hees ku socota wasiirka arimaha dibada soomaliya foosiya yuusuf xaaji aadan

0
Thursday April 18, 2013 - 19:29:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    hees ku socota wasiirka arimaha dibada soomaliya foosiya yuusuf xaaji aadan

    Anigoo ah xuseen xirsicaamir cali Heestan waxaan sameeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo ah xuseen xirsicaamir cali Heestan waxaan sameeyey hees ku socota wasiirka arimaha dibada soomaliya foosiya yuusuf xaaji aadan


Anigoo ah xuseen xirsicaamir cali
Heestan waxaan sameeyey
16/4/2013
Waxaanaan heestan kula hadlayaa drs foosiya yuusuf xaaji aadan
Ujeedada heestuna waxay ka dhadhamaysaa midheheeda ee uma baahna
Sharraxaad
Laakiin hadaan inyar oo is dul tag ah ku sameeyo hab dhismeedka maansada waxaad ku arki doontaa akhristoow saddex erey oo aan u soo qaatay qurxinta maansada kuwaas oo kala ah dhays, ka dhex toos, iyo ka dhacsanaan, sadexdan erey aynu macayno hadaba in kasta oo aan mid walba hortiisa ku macneeyey hadana aynu bal intaynaan gudo gelin maansada aynu sii fududayno

1 dhaysta waxa loo isticimaalaa marka geelu soo sed dhaweeyo ee ay xejiyayaashu jilcaan ayuu ruxmaa hilibka iyo guudka geeli
2 ka dhacsanaan waa kelmed sida loo adeegsadaa dhawaan ku soo biirtay af soomaliga metelan ina xirsi caamir siyaasadda wuu ka dhacsan yahay macneheedu waa lama socdo waxa dhacaaya
3 ka dhex toos waa kelmed ka soo dhax baxday dagaalkii sokeeyaha ee dhex maray reer SL macnaheeduna waa waa col ka dhex kacay colkale oo ay is hayaan oo aan iska filaynin hadaba akhris
Wanaagsan waana tan maansadii ama heestii qofba siduu u yaqaano
Dhabeel dumar foosiyay
Dhudiyo laan keli baxdaay
Dhigeeda ka fiicaneey
marwada reerkeed dhistaay
hooyada dhaqan toosanee
dhaliil ka amaan gashaay
kartida waa loo dhashaa
hankeeda ku dhiirraneey
xumaanta ka dhiidhiyaay
wanaaga u dhaarsaneey
dhibanahaw hiiliyaay
haduu dulmi dhigo nin dhigay
siduu dhidar hoorri falay
dhawaaq dheer kaga hadlaay
agoomo hadii la dhaco
xaqooda usoo dhacshaay
caddaaladda dhiirriyaay
samaha dhinac taaganeey
dhadhamo quudheed nacaay
fulaha dhiigyo cab ogeey
dhirbaaxo ka feejigeey
dhabeel dumar foosiyaay
dadnimo waa loo dhashaa
taariikhdaa dhaxa l gashee
rabigu tuu dhamaystiraay
aduunyadu waa dharaar
dhul weeyaan soo af go,an
dhammaad bay leedahoo
muddaa lagu dhaafayaa
cirkaa soo dhacaya oo
dhulkana waa la duubayaa
waxaa dhagax saran iyo
ogow buuraha dhidbani
ALLAA amar dhiibayoo
Iyana way dhalaalayaan
Dhareer bay noqonayaan
Waxaan ILI dheehaniyo
Dhasbay ku danbaynayan
Dhabeel dumar foosiyaay
Cimriga oo dhammaada iyo
Heduun baa loo dhintaa
Wedkaan laga dhuuman Karin
ogow mawd sooma dhaxo
il dhibiq deed dibuma dhaco
taariikh baa dhaxal gashee
wixii dhal dhalaal ah iyo
xarrago waa dheeha guud
haduu dhego beelo ruux
dhabtii wuu socon karaa
haduu dhaayaha indhaha
waxbaba dhugan waayi karo
ulbaa loo dhiibayaa
dhabaha waa lagu hagaa
laf dheeroo kaa jabtiyo
dhudhunka waa laga kabmaa
in loo dhitiyana u dhaw
dhabeel dumar foosiyaay
caqliga dhaawaca galiyo
haday dhooluhu jabaan (dhoolahan waxaan uga jeedaa ricilaha miskaha
miskuhu kala dheeliyaan
lafdhabar dhaymo looma helo
qofkuu ku dhacaa shilkanu
inuu dhooboda qooshtoo
dhallaan ku danbeeyo iyo
dhulyaal buu miduun noqdaa
dhabeen dumar foosiyaay
malaa wuu ila dhamcoo
halkaan islahaa ku dhaab
hadalka waan dhaafiyee
dhacdada aan uga socdiyo
ujeedada aan dhidbee
inay dhuudhi casadii
sidii dhedo kugu degeen
hab dhaqan xumo muujiyeen
nadaam dawllada ka dheer
sidii dhoocilo is diley
timaa qaar kugu dhegeen
dhulkana lagu jiidey oo
dharkaagii ciida galay
dhammaan dunidaa ogoo
dhehoo gaaliyo islaam
dadkuba wuu dhaygagoo
shantaa dhaban buu hayaa
hadana waa laga dhacoo ( waa laga dhacay waa kelmed suuqdi ah waana waxaa lalama socdo
waxaa lagu dhaafay taa
distoorbaynoo dhignaa
dhexdeenuu yaal sharcigu
inaad dhursugtay ahayd
inaad ka dhuyaasho iyo
inaad dhoofto may ahayn
dhabeel dumar foosiyaay
dhaleeco adaa isbaday
hadaad dhaxdin meel utahay
dhalasho meel baad utahay
dhiigaaga anaa iskale
ninaba ima dhaafin karo
dhabeel dumar foosiyaay
hashii maandeeq ma dhalin
sedkeediibaase dhaw
dhaaxay OLOL reentayoo
dhaysiyo fool kii ay tahay ( halkaa dhaysta waxaa ku haboonayd fargax laakiin heestaa sidan ku saxan
nin dhaqay uunbaa yaqaan
dhilawyahan looma lulo
waxay dharqataa madheedh
habeedbay ku dhaashatoo
labada dhinac baa madaw
kurusku dheeraa ka baxay
illaa dhuumatooyinkiyo
dheegiyo garbahaa qarsoon
baruur bay dhaabantahay
inay dhulka jiifsatiyo
dhudhubahaa laga ceshaa
ushaa laga dhawrayaa
dhirbaaxaa lagu wadaa
dhuugiyo muu cunin qaniin
dhibiijaa beri gashoo
iyana taa laga dhibee
dhabeel dumar foosiyaay
hashaad dhaxalka u lahayn
hadaanu ka dhextoosin dhidar (ka dhex toos waa kelmed ku soo baxday dagaalkii sokeeyaha ee inasoo maray
dhurwaagii cunin lugyare
libaax kumasoo dhacoo
dhawaaqiisaan aqaan
tisiyo oodbaan dhidboo
dhacamo waaweeyn ku jaray
difaac adag baan hordhigay
dhinbiilo dabbaan u shiday
dhuun buur buuxaan sitaa
dhabeel dumar foosiyaay
bushaaradan dhuux warka ah
malaa dhoola waa isagu
malaa dhaban daad kaskii
Isfahan beri hore dhaciyo
Heshiis buu dhawrayaa
Malaa dhaw dhawdu hee
Caduur weli uma dhacsana
Wax dhaw buu eegayaa
Wax dheer maba fiirin karo
Anana hadaliyo dhamaan
Waxaanu ku dhaarsanahay
Waxaanu u dhaarsanahay
Waxaanu ku dhaarsanahay
Waxaanu u dhaarsanahay
Inaanu dhiigiyo naftaba
Agoomii laga dhintee
Mujaahid ka dheelmadiyo
Hooyadaa dhibka soo martee
Asaydu dhixirka u tihiyo
Dhulkeena waraabinaa
Dib dheeshii loo tumaa
Dhabii hore lagu noqdaa
Dharaartaa foosiyaay
Dhigaygaa badan dadkoo
Inaan ku dhintana u dhaw
Inaan dacsadana u daaaaaa
FG/ waxaan ka codsanayaa cidii si gaar ah ugu diri karaysaa in ay heestan u gudbiso drs foosiya yuusuf xaaji aadan
Cidii dooneysa inay muusig u samaysana laxankii waan hayaa ha ilasoo xidhiidho wixii kharash ku baxaayana anigaa qaba laakiin waxa shardi ah inaan waxba laga bedelin ee
sideedaa lgu soo saaro heesta
DHAMMAAD


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured