Gudoomiye Xirsi Oo ka Cadhooday Shuruudo Siyaasi Maxamuud Xaashi ku Xidhay Isbahaysiga Kaah iyo Waddani...

0
Friday July 12, 2024 - 23:36:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xirsi Oo ka Cadhooday Shuruudo Siyaasi Maxamuud Xaashi ku Xidhay Isbahaysiga Kaah iyo Waddani...

    Gudoomiye Xirsi Oo ka Cadhooday Shuruudo Siyaasi Maxamuud Xaashi ku Xidhay Isbahaysiga Kaah iyo Waddani...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Xirsi Oo ka Cadhooday Shuruudo Siyaasi Maxamuud Xaashi ku Xidhay Isbahaysiga Kaah iyo Waddani...
Gudoomiye Xirsi ayaa Ka Duday Wadahadalo u Bilaabmaya Guddida Beelaha Garxajis Iyo Urur Siyaasadeedka Kaah oo uu gadhwadeen ka yahay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wajigii koowaad ee wadahalada kulankaasi ayaa dhacay todobaadkan, iyadoo lagu heshiiyay in qaabka wada hadaladdu noqdaan qaab beelaysan, isla markaana meesha laga saaro Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, taas bedelkeedana loo galo Beesha Muuse Abokor Habar-jeclo iyo Beelweynta Garxajis.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi, oo mudooyinkii u dambeeyey la marsiin waayay in isbahaysigaa Kaah iyo Waddani lagu galo heshiis, ayaa si cad u diiday in Xisbiga Waddani Gudoomiyihiisa qayb ka ahaado heshiiska. Waxaanu ku adkaystay hadii uu heshiis isbahaysi cid la gelayo uu yahay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro iyo Beeshiisa.
Siyaasi Maxamuud Xaashi waxa u si cad ugu sheegay musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro in aanu xiiso iyo nacayb uu u hayo Kulmiye ula samaysanayn isbahaysigaa, balse uu Beesha Garxajis ka doonayo inay Taageero iyo Codba siiyaan Urur Siyaasadeedka Kaah, taas bedelkeeda na ay Beesha Muuse Abokor Habar-jeclo Codka Madaxweynenimada siin doonto Musharaxa Xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro. 
Qorshaha doonista Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi uu ku tilmaamay ii xoq aan kuu xoqee ayuu muddo la meeraysanayay Musharaxa Xisbiga Wadani Cirro, isagoo aan ka qaybgelin Gudoomiyaha Xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa todobaadkan go'aan saday inuu fuliyo dalabka Gudoomiyaha Ururka Kaah, waxanu u gudbiyay xubnaha nusdambeedka Xisbiga ah, isla markaana lagu magacaabo guddida Beelaha Garxajis, kuwasoo soo xulay 6 xubnood oo wadahadallada iyo Qodobada heshiiska uu gudoomiyaha Ururka Kaah iyo musharaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani dhexmaraya ay Asingmebt ahaan u qaataan, nuxurka wadahadalladaasina ay noqonayso in Codka Beesha Garxajis siiso Urur Siyaasadeedka Kaah, halka Codka Musharaxa Madaxweyne ay beesha Maxamuud Xaashi siin doonto Cabdiraxmaan Cirro.
Si kastaba ha ahaatee, Wararka Xoggaha ay Warbaahinta Xogreeb Media helayso ayaa intaa ku daraya in Isbahaysigaa siyaasadeed ee Musharaxa Xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha Ururka Kaah dhexmaraya uu si weyn uga didsan yahay Gudoomiyaha Xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured