Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo kulan u qabtay Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda

0
Wednesday July 24, 2024 - 22:53:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo kulan u qabtay Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda

    Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo kulan u qabtay Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo kulan u qabtay Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kulan u qabtay Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda JSL. Kulankaas ayey KDQ waxay daneeyayaasha doorashada u soo bandhigeen, qoraal ahaan ugu qaybiyeen warbixin faahfaahsan oo qaybo badan leh, sida:

1. Warbixin ku saabsan shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda sida:
- Diyaarinta agabka iyo sanaaduuqda goobaha doorashada.
- Daabacaada Buuggaagta Codbixiyeyaasha Goobaha Doorashada (FVL Books).
- Warbixin ku saabsan kulamadii KDQ la yeeshay qaadhaanbixiyeyaasha iyo safarkoodii Nairobi.
- Diyaarinta Sahanka Goobaha Codbixinta Doorashooyinka. 


2. Shuruucda iyo Xeernidaamiyayaasha Doorashooyinka ee kala ah: 
- Xeer-hoosaadka Guddi-hawleedka Xisbiyada & Ururrada (Taskforce) ee KDQ.
- Qabyo-qoraalka Xeerka Anshaxa & Hab-dhaqanka Xisbiyada & Ururrada ee KDQ.
- Qabyo-qoraalka Xeernidaamiyaha Guddida Anshaxa, Kormeerka iyo Xallinta Khilaafaadka.

3. Kulanka waxa kale oo hanaanka fogaan-arag ah (Video Call Conference ah) kaga soo qaybgalay Mr. Ronan oo ah Khabiirkii fuliyey Hantidhowrka iyo Baadhista Diiwaanka Codbixiyeyaasha (Biometric Voter Registration System Audit) isla markaana warbixintiisii baadhiseed halkaasi ka jeediyey. Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada ayaa iyagu na su’aallo weydiiyey khabiirka. 

4. Warbixin la xidhiidha hanaanka iyo hawlaha nidaamka Hubinta codbixiyeyaasha Booyoomitrigga ah (BVVS). Waxa kale oo ay KDQ u sheegeen daneeyayaasha in todobaadka danbe ay si wadajir ah u tijaabin doonnaan nidaamka IRIS (BVVS inhouse testing). 

5. Ugu dambayn KDQ waxay ka warbixiyeen dhaqaalaha doorashada guud ahaan, waxa ku soo-xerooday sanduuqa doorashada, iyo qorshaha dhamaystirka qaybta maqan.

Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada ayaa iyagu na dhankooda tallooyin dhaxalgal ah la wadaagay Komishanka, waxa ayna balanqaadeen in shaqada doorashooyinka ay u daba-fadhiyaan KDQ. Labada dhinac waxay isla qaateen, in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay soo gudbiyaan xubnaha ku matelaya Guddi-hawleedka (Taskforce), isla markaana Komishanku uu xoojiyo kulamada, wadatashiga iyo talowadaaga Xisbiyada/Ururrada si kor loogu qaado daahfurnaanta doorashooyinka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured