Dawlada Itoobiya oo Beenis Warqad Been ah oo Laga Faafiyay Heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya....

0
Thursday June 27, 2024 - 00:28:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya oo Beenis Warqad Been ah oo Laga Faafiyay Heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya....

    Dawlada Itoobiya oo Beenis Warqad Been ah oo Laga Faafiyay Heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya oo Beenis Warqad Been ah oo Laga Faafiyay Heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya.... Addis-sababa (Xogreeb.com)-Xafiiska Ra'iisal wasaaraaha itoobiya ayaa dadweynaha itoobiya uga digay in aanay rumaysanin waraaqaha been abuurka ah ee laga faafiyey heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo itoobiya.
Xafiiska Raysal Wasaaraha, ayaa bulshada ugu baaqay inay rumaystan Warar rasmiga ah ee laga sii daayo Warbaahinta Itoobiya. waxa kaloo Xafiisku tilmaamay in Wararka lagu faafiyay baraha Enterka uu yahay been cad, oo lagu dacayadaynayo xidhiidhka Saaxibtimo ee Somaliland iyo Itoobiya, iyo weliba heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.
Warka Xafiiska Ra'iisal wasaaraaha itoobiya, ayaa u dhigan sidan.


"Xafiiska Ra'iisul wasaaruhu wuxuu kula talinayaa dadweynaha in ay ka digtoonaadaan waxyaabaha been abuurka ah ee lagu faafinaayo internentka kaas oo ku saabsan is-afgaradkii Somaliland iyo Ethopia. 

Isgaadhsiinta rasmiga ah ee arrimaha gudaha iyo gobalku waxay keliya oo ay maraan kanaaalada rasmiga ah ee warbaahinteena. 
Ka digtoonaada waxayaabaha been abuurka ah ee sida khaldan u isticmaalaaya sumadayada." 
Si kastaba ahaatee dawlada Itoobiya ayaa si degdeg ah uga jawaabtay Warqada been abuurka ah, ee laga faafiyay heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, talaadaas ayaa cadaynaysaa sida ay dawlada Itoobiya uga go'aan tahay inuu degdeg u guulaysto heshiiskaa, isla markaana waxa ay u helaan tahay aqoonsiga iyo wax is dhaafsiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured