Adeega Xawilaada ee Taaj, oo Lagu Maxkamadeynayo California...

0
Sunday June 30, 2024 - 00:27:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adeega Xawilaada ee Taaj, oo Lagu Maxkamadeynayo California...

    Shirakada xawlaada Lacagta ee Taaj waxa ay qiratay dambi ah inay ku guul daraystay inay ka warbixiyo lacago la xawlay oo ka badan $10,000.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirakada xawlaada Lacagta ee Taaj waxa ay qiratay dambi ah inay ku guul daraystay inay ka warbixiyo lacago la xawlay oo ka badan $10,000.
Adeegga Taaj, ee dalka Maraykanka, oo ah mid ka mid ah ganacsiyada xawila lacagaha ee ugu kobaca badan Maraykanka, ayaa maxkamad federaal ah ka hor qiratay 26-kii Juun, iyada oo qiratay in ay ku guul dareysatay in ay soo sheegto dhaq-dhaqaaq lacageed oo ku lug leh in ka badan $10,000 oo lacagta Mareykanka ah sida uu qabo sharciga Bananka Secrecy Acti. Sida uu dhigayo sharciga sirta bangiga.
Waaxda Amniga Gudaha ee loo soo gaabiyo (HSI) oo baadhay kiiskan, ayaa sheegay in Taaj ay ku lug-yeelatay hawlgalo maaliyadeed oo aanay u haysan fasax oo ay ka fulisay California, iyo gobolo kale oo ku yaala Maraykanka. 
Laga bilaabo Novembar 2019, shirkaddu waxay gashay shirqool ganacsi kale oo ah xawilaado lacageed, oo la marsiiyay habka loo yaqaano MTB-1. adeega Taaj waxa uu u isticmaalay MTB-1 inuu lacago aanu ogolaansho u haysan uu u0 xawilo California.
adeegga Taaj, ayaa Macaamiishiisa California waxay u diri karaan lacago dibadda ah, iyaggoo sii dhexmaraya shirkad kale oo lagu magacaabo MTB-1, talaabadaas oo ah mid sharci daro ah, oo aanay u haysan wax ruqsad ah, isla markaana ah qarsoodi aanay dawladu ogaanayn dhaqdhaqaaqa xawilaadeed ee California
Noofambar 27, 2019, ilaa December. Taaj waxay dhexmarisay shirkada MTB-1, ee koonfurta California iyo meelo kaleba, lacag ka badan $700,000, taasoo aanay weligeed ku wargelin lacagta intaas le'eg ee ay xawileen dawlada Maraykanka, iyagoo sidoo kale sanaadkii 2020, qirtay in lacag gaadhaysa $900,000 oo Dollar, ay Taaj u Xawiishay, wadamada bariga dhexe, iyagoo isticmaalaya Shirkada MTB-1, ayaan xataa lagu wargelin dawlada Maraykanka lacagta ay iswadaarsanayaan ama isdhexmarinayaan labadan Shirkadood, hase-yeeshee, wixii ka dambeeyay Xanuunkii COVID-19, isla markaana u khalkhal ku yimi duulimaadyadii ganacsi ee caalamiga ahaa, Adeegga Taaj ma awoodin in lacago si toosa ah loogu diro, taas bedelkeedana Taaj waxay bilowday inay isticmaasho, Accounada bangi ee MTB-1, si ay dibada lacago ugu xawilaan.
Taaj, waxay lacago ku shubtaa, xisaabaha bangi ee Shirkada MTB-1, kadibna MTB-1 waxay si Electricnica ah, ay lacagta u dhexmarisaa, iyadoo wakiilka ah Taaj, waxana lagu qiyaasay lacagta ay Taaj nidaamka noocaas ah ku gudbisay 66 Milyan oo dollar.
Kaaliyaha Xeer Ilaalinta Maraykanka Michael A. Deshong,
 Carl F. Brooker IV, iyo Christopher Beeler, ayaa dacwad oogge ka ah, kiiskan, waxanay eedahan shirkada Taaj ku wajihii kartaa xukun 5 sanno ah, iyo ganax lacageed oo ka bilaabmaya 250-kun oo dollar. 


https://hoodline.com/2024/06/taaj-services-us-llc-admits-to-circumventing-financial-regulations-agrees-to-forfeit-funds-in-guilty-plea/



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured