Faallo Markii Saaxiibtinimada Kulmiye iyo labada Gole ay Bilaabmeen Somaliland loogama horeyn!–

0
Sunday March 10, 2013 - 12:24:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo Markii Saaxiibtinimada Kulmiye iyo labada Gole ay Bilaabmeen Somaliland loogama horeyn!–

    London(Xogreebnews)-Waxaa muwaadinkasta oo S/lander ah uu Dastuurka qaranku uu xaq-usiinayaa in siquman uu u-dhaliilo una -toosiyo, una-tilamaamo Galdaloolooyinka ka jira, xukuumad kasta oo jirta isaga oo Muwaadinku isaga qudhiisu ilaa linaaya Dastuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(Xogreebnews)-Waxaa muwaadinkasta oo S/lander ah uu Dastuurka qaranku uu xaq-usiinayaa in siquman uu u-dhaliilo una -toosiyo, una-tilamaamo Galdaloolooyinka ka jira, xukuumad kasta oo jirta isaga oo Muwaadinku isaga qudhiisu ilaa linaaya Dastuurka marka uu Fikirkiisa cabiraayo. London(Xogreebnews)-Waxaa muwaadinkasta oo S/lander ah uu Dastuurka qaranku uu xaq-usiinayaa in siquman uu u-dhaliilo una -toosiyo, una-tilamaamo Galdaloolooyinka ka jira, xukuumad kasta oo jirta isaga oo Muwaadinku isaga qudhiisu ilaa linaaya Dastuurka marka uu Fikirkiisa cabiraayo. Hadana waxaa wax-garadka iyo aqoonyahanka wadanku isku raaceen in markii Xukuumada Kulmiye ay labada Gole oo kala ah Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida ay u-kala kordhisey midna 3 sano minda 4 sano ay curatey Saaxiibtinimo Qorsheysan taas oo ay markiiba meesha ka baxdey isu dheeli tirkii Qaranka yar ee Socod-baradka ah, Intaa kagama ay hadhine waxaa ay xukuumada kulmiye ay Dube Taban la dhacdey iyada oo aan hareerahaba iska eegin Qaab-dhimeedkii Gudiyadii hoose ee ay ka sii koob naayeen Labadii Gole. Waxaana ay Halkaa Xukuumadu ku jebisey Qaab-dhismeedkii Qaranka ee sida cadaanka ah ugu xusnaa Qodobka 37aad , Faraqiisa 2aad,ee Dastuurka Qaranka. qodobkan oo sugaaya Sadexda Waaxood ee uu qaranku ka kooban yahay ee ay Xukuumada kulmiye hada ku dhaba-baceysey ee ay inta ay baanad kala daba tagtey ay u-fur-furtey ilaa iyo Gudiyadii hoose Bool-Bool iyo Raas-Raas oo ay Halkaa ku ragaadisey Qaab-dhismeedkii Qaranka yar ee solmaya ee Raranka hada Saarmey.


Waxaa kale oo ay xukuumada Kulmiye ay isagana Burisey oo ay Daafeysey Qodobka 1aad ee Dastuurka Qaranka Faraqiisa Labaad , Qodobkaas oo Xukuumada faraaya in awooda iyo Karaamada Qaranimada ay leeyihiin Shacabka reer Somaliland iyada oo uu shacabka Qudhooda uu dabraayo Dastuurku taas oo had iyo jeer loo baahan yahay in ay shacabku bartaan Dastuurka ka dibna ixtiraamaan. Hadaba waxaa wax-garadkii iyo aqoon-yahankii Gudo iyo debedba af-kala qaad ku-noqotey Markii Xukuumadii iyadu oo Dastuurkii ,mar hore sidii Carsaanyada dhinac-walba u-jiidhey in ay hadana tidhaahdo waan -Furayaa oo aniga uun baa u -talinayaa.

- Waxaa Xukuumada Kulmiye ay Xukunkii ummadda u-hibeysey Koox yar oo aan ehel u-aheyn oo ku caan noqdey midabyo badan ku waas oo mar-mar Dilaaliin noqda, Mar-marna , ilaawa Xilkii ay ummadda u hayeen oo noqda Ganacsato sheerka xisaabsata, Mar-marna Qadiyadii ummadda shanda-daha ku Qaata oo kolba sida ay doonaan u-turjuma iyaga oo aan kala tashan cidii ay ka go'neyd Bud-dhiga talada Qarankan yar ee Ragaadmey waqtigan xaadirka ah.

-Xukuumada Kulmiye waxay ku caan baxdey isku-xidhnaan la'aan , wada shaqeyn la'aan, wada tashi-la'aan , Taas oo hada looga baqanaayo in ay la ambadaan ama Dalow ka tuuraan Qadiyadii iyo Masiirkii Shacabka weynaha reer S/land ee ay hada Saameysey dhaqaale xumo, shidaal la'aan, Sicir-bararka, Biyo la'aan iyo Debed u-yaalnimada Dac-darada Dabeecada.

- Waxaa la isku Raacey in ay Xukuumada kulmiye ay Beelnimadu kala Weyn tahay Wadaninimada iyo Qaranimada Marka loo fiirsado, Hadana waxaa Mucjiso kale noqotey iyada oo aan ummaddii kale aan u-ogoleyn in ay Beelo noqdaan oo ay Danahooda iyo aayahooda ka tashadaan , Hada Qabso oo waa Xukuumadii aynu wada garaneyno halka ay ka timi iyo sidii ay ku timi.

- Xukuumada Kulmiye Waxaa la qirey in ay tahay Xukuumad ay Biyo-dhigeen Hogaan-xumo oo aaney Haba yaraatee Haydaheedu la heyn Hogaan daacad ah oo Dhaqaajiya oo dabada ka riixa habsami u-socodkii hawlihii qaranka. Nasiib daro waxa ay Xukuumadu ku-fashilantey Qorshe Horumarineedkii lagu waqtiyeeyey (2012- 2016) kaas oo aan halkii laga dhaqaajin. Qorshahani wuxuu ahaa Qorshey lagu lumiyey Waqti badan , tacab badan iyo aduun badan oo maata Khasaare taagan,

-Xukuumada Kulmiye waxaa lagu suntey Xukuumad aaney Wasaaradaheeda iyo Hayadaheeda aaney midna laheyn wax istaandar ah ama halbeeg ah oo lagu cabiro ama lagu kala ogaado shaqsiga shaqadiisii gutey iyo shaqsiga shaqadiisii seegay ee ku fashilmey.Waxaa ayaan daro ah in ay Xukuumada Kulmiye ku faantey in ay xukunka u-qaybisey si xaafadeysan , Xasabeysan, Beeleysan, Degaameysan oo Goboleysan, Taas oo ay hadana ka soo mudh-baxeen oo ay shaaca qaadeen shaqsiyaad Ganacsato ah oo Ganacsigooda mudnaanta siiya, Shaqsiyaad Wax-isweydaarinta iyo Gacan-wadaaga yaqaan iyo Shaqsiyaad malafsiga, af-dhuunyaaleynta iyo dus-duska iyo luf-lufka ay ugu badiso oo had iyo jeer lagu kar-baasho Beelihii ay ka soo jeedeen.

- Waxaa Xukuumada Kulmiye ku-shaa-shoobey Beelihii Daraf-yada, kadib- Markii ay Cadaaladii, Xaq-soorkii iyo sinaantii ay meesha ka baxdey ayey Beelihii Darafyadu
Talo ku Goosteen in ay Hubka urur-sadaan oo ay ka tashadaan Xukuumada kulmiye ee Boo-shaaqa ah. Waxaa Xukuumada Kulmiye ay Ku fashilantey in ay si dawladnimo ah u carbiso, una taba-barto kadibna ka u-muliso Golayaashii degaanka ee ku soo baxey Doorashadii Xaaraanta iyo Xaq-darada ku-dhamaatey.

Guntii iyo Geba-gebadii; Xaqiiqda iyo Xaalada indho sar-caadka ah ee maanta Somaliland ka jirtaa waxay u-baahan tahay in aan la sii eegan ee loo gurmado oo laga yeesho Wada tashi Qaran oo ay u-dhanyihiin Dhamaan Xisbiyada Mucaaradka ah ,Samo Talis iyo Siyaasiyiinba.


Alleh ayaa Mahada leh.
Walaahum Aclam. Wa bilaahi Toawfiiq
A/Rahman Fidhinle
Intensive PA
United Kingdom


farhanos14@gmail.com>


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured