Nuxurka Kulan Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland la Yeesheen Weftiga Koongarayska Maraykanka

0
Thursday June 20, 2024 - 01:17:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 95
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland la Yeesheen Weftiga Koongarayska Maraykanka

    Nuxurka Kulan Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland la Yeesheen Weftiga Koongarayska Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland la Yeesheen Weftiga Koongarayska Maraykanka
Hargeysa 19 June 2024 –(Xogreeb.com) – Madaxda saddexda xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa kulan muhiim ah caasimadda Hargeysa caawa kula yeeshay weftiga ka socda Aqalka Koongarayska Baarlamaanka Maraykanka ee ku sugan dalka Somaliland.
Kulanka oo ahaa is-xogwaraysi waxa qodobada ugu waaweyn ee lagaga wadahadlay ka mid ahaa; hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ammaanka Gobolka Geeska Afrika, heshiiska is-faham ee dhexmaray dawladaha Somaliland & Itoobiya iyo xoojinta iskaashiga dalalka Maraykanka iyo Somaliland.
Guud ahaan madaxda saddexda xisbi ee Somaliland waxay isku raaceen oo weftiga uga warrameen heerarkii ay soo martay Somaliland sida dawlad-dhiskii, hirgelinta nabadgalyada iyo hannaanka dimuqraadiyadda oo dhammaantood ay reer Somaliland kelidooda hirgeliyeen iyagoo aan wax taageero ah habayaraatee ka helin beesha caalamka, iyadoo waqtigana dimuqraadiyadda iyo ammaanka Somaliland loo tixgeliyo inay yihiin kuwa ugu horreeya qaaradda Afrika. Sidaa darteedna looga baahan yahay dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee dimuqraadiga ah inay taageero ka gaystaan sidii hannaankaasi u sii guulaysan lahaa.
Waxa kaloo masuuliyiinta axsaabta Somaliland uga warrameen weftiga kaalinta Somaliland ku leedahay ilaalinta nabadgalyada Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba, waxaana si gaar ah loo xusay muhiimada uu gobolka u leeyahay heshiiska Is-afgarad ee dhawaan dhexmaray waddamada Somalialnd iyo Itoobiya, kaas oo ku abuuray dawladda Soomaaliya ee ka talisa Muqdisho inay muujisato cadaawada qaawan ee ay u hayso shacabka reer Somaliland iyo inay ka shaqayso ammaan-darro ka dhacda gobolka.
Dhankooda xubnaha weftiga ka socda Golaha Koongarayska ee Baarlamanka Maraykanku waxay bogaadiyeen guulaha waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay, iyagoo qiray in aanay reer Somaliland kaalintii taageero ee ay xaqa u lahaayeen ka helin beesha caalamka. Sidoo kalena, waxay soo dhaweeyeen iskaashi buuxa oo dhexmara dalkooda iyo Somaliland.
Kulankan oo saddexda xisbi ay uga kala qaybgaleen masuuliyiin kala duwani waxa dhanka xisbiga KULMIYE ku matalayey Guddoomiyaha xisbiga, ahna Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 4aad, ahna Wasiirka Ganacsiga Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).


Cali Jaamac Maxamed 
Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured