Ganacsatada Beelweynta Subeer Awal oo Ku Hawlan Keenista Somaliland Shirkad Isgaadhsiineed oo Casriya, oo Leh, Lacagaha Electricnica, Enternetka Xawaare-sare, iyo ku Hadal Telefoon... Adeegyo Casriya oo Noocoodu Cusub-yahay....

0
Monday August 05, 2024 - 19:28:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Beelweynta Subeer Awal oo Ku Hawlan Keenista Somaliland Shirkad Isgaadhsiineed oo Casriya, oo Leh, Lacagaha Electricnica, Enternetka Xawaare-sare, iyo ku Hadal Telefoon... Adeegyo Casriya oo Noocoodu Cusub-yahay....

    Ganacsatada Beelweynta Subeer Awal oo Ku Hawlan Keenista Somaliland Shirkad Isgaadhsiineed oo Casriya, oo Leh, Lacagaha Electricnica, Enternetka Xawaare-sare, iyo ku Hadal Telefoon... Adeegyo Casriya oo Noocoodu Cusub-yahay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Beelweynta Subeer Awal oo Ku Hawlan Keenista Somaliland Shirkad Isgaadhsiineed oo Casriya, oo Leh, Lacagaha Electricnica, Enternetka Xawaare-sare, iyo ku Hadal Telefoon... Adeegyo Casriya oo Noocoodu Cusub-yahay....
Hargeysa(Xogreeb.com)-Maalqabeeno iyo Ganacsato u dhashay Somaliland, isla markaana ku abtirsada deegaanada Maroodijeex iyo Saaxil, ayaa sida xoggaha lagu sheegay ku hawlan samaynta shirkad weyn oo isgaadhsiineed oo leh nidaamyada ku hadalka Telefoonada iyo sidoo kale adeegga lacagaha Electricnica ah oo Damaanaad buuxda leh, iyo weliba khadka Enternetka oo leh xawaare sare.
Xogo iyo baadhitano dheeraad ah, oo ay heshay Warbaahinta Xogreeb Media, ayaa tibaaaxay in qaar kamida ganacsatada ugu tunka weyn Somaliland gaar ahaana deegaanada Waqooyiga Hargeysa iyo Saaxil ay si weyn u diyaarinayaan hab isgaadhsiin oo casriya, kaasoo lagaga raysan doono tayo-xumada isgaadhsiineed ee haysta dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Xoggaha la xidhiidha Shirkadaan, sheegayaan in hadda uu gabo-gabo ku dhow yahay keenista qalabka iyo diyaarinta hab-hawleedka Shirkadan. 
Wararku waxay tibaaxeen in Shirkaddani leedahay hab casriya oo leh damaaanad buuxda oo lacagaha Electricnica ah, kuwasoo hada ay dhib badan kala kulmaan dadka reer Somaliland oo isticmaala Shirkada ay dhib weyn kala kulmaan.
Talaabadan oo dhaqaalaha Somaliland ka dhigaysa mid furan, isla markaana dadka u qaybinayaan shirkadaha kala duwan, gaar ahaan kuwo leh damaanaad buuxda oo hadii hawada nidaamka lacagaha Electricnica ahi ka baxo in qofku helayo lacagtiisa cid uu ugu hagaago, sidoo kalena uu isticmaalayo dhaqaalaha ugu jira telefoonada kale.
Geesta Wararka la xidhiidha Shirkadaan Isgaadhsiineed, waxay sheegeen in ay leedahay qayb Xawaaladeed oo casriya, isla markaana lacagaha dibada hab casriya looga soo dirayo. waxa kaloo ay Wararku tibaaxeen in ay Shirkadani dheeraan doonto Shirkadaha mudada dheer soo jiray, adeegyo casriya oo faaiidooyin badan laga helayo.
Si kastaba ha ahaatee Bulshada Somaliland, ayaa baahi-weyn u qabtaa Shirkada Sadexaad, oo qayb weyn ka maamusha dhaqaalaha Umadda Somaliland oo gacanta u galay shirkad keliya, in ka badan %75, halka ay shirkadaasi uga faaiidaysato dano gaar ah, kuwasoo isaggu jiraa kuwoo siyaasadeed iyo mid dhaqaale, Tusaale ahaan Shirkada hadda dhaqaalaha umadda Somaliland gacanta u galay, isla markaana aabbe u ah, sixir-bararka ragaadiyay shacabka Somaliland, ayaa hadana dhaqaalaha ugu oloolaysaa deegaan gaar ah iyo Xisbi gaar ah in xukunkii Somaliland gacanta u galo, waxay aaminsan yihiin kooxaha maamula Shirkadahan jiraa in iyaggu ciday doonaan ka dhigi karaan Madaxweyne, iyaggoo ka faaiidaysanaya dhaqaalaha Umadda Somaliland ee kala duwan.
la soco qaybaha Dambe xogqaha la xidhiidha Shirkadaan iyo kuwaa hada jira ee fadhiidka ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured