SIYAASADA SOMALILAND, REJODA DADKA IYO HALISTA DOORASHOOYINKA.

0
Wednesday July 24, 2024 - 22:51:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADA SOMALILAND, REJODA DADKA IYO HALISTA DOORASHOOYINKA.

    SIYAASADA SOMALILAND, REJODA DADKA IYO HALISTA DOORASHOOYINKA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIYAASADA SOMALILAND, REJODA DADKA IYO HALISTA DOORASHOOYINKA. Siyaasada jamhuuriyada Somaliland hoos u dhac weyn baa ku yimid marka aad eegto ololaha iyo hadalada hawada la isku marinayo , sidoo kale xaga rejada dadku qabaan iyo hanaanka deganaansho iyo xasilooni ee dalku hoos buu u socdaa.

Arimahani waxay ku suntan yihiin dadka siyaasada iyo hogaaminta ku metela dadka jamhuuriyada Somaliland dhamaantood oo aan aheyn qaar kala roonaansho ka muuqdaan.


Sidoo kale marwalba oo dalka doorashooyinku soo dhawaadaan waxaa la galaa xaalad kala guur iyo cabsi badan , dhaqaalaha iyo nolosha dadka hoos u dhac weyn baa ku yimaada , qabsoomidooda iyo natiijadooda werwer weyn ayey dadka iyo dalkaba ku hayaan.

Waxa aan is leeyahay dadka maanta helay fursada hogaaminta iyo siyaasadeed halka ugu hooseysa ilaa halka ugu sareysa wali ma wadaan wax lagu tartamo iyo wax abuuraya yididiilo umadeed oo lagu soo hirto .

Waa marka labaad e waxii sharci iyo xeerar la dhigtay waxay noqdeen la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan , waa halka muruga iyo muranada aan macnaha lahayn inagaga bateen.

MAXAA LAGAGA BIXI KARAA OO DALKA IYO DADKABA U DAN AH ?

Waxaa lagaga bixi karaa waa in dadka laga iibiyo aragtiyo iyo feker siyaasadeed oo mustaqbalkooga iyo noloshooda wax ka badelaya ama loo arko inuu xambaarsan yahay waxa maanta taagan wax ka wanaagsan. 

Sidoo kale xayndaabka siyaasada iyo hogaaminta laga ilaaliyo waxa keenaya kala irdhowga iyo isku soofeynta dadka walaalaha ee jamhuuriyada Somaliland oo duruufo iyo waayo isku mid ahi haystaan.

Dhinaca kale axsaabta iyo ururada siyaasadu iyo masuuliyiinta xukuumadu waa inay u muuqdaan qaar qaranku leeyahay oo aan lagu sawirin deegaan kaliya , sidoo kale kor isaga qaada halkay maanta hoganayaan.

Dhimbiil Mohamed 
Mohamed Abdi Jama


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured