Oloolleha Maayirnimada Berbera oo ka Dhex Bilaabmay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cidin iyo Dhukur oo kala Horoorsanaya Dhegaha Musharax Cabdiraxmaan Cirro....

0
Thursday August 08, 2024 - 17:07:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oloolleha Maayirnimada Berbera oo ka Dhex Bilaabmay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cidin iyo Dhukur oo kala Horoorsanaya Dhegaha Musharax Cabdiraxmaan Cirro....

    Oloolleha Maayirnimada Berbera oo ka Dhex Bilaabmay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cidin iyo Dhukur oo kala Horoorsanaya Dhegaha Musharax Cabdiraxmaan Cirro....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oloolleha Maayirnimada Berbera oo ka Dhex Bilaabmay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cidin iyo Dhukur oo kala Horoorsanaya Dhegaha Musharax Cabdiraxmaan Cirro....
Berbera (Xogreeb.com)-Oloolleha kursiga Maayirka Berbera, ayaa ka dhex bilaabmay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, sida laga soo xiganayo shaqsiyaad kamid Xisbigaas oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, kuwasoo iftiimiyay in gudaha Xisbiga u ka socdo loolan xoogan oo lagu kala jiidanayo Musharaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro, oo koox kamid ahi, ka doonayso hadii u guulaysto inuu maalinta xigtaa iyana ku cumaamado kursiga Maayirka Berbera.
Qorshahaas oo u wato Xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Yuusuf Dhukur, ayaa khilaaf hor leh ka dhex dhaliyay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay joogaan rag miisaan culus oo ku abtirsada gobolka Saaxil, isla markaana kasoo horjeeda in maayirnimada Berbera  oo mudo-xileedkeeduba gabo-gabo yahay la taatabto.
Sidoo kale, Maayirka Cidin ka hada kursiga Maayirnimada Berbera isku ruxayaa, oo ashkhaas ka agdhow u diray Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, kuwasoo sida fariimo u Maayir, cidin u dirtay Musharax Xisbiga, wallow aan si rasmiya loo oggayn nooca fariimahaasi yihiin.
Hadana waxa laga dhex dareemaya Musharaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro inay kala jiidanayaan ashkhaas isku soo eedday Maayirnimada Berbera kana furfiri kari waayay Maayirka Cidin.
khilaafka iyo garabsigan Siyaasiyiinta gobolka Saaxil ee Xisbiga WADANI ka dhex bilaabmay, ayaa sababi kartaa hadii u dhimac raaco Musharax Cabdiraxmaan Cirro guuldaro weyn oo kasoo gaadha Musharaxa Xisbiga waddani gobolka Saaxil.
Geesta kale, maayir Cidin, ayaa dhimay oloolle uu ugu Kaambayn garaynaayo Xisbiga Kulmiye ee Talada haya oo u kamid ahaa, waxa xogga Warbaahinta Xogreeb Media heshay sheegayaan in balan-qaad hoose ka dhexeeyo Musharaxa Xisbiga Wadani Cirro.
la soco Xogo dheeraada maalmaha soo socda



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured