Hoggaanka KULMIYE oo soo dhaweeyey Masuuliyiin iyo taageerayaal ay Hoggaaminayso Marwo Samsam Qaran oo kasoo digo-rogtay xisbiga WADDANI

0
Wednesday July 17, 2024 - 09:20:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka KULMIYE oo soo dhaweeyey Masuuliyiin iyo taageerayaal ay Hoggaaminayso Marwo Samsam Qaran oo kasoo digo-rogtay xisbiga WADDANI

    Hoggaanka KULMIYE oo soo dhaweeyey Masuuliyiin iyo taageerayaal ay Hoggaaminayso Marwo Samsam Qaran oo kasoo digo-rogtay xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka KULMIYE oo soo dhaweeyey Masuuliyiin iyo taageerayaal ay Hoggaaminayso Marwo Samsam Qaran oo kasoo digo-rogtay xisbiga WADDANI
Hargeysa:16/07/2024(Xogreeb.com)-Hoggaanka saree e xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo xisbigu kusoo dhaweynayey xubno katirsan garabka haweenka xisbiga WADDANI iyo taageerayaal tiro badan oo ay hoggaaminayso marwo Samsam Diiriye Suudi (Samsam qaran), kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbul-xaakimka KULMIYE.

Munaasibad si weyn loo agaasimay oo xisbigu kusoo dhaweynayey masuuliyiinta iyo taageerayaasha kasoo digo rogtay xisbiga WADDANI, kuna soo biiray KULMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, madaxda heer qaran ee garabka haweenka, hoggaanka xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex, madax katirsan kala duwan oo xisbiga katirsan, wasiirro, madax katirsan hay’adaha madaxa bannaan, masuuliyiinta lasoo dhaweynayey ee ay hoggaaminayso marwo Samsam Qaran iyo taageerayaal tiro badan.


Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay siyaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo soo dhaweeyey xubnaha kasoo digo-rogtay WADDANI ee KULMIYE kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana ay sheegeen inay yimaadeen madal loo siman yahay oo aan la kala lahayn.

 Qaar kamid ah haweenka xilalka kala duwan ka haya xisbiga KULMIYE oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey xubnaha xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxana ay caddeeyeen in codka iyo cududdoodaba loo baahan yahay.
Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo isugu jira wasiirro iyo wasiir-ku-xigeenno, ayaa sidoo kale soo dhaweeyey madaxda iyo taageerayaasha tirada badan ee xisbiga kusoo biiray.

Marwo Samsam Diiriye Suudi oo hoggaaminaysay taageerayaasha iyo masuuliyiinta kasoo digo-rogtay WADDANI ee caawa KULMIYE lagu soo dhaweeyey oo halkaas hadal dheer ka jeedisay, ayaa shaacisay in sababta ay KULMIYE ugu soo biirtay tahay qarannimo jacaylka iyo difaaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay eedo culus u jeedisay xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaantay mid u heellan cadaawadda iyo burburinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa dhankiisa si diirran xisbiga KULMIYE ugu soo dhaweeyey marwo Samsam Qaran iyo taageerayaasheeda, waxana uu xusay inuu kalsooni badan ku qabo taageerada luxdan ee ay wadato.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahan wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si kal iyo laab ah xisbiga ugu soo dhaweeyey marwo Samsam Qaran, xubnaha ay wadato iyo taageerayaasheedaba, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay timi madal iyo xisbi cid kasta oo kusoo biirtaa ay xuquuq siman leedahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured