Wariye Sagal Mustafe Oo Wax Lagu Qoslo Ku Tilmaantay War Been Abuur Ay Baahiyeen Warbaahinta Reer Koon-Fureed+Fal Cunsuriyeed Ay Kula Kacaan Saxafiyiinta Reer SomalilandOo An Kow Ahayn

0
Monday January 20, 2014 - 22:07:38 in Featured by Super Admin
  • Visits: 4903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Sagal Mustafe Oo Wax Lagu Qoslo Ku Tilmaantay War Been Abuur Ay Baahiyeen Warbaahinta Reer Koon-Fureed+Fal Cunsuriyeed Ay Kula Kacaan Saxafiyiinta Reer SomalilandOo An Kow Ahayn

    Muqdisho(xogreebnews.com-Wariye Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo ka mid ah Hawl-wadeenada Telefiishanka Universal ee Somaliland isla-markaana maalmihii u dambeeyay shaqo u joogtay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Wariye Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo ka mid ah Hawl-wadeenada Telefiishanka Universal ee Somaliland isla-markaana maalmihii u dambeeyay shaqo u joogtay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay warar anshax xumo Muqdisho(xogreebnews.com-Wariye Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo ka mid ah Hawl-wadeenada Telefiishanka Universal ee Somaliland isla-markaana maalmihii u dambeeyay shaqo u joogtay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay warar anshax xumo ah oo ay ka baahiyeen Mareegaha Internet-ka ee Soomaaliya qaarkood.
Wariye Sagal Mustafe oo maalmihii u dambeeyay barnaamijyo toos ah ka waday xarunta Telefiishanka Universal ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin wararka laga baahiyey ee sheegaya in la afduubay isla-markaana la fara xumeeyay, iyada oo xustay in maalintii ay tagay Muqdisho ilaa maanta wakhti ay ka farxad iyo caafimaad badan tahay aanay jirin.

Dadka warkan foosha xun baahiyey ayay ku tilmaamay kuwo fool xumada iyo xumaanta ku faana oo aan Alle iyo cid kale toona ka xishoon, balse ku shaqeysta ceebaynta hadba qofka bulshada ka soo dhex baxa ee dedaal muujiya “Dadkani waa dad ka xun horumarka iyo barnaamijyada aanu Telefiishanka aan ka wado” ayay tidhi Wariye Sagal Mustafe Xasan oo la soo xidhiidhiyey Somalilandtoday.com, iyada oo ku sugan Magaalada Muqdisho, waxayna intaasi ku dartay “Maanta ilaa maalintaan tagay wakhti aan ka farxad badanahay ma jiraan, waanan caafimaad qabaa”
Mareegaha Internet-ka ee laga leeyahay Soomaaliya, ayaa qaarkood waxa ay caado ka dhigteen inay ku shaqeystaan ceebaynta iyo inay waxaan jirin ka sheegaan dadka, iyaga oo uga dan leh inay lacag ku faa’idaan booqashada ama akhriska waxa ay baahiyeen, taasi oo meel ka dhac ku ah xuquuqda qofka beenta laga sheegay iyo dadka akhristay ee beenta loo sheegayba.
Warkan foosha xun ee laga baahiyey Wariyadda reer Somaliland ee Sagal Mustafe, ayaa sida muuqata ah mid ay baahiyeen dad aan jeclayn horumarka ay ku talaabsanayaan wariyayaasha Sagal ka mid tahay, kuwaasi oo ay doonayaan inay sharafta iyo magaca ay bulshada ku dhex leeyihiin cay kaga maxasaan.
Sagal Mustafe Xasan Nuur (Wakiilka Universal Tv Ee Hargeysa)
Mulkiilayaasha Mareegahaasi qaarkood, ayaa shacabku ku yaqaan xaasidnimo iyo inay dagaal ku qaadaan qofkii horumar ku talaabsada sida Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo ka mid ah Wariyayaasha ugu magaca dheer warbaahinta Soomaalida wakhtigan casriga ah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured