Safar calaamiya oo kulmiyay sadex urur samafal, oo si wada jir ah hawl uga fuliyay degamada salaxley.

1
Saturday March 09, 2013 - 18:25:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safar calaamiya oo kulmiyay sadex urur samafal, oo si wada jir ah hawl uga fuliyay degamada salaxley.

    Safarkan oo ay si wada jir ah u fuliyeen urarad kala ah Gaaroodi, Haldoor Org iyo Protect and Grow the Land ayaa ujeedadoodu ahaayeen deeq, dhir beerid, tababarka macalimiinta iyo Asaaska tiim kubada Cagta ah oo loogu magac daray Macalin Ceesh oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkan oo ay si wada jir ah u fuliyeen urarad kala ah Gaaroodi, Haldoor Org iyo Protect and Grow the Land ayaa ujeedadoodu ahaayeen deeq, dhir beerid, tababarka macalimiinta iyo Asaaska tiim kubada Cagta ah oo loogu magac daray Macalin Ceesh oo ay ka hirgeliyeen degmada Salaxley.
Waxa uugu horeyn barnaamijka bilaabay ururka Haldoor iyagoo tababar u soo jeediyay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare iyo dhexe, seminaaro ay jeediyeen Gudoomiye ku xigeenka Haldoor Ciid Maxamed Kaahin iyo Deeq Cismaan Daahir ayaa waxa ka qayb qaatay 15 macalimiin oo degmada ka soo jeeda.

Seminaarka kadib waxa halkaa ka hadlay xubnihii ka tirsanaa Haldoor Org oo goobtaas gudoonsiiyay shahaado sharaf macalimiinta tababarku u socday. Waxa kaloo shahaadooyinka gudoonsiiyay Macalimiinta xubanayaasha Haldoor Org, oo ay ka mid ahaayeen Ciid Maxamed Kaahin, Hoodo Suldaan Adan, Khadar Abdiraxmaan, Ilhaan Xasan, Eng AhmedGurey Sh Cumar Xuseen, Deeq Cismaan, Malyuun Ismacil, Xamse Suldaan Adan Farax iyo. G. haldoor ee sudan.saciid aadam gaaxnuug.


Ururka Caalamiga ah ee Gaaroodi ayaa iyaguna deeqo u gudbiyay gudoomiyaha waxbarashada degmada Salaxley soona jeediyay inay macalimiin ku shaqeeya mutadawac taaso bilaabmaysa wiiga soo socda. Waxa goobtaas hadal kooban ka jeediyay Dr Fuad Abdisalaam Xasan oo matalaayay ururka Gaaroodi oo halkaa ku balanqaaday in ay degmada ka caawin doonaan sidii ay u heli lahayd macalimiin tayo leh. Waxa kaloo halkaa la bixiyay buugaag usoo diray aqoon yahan Maxamed Yusuf Diirqadhaadh oo Ingriiska ku sugan.

Waxa kaloo la socday safarkan Ismacil Cali Jaamac oo ah Consultant la shaqeeya Ururka Samafalka ee Haldoor, isagoo soo ururiyay Survey ay ka mid yihiin populationka degmada, heerka waxbarashada, goobaha biyaha, adeega kala duwan ee bulshada iyo degmooyinka hoos yimaada Salaxley.

Consultant Ismacil ayaa kormeer hawleed ku marayey nawaaxiga magaaladda Salaxley, taas oo uu xog ururin ka wadey dhinaca biyaha, caafimaadka, iyo wax barashadda, lana kulmey masuuliyiin sare oo xaga MCH ka iyo waxbarashada ka tirsan. Waxaa kale oo uu kormeer kusoo marey Boarding ka magaaladda, Dugsiga hoose/dhexe e ee Salaxley. Waxa uu ka arkey in wax qabad loobaahan yahey xaga nadaafada qashinka ee isguulada iyo MCH kaba. Wixii macluumaada iyo wax qabadka laga sameyn doono degaanka Salaxley kala soco haldoor page, Duulnews iyo wergeys yada kale.

Waxa kaloo safarka weheliyay Eng AxmedGurey Sh Cumar Ceesh iyo Xaaskiisa Hoodo Axmed Ciise Oomaar oo asaasay ururka Protect and Grow the Land oo iyaguna gudoonsiiyay dhalinyarta iyo gudida degmada agab kala duwan, Engineerka iyo xaaskiisa ayaa waxay ku wareejiyeen dhir farabadan iyo qalabka Spoortika. Iyagoo ka beeray geedkii uugu horeeyay oo aroos cusubi ka hirgaliyaan degmada Salaxlay kuna dhiiri geliyeen in lamaanayaasha cusub ay iyaguna ka beeraan geed deegamada Salaxley iyo degmooyinka Somaliland oo dhan.

Engineer Axmed iyo Haldoor Org, iyo Gaaroodi ayaa si wada jir ah halkaa uuga asaasay koox kubadeed oo loogu magac daray Macalinkii Weynaa ee Somaliland ee Sh Cumar Xuseen Jaamac (Macalin Ceesh) oo ah professor diinta iyo wax dhigida dalka iyo caalamka qayb wayn ka qaatay. Teamkan oo la magac baxay Macalin Ceesh FC ayaa la gudoonsiiyay dhalinyartii usoo diyaar garowday inay la wareegaan agabka iyo magaca cusub ee Macalinkan haatan ku sugan wadanka Ingriiska.

Injineerku waxa uu halkaa ka jeediyay qudbad kooban oo uu ku dhiiri gelinaayay dhalinyarad iyo ardayda Salaxley inay ku dadaalaan waxbarashada iyo ciyaaraha sportika, oo uu weliba taageerida degmada uu sii wadi doono isagoo uu safarkani ahaa kii uugu horeeyay ee u soo gaadho ilaa iyo markii uu ingriiska galay sanadkii 1991.

a j

ahmedjama@hotmail.co.uk

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured