Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay in lasoo Afjaro Xiisada ka Taagnayd Deegaanka Bulaxaar...

0
Friday July 12, 2024 - 23:32:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay in lasoo Afjaro Xiisada ka Taagnayd Deegaanka Bulaxaar...

    Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay in lasoo Afjaro Xiisada ka Taagnayd Deegaanka Bulaxaar...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay in lasoo Afjaro Xiisada ka Taagnayd Deegaanka Bulaxaar... Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku guulaysta inay damiso shaqaaqo todobaadyadii lasoo dhaafay ka taagnayd deegaanka Bulaxaar, taasoo u dhaxaysay dadka deegaanka iyo ganacsatado halkaas dhigtay Warshad ay sas ka qaadeen dadka deegaanku. 
Wafti Culus oo ay kamid yihiin Wasiirka arrimaha Bulshada Somaliland Cali Xoorxoor iyo Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi, oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo kamida ah dawlada, Cuqaal iyo Sulaadiin iyo waxgaraad ka deegaanka.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ahi,ayaa Xogreeb Media u sheegay in lagu guulaystay in is-faham laga gaadhay xiisada ka taagnayd deegaanka.
Sidoo kale wararku waxay sheegeen in halkaa lagu gaadhay qodobo hordhac ah. iyadoo loo balamay wajiga labaad ee wadahaladaas in lasii wadi doono, iyadoo ay soo afjarida khilaafka ay ku guulaysteen masuuliyiinta dawlada ee ay gadhwadeenka ka yihiin wasiirka arrimaha bulshada Cali Xoorxoor iyo Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi, wasiir ku xigeenka amniga, odayaal iyo waxgaraadka deegaanadaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured