Xogo Xasaasiya oo Ku Saabsan Safarkii Xildhibaan Maxamed Abiib ee Jabuuti

0
Monday July 22, 2024 - 21:27:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Xasaasiya oo Ku Saabsan Safarkii Xildhibaan Maxamed Abiib ee Jabuuti

    Xogo Xasaasiya oo Ku Saabsan Safarkii Xildhibaan Maxamed Abiib ee Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Xasaasiya oo Ku Saabsan Safarkii Xildhibaan Maxamed Abiib ee Jabuuti
Hargeysa(Xogreeb.com)-ilo-wareedyo xog-ogaal ah, oo ay heshay Warbaahinta Xogreeb Media, ayaa sheegaya xogo muhiim ah oo la xidhiidha socdaalkii dhowaan uu Jabuuti ku tagay Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah golaha Wakiillada Somaliland. 
Socdaalka Xildhibaan Maxamed Abiib ee Jabuuti, ayaa ahaa mid sii qorsheyn, isla markaana laga qariyay Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Safaarada Somaliland ee Jabuuti, taas bedelkeedana waxa xoggaha lagu sheegay inay qaban-qaabinaysay Safaaradda Somaliya iyo madaxa Protocol Wasaaradda Arrimaha dibada ee Jabuut iyo Nin lagu magacaabo Abiib Muuse Farah oo ah first  Secretary Safaarada Somalia ee Djibouti, Safarkii Jabuuti ee Xildhibaan Maxamed Abiib waxa nusdambeed u ahaa Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.
Xildhibaan Maxamed Abiib, waxa Madaarka Jabuuti kusoo dhoweeyey, isla markaana ka qaaday Nin Protocol Arimaha dibada Djibouti ka socda, kaasoo geeyey Guriga Wasiirka Maaliyadda Jabuuti. 
Xildhibaan Maxamed Abiib mudadii u joogay Jabuuti waxa uu kulan kula yeeshay Safaarada Somaliya ee Jabuuti Safiirka Somaliya, Salaad Cali Jeele iyo masuuliyiin kale oo kamid ah dawlada Jabuuti, iyadoo sidoo kalena kulankaa uu ku wehelinayay Ninka lagu magacaabo Abiib muuse Farah oo ah first  Secretary Safaarada Somalia ee Djibouti.  Ninkaas oo ah shaqsiga isku xidha ama ururiya dadka cadaawada u qabaa Somaliland, oo ay kamid yihiin kooxda Isku magacowda Khaatumo  iyo sidoo kale Awdal, Abiib Muuse Faarax, oo hore looga soo mastaafuriyay Waddamada Carbeed ee Qadar iyo Kuwait, hase-yeeshee xoguhuu waxay tibaxeen in si waste ah lagu keenay Jabuuti iyo Safaarada Somaliya ee dalkaas. 
Xoggaha la xidhiidha Ninka lagu magacaabo Abiib Muuse Farah, ayaa sheegaya inuu safaro ku yimaado Somaliland, hase-yeeshee lama oggaa waxa ay laamaha amniga Somaliland u qaban waayeen shaqsigan ay buux dhaafisay cadaawada Somaliland. 
Si kastaba ha ahaatee Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa wajahaaya Eeddaha Xeer Ilaalinta Somaliland kusoo oogtay, kuwasoo dhowaan golaha Wakiillada Somaliland ka garqaadi doono in xilka xayuumin lagu sameeyo iyo in kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured