Siyaasi Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Shacabka Somaliland ku Hambalyey Xuska 26-juun. Kana Hadlay Dariiqa Aqoonsiga iyo Khayraadka ku Duugan....

0
Wednesday June 26, 2024 - 04:21:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Shacabka Somaliland ku Hambalyey Xuska 26-juun. Kana Hadlay Dariiqa Aqoonsiga iyo Khayraadka ku Duugan....

    Siyaasi Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Shacabka Somaliland ku Hambalyey Xuska 26-juun. Kana Hadlay Dariiqa Aqoonsiga iyo Khayraadka ku Duugan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Shacabka Somaliland ku Hambalyey Xuska 26-juun. Kana Hadlay Dariiqa Aqoonsiga iyo Khayraadka ku Duugan....
Ummadda Somaliland Ee Qaaliga Ah
Aad iyo add baan idiin salaamayaa meel aad, joogtaanba; Qalbigaa idin jecel, 
Maalin qiimo leh baynnu xusaynnaa, ku faraxsannahay, oo aynnu soo dhaweyneynnaa. Waa
26kii Juun 2024 ayaan xusaynnaa, innagoo ka wadadheregsan qiimaha iyo qaayaha ay leedahay.
Maalmaha lammaanaha ee qaran bay ka mid tahay (18ka May iyo 26ka June).
Waxan qabaa inaad dammaanshaadkaa u diyaar tihiin qof ama qolo kasta itaalkeed iyo awooddeed. Way innoo dhici xafladaha xuska 26 June 2024 gudo
iyo debedba, si qurux badan, farxad badani ku dheehan tahay oo nabadgelyo leh.
Walaalayaal illaa maalintii dhulkeenna Somaliland
isticmaatkii Ingiriisku cagtasoo dhigay illaa maanta
waa taarikhdheer oo hodan ah, kana buuxda dhacdooyin farxadda iyo murugadu malaha ay siman
yihiin.
Waxan idiin hubaan in taariikhdaasi tahay kulmisa guulo waaweyn oo aynnu ku faannk iyo luggooyooyin ama fashilaado, intaba aan wax badan ka barannay, himmaddeenna kor u qaaday, innaguna


 kordhiyey inaad artimaha masiiriga ah ee garankeenna aan si qotodheer, waayoaragnimo leh,
DJIBOUTU
MS SEMares.com REPUBLIC OF SOMALILAND
ETHIOPIA
GULF OF BERBERA
taxaddar lehna uga boganno doodaha marba inna
horyaal intaynnaan qaadan go'aannada lagama
maarmaanka ah ee aynnu ku durkinaynaynno
himiladeenna, ku adkaynaynno jiritaanka
garankeenna, uguna gudbaynno marxalado cusub iyo isbeddello la taaban karo.
Walaalayaan maanta waan wada garanaynnaa baaxadda dhulkeenna (176,120 km2 (68,000 sq mi).
Tirada dadkeenna: 1960 (650,000); 2024 (6.5 million). Waxa kaloo aan si fiican u garanaynnaa
baaxadda khayraadka istraatijiga ee uu koobsaday dhulkeennu:
1. Badda Cas oo kharaad badeed oo ballaadhan,
kaka duduwan, welina aynnaan darin malqaacadi ka buuxaan.
2. Shidaal iyo macaadin oo aad u badan oo qiima
SOMALILA|

 suuq oo sare oo calamiya leh, sidaasoo kalena weli aynaan malqaacad darin.
3. Xoolaha nool noocyadooda kala duwan oo aad u badan iyo dhul lagu dhaqo kii ugu habboonaa.
4. Fursado ganacsi oo ballaadhan welina aynnaan
wada malgashan iyo ganacsato ku casbaxday
shaqada ganacsiga, hantida ay leryihiinna iyo tiradooduna aad u dhiirrigelinayaan soo
jiidashada ganacsi ballaadhan oo dalkeennu hoggaamiyo Geeska &Bariga Africa.
5. Bulsho aqoon iyo karti shaqo oo badan leh, durbana muujisay sida ay uga midho dhalin karaan
maalgashiga kaabayaasha gaarka ah iyo kuwa
caamka ah, suuro gelina kara dhaqaale maxalli ah oo taabbagal noqda.
6. Xidhiidh taabbagal ah iyo door firfircoon oo innooga merl maray mandaqadda Geeska &Bariga Afrika iyo sidoo kale xidhiidh iskaashi iyo ganacsi taabbagal ah oo aynnu la samaynnay waddamo badan.
.7 Arlo dalxiiska noocyadiisa kala duwan laga hirgelin karo, sidaana aan ku so9 jiidan karno

 dhaqaale iyo xidhiidho caalami ah oo cusub oo waxtar ballaadhan u yeesha dalkeenna.
Intaa markaan soo dhaafo walaalayaal, waxan idiin xaqiijinayaa in waqtigii cabsida iyo wetwerku
bulshadeenna soo waajahay dhammaaday maantana aan qabno kalsooni aad u weyn 0o
caalamku giray, artimo badan oo amniga, adeegyada iyo buuxinta baahiyajaaasaasiga aynnaan cidna u
daba fadhiyin. Ma jirto sidoo kale baqdin la xidhiidha
degenaanshaha bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed oo inna gilgili karta sidabadan. Waxaynnu kala
barannay cadowgeenna iyo nasteexeenna waxana aynnu kasbannay muddadii 34 sannadoodahayd ee
aan ku naalloonaynay qarannimadeenna iyo dowladnimdeenna.
Walaalayaal Somaliland caalamkoo dhan baa yaqaan
maanra, haybad bayna ku djex leedahay saaxiibbadeeda heer gobol iyo caalami.
Baasaaboorka somaliland dalal badan baa visa siiya, soona dhaweeyamuwaaddiniinteenna safraysa.
Taasi waxay innoo fududaysay in dadkeennay ay u
suurogashay muraadsiga xagga caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsiga, wufuudda dalka

 dowladdiisa iyo hayadihiisa gaarka ahiba ay si fudud u gudan karayaan howlahooda iyo ka qaybalka munaasibadaha iyo shirarka goboleed iyo caalami. Waxan ognahay Somalia quus ka taagan tahay
carqaladayntii iyo aasiddii xuquuqda Somaliland dal ahaan. Waxa u dambeeyey oo tusaale loo soo qaadan karaa khilaafyadacirka iyo heshiiska Somaliland iyo Ethiopia oo ay Somalia guuldarro buuxda ka joogto maanta.
Walaalayaal ma doonayo in aan waqtigiinna qaato,
oo asn faahfaahin badan sii gudo galo, waayo waynnu ka wada dheregsannahay halka ay wax
innoo marayaan guud ahaan iyo isbeddellada
bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaalee dalku ku tallaabsaday. Waad ogtihiin in doorashadii
November 20w4 innagu soo socoto, gorshaheeguna cad yahay, howlgalladeedana ay gacanta ku hayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranku (GDQ). Waxa

 kaloo aad aad ula socotaan in ay soo dhawaadeen saxeexii heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia ee saldhiggadhul iyo helidda adeegga dekedda Berbera inshaa Allah iyo aqoonsiga Somaliland oo ah shardiga dowladdu ku aqbashay heshiiskaa.
Walaalayaal dhammaantiin hambalyo ayaan idin leeyahay meel aad joogtaanba. Maalintaa maalinteedana illaahay ha innagu gaadhsiiyo
caafimaad, horumar, bashbash iyo barwaaqo dhammaan.
Aad baad u mahadsan tihiin Somaliland Ha Noolaato
Walaalkiin.
Waa Bilahi Tawfiiq 
Shucayb Cabdilahi Xuseen
Shuaib Hussein


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured