Gudoomiye-ku-xigeenka KULMIYE oo Casho-sharaf ku maamuusay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga ee gobolka Togdheer

0
Monday June 10, 2024 - 00:33:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye-ku-xigeenka KULMIYE oo Casho-sharaf ku maamuusay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga ee gobolka Togdheer

    Gudoomiye-ku-xigeenka KULMIYE oo Casho-sharaf ku maamuusay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga ee gobolka Togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye-ku-xigeenka KULMIYE oo Casho-sharaf ku maamuusay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga ee gobolka Togdheer
Burco:09/06/2024(Xogreeb.com)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaga iyo wefti ka socda hoggaanka xisbigu muddooyinkanba safar shaqo ku joogeen qaar kamid ah deegaannada bariga dalka, ayaa caawa casho-sharaf ku maamuusay qaar kamid ah taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Togdheer.
Munaasibadda cashada ah waxa hadallo mahadnaq ah ka jeediyey madaxda xisbiga ee heer gobol iyo heer degmo iyo taageerayaashii madasha lagu casuumay, waxana ay guddoomiyaha uga mahadnaqeen sida uu u sharfay iyo tixgelinta gaar ahaaneed ee uu siiyey.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa taageerayaasha madasha ku sugnaa uga mahadnaqay sida ay usoo ajiibeen casuumadda, waxana uu kula darsaarmay inay sii xoojiyaan taageeradooda, isuna diyaariyaan sidii ay  xisbiga codkooda iyo cududdoodaba ula garab geli lahaayeen doorashooyinka inagu soo aaddan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured