiis Bashiir Nuur iyo Cabdisalaan Cabdirashiid waxaanay ku xukuntay sadexdaas danbiile ganaax lacageed oo dhan 600,000 SL/Shilling"
Waxa ay maxkamadu gobolku danbi ku wayday eedaysane Xasan Maal Dhidar kaas oo ay fasaxday isla markaana aan lagu ridin wax xukun ah.
Saxafiyiintan ayaa sheegay inay cadaalad kala kulmeen kiiskoodan ay maxkamadu ,ka garnaqaday waxaanay sheegen,in ay ka maarmeen qaryaqaan uu dooda oo anay weriyaashu qabsanbaa markay ku qanceen garsooraha Axmed Dalmar oo ku magac-dheer Halac
xogreebnews.com-office Hargeisa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured