Waxaynu Qirsanahay laga Soo bilaabo Dagaalkii Laas-caanood in Somaliland lagu Soo qaaday Dagaal is-bahaysi

0
Friday July 12, 2024 - 23:27:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaynu Qirsanahay laga Soo bilaabo Dagaalkii Laas-caanood in Somaliland lagu Soo qaaday Dagaal is-bahaysi

    Waxaynu Qirsanahay laga Soo bilaabo Dagaalkii Laas-caanood in Somaliland lagu Soo qaaday Dagaal is-bahaysi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu Qirsanahay laga Soo bilaabo Dagaalkii Laas-caanood in Somaliland lagu Soo qaaday Dagaal is-bahaysi Waxaynu Qirsanahay laga Soo bilaabo Dagaalkii Laas-caanood in Somaliland lagu Soo qaaday Dagaal is-bahaysi ah, oo ay wadeen Dad ku bahaysan, Colaada Somaliland oo weliba gacan weyn ka helaayey Somaliland Gudaheeda, Dagaalkaas .Guduhuna la odhan karo wuxuu ahaa ka ugu daraa ee wax-yeelada weyn geystay, ilaa iyo Maantana uu Socdo, nin baa laga hayey Sagaal nin Col maahee Samanyaha ayaaba iga Xun, Markasta ka Gudaha laga wado ee lagu garab siinayo dhinacyada ay Madax martay nacaybka Somaliland ayaa waxyeelo weyn ah.
Iyadoo Aan dagaalkaas gudaha iyo debeda ka socdaa Aanu Marnaba kala go'in, waxa Xaqiiq ah inay Dawlada Somaliland Haddana gaadhay waqtigii ay ugu dhawayd Inay Somaliland hesho Aqoonsi Buuxa, kana mid noqoto caalamka, oo Aduunka ka tirsan, waxay Somaliland Gaadhay Arrimaha loogu hadal haynta badan yahay ee Aduunka ka socda mid ka mid ah, waxay Somaliland gaadhay inay dawlado badan oo jiray ay maro- tuur noqdaan, meel ay marayaana is garan-waayeen, waxay noqotay faalada ugu weyn ee Aduunka dhex taala.


Haddaba Qaybta inaga midka ah, ee mar walba aan qarsan gacan siinta iyo is garabtaaga cadawga dalka kusoo duulay, waxay meelo badan ka yidhaahdaan xukumadu Maxay sheegan ee ay qabatay, iyagoo iska indho tiraaya Talaabada weyn ee laga qabtay Aqoonsiga Somaliland oo ahayd baahida inoogu weyn ee ina haysay sodon sano iyo dheeraad ayaa waxay maanta tahay arrinta Caalamka loogu dooda badan yahay, halkii awel ay ahayd in somaliland marka la yiraahdo la garan waayayey.

Maanta haddii aynu ahaan lahayn bulsho waxay doonaysaa u cadahay, oo ay u qiimaysan tahay himilada siyaasadeed ee Somaliland Albaabkeeda furtay Cid walibana ka hadlayso, ee keenaysa isbedelka dhaqaale, awoodeed guud ahaan Caalamka gaar ahaana barriga africa, afkeena kama Soo baxdeen, maxaa la qabtay, waxa la qabtay waxa Aduumkoo dhami maanta ka hadlaayo, ee ragna waali iyo miyir qab midna aanu ahayn.

Haddii aynaan ahayn dadkaa qiimayntoodu tahay reer hebel, dawlada jirtaana inoogu qiimaysnayn Dawlad reer hebel ah, iyo madaxweyne reer hebel ah, cidba lamaynu tartansiineen Dawlada hadda jirta iyada ayeynu dooran lahayn maanta. Laakiin waxaynu noqonay bulsho waxa bani aadamka kale qiimaynayo ee la wayn, aanay iyaga u qiimaysnayn.ee wax kale qiimo u leeyihiin.
Waxaad yaabaysaa marka aad wadanka ka baxdo ee aad dalka kuugu xiga gaadhid, ee waxa laga hadal hayaaba Somaliland inuu yahay aad aragto,iyo dalkaagii oo ay dhex-taalo Xisbi hebel oo reer hebel huteel hebel xaflad ugu qabtay. Iyo waxan dhaamin ayaad yaab u dhimanaysaa. 
Nin baa laga hayey Allahayow dadkayaga ama Sidayda ka dhig, Ama sidooda iga dhig..
Waa Bilahi Tawfiiq Kayd Cabdilahi Xandule. 
Halyey Hormuud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured