"Muqdisho iyo kuwa Alshabaan isku furan yihiin oo middiba midka kale aanu doonayn in meesha laga saaro" Wasiir Maxamed Kaahin oo Eeddo u Jeediyay Wasiir hore oo u hadlay Somalia

0
Friday July 12, 2024 - 23:29:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muqdisho iyo kuwa Alshabaan isku furan yihiin oo middiba midka kale aanu doonayn in meesha laga saaro" Wasiir Maxamed Kaahin oo Eeddo u Jeediyay Wasiir hore oo u hadlay Somalia

    "Muqdisho iyo kuwa Alshabaan isku furan yihiin oo middiba midka kale aanu doonayn in meesha laga saaro" Wasiir Maxamed Kaahin oo Eeddo u Jeediyay Wasiir hore oo u hadlay Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muqdisho iyo kuwa Alshabaan isku furan yihiin oo middiba midka kale aanu doonayn in meesha laga saaro" Wasiir Maxamed Kaahin oo Eeddo u Jeediyay Wasiir hore oo u hadlay Somalia
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ahna la taliyihii hore ee dhinaca amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya uu gudbinayey farriin uu ka siday Xukuumadda Soomaaliya oo  lagu muujinayey  xidhiidhka ay la leedahay   kooxda Alshabaab.


Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sidaas ku caddeeyay farriin uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in waraysiga uu BBC-da siiyay Cabdi Siciid Muuse uu ka markhaati kacay cilaaqaadka ka dhexeeya xukuumadda Muqdisho iyo Kooxda Alshabaab oo in badan Xukuumadda Somaliland uga digtay xidhiidhkooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu xusay in Soomaaliya ku fashilantay inay dhicisayso heshiiska is-faham ee dhex maray JSL iyo Itoobiya, iyadoo taas beddelkeeda ku marmarsoonaysa inay cidhib tirayso Alshabaab, waxaanu ku dooday in la dagaalanka kooxdaas argagixiso ay ka go'an tahay oo kaliya ciidammada dalalka jaarka ah sida  Ethiopia, Kenya iyo Ciidanka nabad ilaalinta ee   ATMIS oo uu xusay in loo baahan yahay in lagu bogaadiyo dedaalkooda.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu iftiimiyay in waraysiga uu bixiyay masuulkaas ka tirsanaa Soomaaliya uu qiray  macluumaadkii Somaliland hore caalamka ugu sheegi jirtay sannado badan ka hor ee ku wajahnaa in albaabada xukuumadda Muqdisho iyo kuwa Alshabaan isku furan yihiin oo middiba midka kale aanu doonayn in meesha laga saaro.

Wasiirka daakhiliga Somaliland waxa uu intaas ku daray in caalamku bilaayiin doolar ku bixiyay la dagaalanka kooxdaas, hase yeeshee ay door aad u yar ka qabatay Dawladda Soomaaliya la dagaallanka argagixisada, taasi oo beesha caalamku ku daashay dhinacyadan iskaashigu ka dhexeeyo ee isku milmay.

Qalinkii : Cumar Maxamed Faarax


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured