Dawlada Itoobiya oo Shaacisay Waqtiga la Dhamaystirayo Heshiiska Is-Afgarad ee MOUga Somaliland iyo Itoobiya....

0
Friday July 12, 2024 - 23:26:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya oo Shaacisay Waqtiga la Dhamaystirayo Heshiiska Is-Afgarad ee MOUga Somaliland iyo Itoobiya....

    Dawlada Itoobiya oo Shaacisay Waqtiga la Dhamaystirayo Heshiiska Is-Afgarad ee MOUga Somaliland iyo Itoobiya....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya oo Shaacisay Waqtiga la Dhamaystirayo Heshiiska Is-Afgarad ee MOUga Somaliland iyo Itoobiya.... Hargeysa(Xogreeb.com)-Afhayeen u hadlay Dawlada Itoobiya, ayaa sheegay in Xuduudaha dawlada Itoobiya la leedahay dalalka jaar oo dhan la xidhi doono, maalinta uu sida rasmiga ah loo saxeexayo heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Dawlada Itoobiya, waxa ay sheegtay in dhowaan si rasmiya, loo shaacin doono, waqtiga kama dambeeysta ee la dhamaystirayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ee ku salaysan wax is dhaafsiga, waxa kaloo masuulka u hadlay dawlada Itoobiya sheegay inuu qiimo weyn ugu fadhiyo dawlada Itoobiya heshiiska MOUga.
Afhayeenka u hadlay dawlada Itoobiya, ayaa si cad u sheegay waqtiga loo qoondeeyey ama Date ka, loo asteeyey in qalinka lagu duugo heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya dhowaan.
Sarkaalkan oo sidoo kale ah Afhayeenka Itoobiya ayaa u sheegay Arab World Press in Itoobiya ay soo xidhi doonto wadamada ay xadka wadaagaan ka hor dhamaystirka MoUga Itoobiya ay la saxiixatay Jamhuuriyada Somaliland. Malinta heshiska sida rasmiga ah qalinka logu dugaayo..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured