Malaysia Iyo Indonesia Oo Ka Cabanaya Alaabta Shiinaha Ee Suuqii Qarqisay

0
Wednesday July 24, 2024 - 22:57:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaysia Iyo Indonesia Oo Ka Cabanaya Alaabta Shiinaha Ee Suuqii Qarqisay

    Malaysia Iyo Indonesia Oo Ka Cabanaya Alaabta Shiinaha Ee Suuqii Qarqisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malaysia Iyo Indonesia Oo Ka Cabanaya Alaabta Shiinaha Ee Suuqii Qarqisay
Hargeysa(Xogreeb.com)-Labada dawladood ee Malaysia iyo Indonesia ayaa qabanqaabinaya shuruuc cusub oo lagaga hortagayo alaabta jabaan ee dalka Shiinaha looga soo dhoofiyo ee qarqisay suuqyada maxaliga ah isla markaana meesha ka saartay alaab badan oo labada dal lagu samayn jiray.
Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Iyo Warshadaha Liew Chin Tong ee Malaysia oo arinta ka hadlaya ayaa sheegay in dawladdu ay horganayso baarlamanka xeer warshadaha dalka iyo ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe ka ilaalinaya tartanka aan saxda ahayn ee alaabta dibada laga keenaa ku hayso.
Shiinaha ayaa ah dalka ay Malaysia la leedahay baayacmushtarka ugu wayn iyadoo xijmiga ganacsiga u dhaxeeya labada dal uu mudadi u January-April ee sanadkan oo kaliya gaadhay $29.8 bilyan.
Dhinaca kale xukuumadda Indonesia ayaa iyaduna diyaarinaysa xeer ganacsi oo ay wax kaga qabanayso meheradaha iyo warshadaha dalka ee kacay kadib markii ay suuqa ka saartay alaabta jaban ee Shiinaha laga soo waaridaa.
Shir jaraaid oo ay qabatay June 27,2024 waxay Wasiiradda Maaliyadda Indonesia Sri Mulyani Indrawati ku sheegtay in alaabta dalka lagu sameeyo ee xeerku mudnaanta siin doono ay ka midyihiin dharka,kabaha,electronics-ka,shandadaha iyo waxyaabaha laga sameeyo dhoobada.
Hasa yeeshee Maxamad Faysal oo ah maareeyaha xarun cilmi baadhiseed oo arintan ka hadlaya ayaa wuxu yidh
"Cashuurta oo la kordhiyaa waxay ka dhigantahay uun xal ku meel gaadh ah balse waxa loo baahanyahay in wax laga qabto halkay sartu ka qudhintay oo ah in alaabtii dalku ay la tartami kari la’dahay tii dibadda ka iminaysay,sidaas darteed dawladdu waa inay culyska saartaa sidii ay warshadaha gacan uga siin lahayd tayeynta alaabta lagu sameeyo dalka”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured