Maamulka Baanka Dhexe Ee Somaliland Miyaanay La Socon Sarif Bararka Uu Dalkii Galay Mise Waa Ka Aqoon Darro Xaalada Uu Ku Sugan Yahay Suqayadii Maaliyada Dalku. W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

0
Monday July 22, 2024 - 21:23:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Baanka Dhexe Ee Somaliland Miyaanay La Socon Sarif Bararka Uu Dalkii Galay Mise Waa Ka Aqoon Darro Xaalada Uu Ku Sugan Yahay Suqayadii Maaliyada Dalku. W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

    Maamulka Baanka Dhexe Ee Somaliland Miyaanay La Socon Sarif Bararka Uu Dalkii Galay Mise Waa Ka Aqoon Darro Xaalada Uu Ku Sugan Yahay Suqayadii Maaliyada Dalku. W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Baanka Dhexe Ee Somaliland Miyaanay La Socon Sarif Bararka Uu Dalkii Galay Mise Waa Ka Aqoon Darro Xaalada Uu Ku Sugan Yahay Suqayadii Maaliyada Dalku. W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine
Baanka dhexe ee Somaliland iyo maamulkiisu waxay ku fashilmeen dajinta iyo fadhiisinta qiimaha isku badalka lacagaha qalaad iyo lacagta dalka, gaarahaan isku badalka dollarka iyo Slshka madaama iibsashada dollarku (gacanta danbe) ay marayso qiimo aad u qaali taas oo subax walba qiimihiisu kordhayo iyadoo haayadii u xilsaarnayd aad moodo inay indhaha un ka daawanayso.
Haayad walba waxaa jiheeya hadba maamulka loo soo magaacaabo ama loo doorto kuwaas oo ujeexa dariiq cusub ama dardar galiya mid hore usocday si ay hormar la taaban karo ugaadho si ay u xaqiijiso yoolkii loo abuuray, inuu guushaa maamulka haayadiisa gaadho waxaa u fududayn kara isagoo qaada talaabooyinka hoos ku xusan kuwaas oo kala ah daadaal, daacadnimo, hawalkarnimo iyo inuu la shaqeeyo dadka aqoonta dheeraadka ah u leh si uu aqoon kordhsi uga helo, maamulka Baanka dhexe Somaliland oo ugu horeeyo Guddomiyaha hayadaas Dr Cali Cabdilaahi Daahir, Guddomiye ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Iyo Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Qaasim Xuseen oo ah saddexda shaqsi ee ugu sareeya hogaaminta Baanka dhexe Somaliland way ku fashilmeen marka loo eego Sarif bararka uu dalkii galay iyagoo tahali waayay inay fadhiisiyaan qiimaha isku badalka lacagaha qalaad iyo lacagta dalka.
Fashilka shaqo iyo maamul xumada dul hoganaysa baanka dhexe waxaa ka mid ah inaanu lacag dollar ah soo galin suuqa sarifka muddo ku siman sideed bilood, iyadoo ay ugu danbaysay 18dec 2023 lacagtaas oo wax ka badashay heerka uu maryay sarifka dalku taas badalkeedana la xareeyay lacago badan slsh, maalintaa wixii ka danbeeyay baanka dhexe wax lacag dollar muu soo galin suuqa maaliyada marka laga reebo inuu suuq madow oo qiimihiisu sareeyo uu kaga soo iibiyo sariflaayaasha dalka kuwaas oo iyaguna bulshada kaga iibiya qiime aad uqaaliya.
Caawa oo ay tariikhdu tahay 24/7/2024 qiimaha $100 waxa laygu badalay 955000sls, halka fariintii maalin laha ahay ee uu soo diri jiray baanka dhexe waxay ahayd in qiimaha isku badalka ee iibsiga dollarku ama gacanta danbe aanu dhaafi Karin 910000slsh, farqiga udhexeeya qiimaha isku bedelka ee uu sida maalinlahaa uu usoo diro Baanka dhexe iyo qiimaha caadiga ee uu suuqa ka marayo waxaa udhexeeya 45000slsh taas oo ku tusaysa heerka uu gaadhsiisanyahay maamul xumada dul hoganaysa hayadaas, iyadoo agaasimihii loo xilsaaray inuu la socoda dhaqdhaqaaqa suuq maaliyadu uu isku badalay dhiirigaliye iyo dalxiise aan fadhiisanayn goobtiisii shaqada.
Agaasimaha Baanka dhexe Mudane Maxamed Qaasim Xuseen oo ah mishiinka kala hagi lahaa suuqyada maaliyada dalku shaqadiisii wuxuu ku soo koobay inuu noqodo dhiirigaliye (encourager) kaas oo dhalinyarada Somaaliland ku dhiirigaliya inay qaranka ushaqeeyaan "Qof kasta oo dhallinyar ah oo qarankiisa u shaqaynayaa wuu ka jaanis fiican yahay cid walba oo waxa uu helay fursad aad muhiima. Dadaal iyo daacadnimo aynu ugu adeegno qarankeenna..…” madaama uu ku fashilmay shaqadii uu bulshada u hayay waxa uu adeegsadaa hadalo macmacaan si dadku umoodaan inuu daacad uyahay.
WABILAAHI TAWFIIQ


W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured