Gudoomiyaha Xisbiga waddani oo UK u Magacaabay Gudoomiye Siyaasi ah oo Firfircoon

0
Monday July 22, 2024 - 21:30:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga waddani oo UK u Magacaabay Gudoomiye Siyaasi ah oo Firfircoon

    Gudoomiyaha Xisbiga waddani oo UK u Magacaabay Gudoomiye Siyaasi ah oo Firfircoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga waddani oo UK u Magacaabay Gudoomiye Siyaasi ah oo Firfircoon Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa magacaabay Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, kuwasoo ka kala hawlgeli doonaa Waddamo badan oo qurbaha ah iyo sidoo kale xubno gudaha dalka ah.
Masuuliyiinta u magacaabay Gudoomiye Xirsi ayaa waxa kamid ah, haldoor Faysal Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah siyaasi da'yar oo firfircoon, isla markaana daacad u ah shaqada uu qabanayo iyo Xisbiga Waddani ee u hada ka tirsan yahay. 
Gudoomiye Xirsi ayaa Siyaasi Faysal Cabdiraxmaan u magacaabay Gudoomiyaha qaarada yurub ee Xisbiga WADANI. 
Masuuliyiinta u Gudoomiye Xirsi u magacaabay qaaradda Yurub iyo UK, ayaa dardar-gelin weyn ku samayn doonaa Xisbiga Waddani oo dhowaan isaggu diyaarinaya inuu ka qaybgalo guulona ka keeno doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada.
Siyaasi Feysal Cabdiraxmaan Maxamuud waxa uu hore xilal kala duwan uga soo qabtay Xisbiga New Ucid, iyo sidoo kale Xisbiga Kulmiye, waxanu kamid ahaa dadkii naf iyo maalba kusoo saaray Madaxweyne Muuse Biixi, hase-yeeshee sii daawan kari waayay qaab hoggaamineedka Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo mudooyinkii u dambeeyey ahaa mucaarid is bedel doon ah, Siyaasi Faysal Cabdiraxmaan Maxamuud, waa aqoonyahan karti iyo dedaal badan isku darsday waxana la filayaa in isbedel weyn ku sameeyo Xisbiga Waddani gaar agaan qaraabada Yurub.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured