Maxaad Kala Socotaa Fadeexadaha Maamul Ee Dul Hoganaya Wakiilka Somaliland Ufadhiya Kenya!

0
Sunday June 09, 2024 - 22:29:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Fadeexadaha Maamul Ee Dul Hoganaya Wakiilka Somaliland Ufadhiya Kenya!

    Maxaad Kala Socotaa Fadeexadaha Maamul Ee Dul Hoganaya Wakiilka Somaliland Ufadhiya Kenya!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Kala Socotaa Fadeexadaha Maamul Ee Dul Hoganaya Wakiilka Somaliland Ufadhiya Kenya!
Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya ayaa noqotay mid fadhiida oo ka gaabisay hawlihii qaranku u igmaday tan iyo intii xilka wakiilnimo loo magacaabay Amb Barwaani oo xilkani uu ahaa kii uhoreeyay ee loo magacaabo, iyadoo shaqadeeda la arko marka la qabanayo xafladaha xuska 18may iyo mark ay masuuliyiin xukuumada ka socdaa ay safar ku tagaan Nayroobi oo ay isku soo sawiraan xafiiska safaarada, iyadoo laga doonayay masuulka loo igamaday iyo xubnaha kale ee la shaqeeya in ay dadaalado dheeraada ugalaan sidii ay dawlada Kenya iyo wadamada shisheeye ee Kenya ku sugan ay uga samayn lahaayeen dadaalo ay kaga dhaadhiciyaan qadiyada Somaliland balse ay guud ahaan ku fashilmeen hawlihii ay u igamanaayeen
Hadaba Xogaha laga helayo Safiirka Somaliland ufadhiya dalka Kenya Amb Maxamed Barwaani oo mudo dhowr sano ah ahaa wakiilka Somaliland ufadhiya magaalada Nayroobi ayaa banaanka keenay fadeexado qaran oo dulhoganaya iyadoo lagu dhaliilay in uu ka gaabiyay shaqadii qaranku u igmaday isagoo kaga mashquulay arrimo ganacsi oo ugaara iyo gacan saaro uu la yeeshay madax ka katirsan dawlada Kenya oo uu kala shaqeeyo arrimo lidku ku ah masuuliyada uu Somaliland uhayo.
Sidoo kale xogaha laga helay wakiilka Somaliland ufadhiya dalka Kenya waxay tibaaxay in uu ku kacay falal qaranka halis ku ah isagoo shirar hoose magaalada nayroobi kula qaatay madax katirsan maamulka Somaliya oo uu gadhwadeen ka ahaa Rarysalwasaare kuxigeenka Somaliya Saalax kaasi oo sida xogahani tibaaxeen kulanka uu la qaatay uu ku weheliyay Mudane katirsan golaha wakiilada Somaliland wallow aan si cad loo ogaan arimaha ay ka wada hadleen iyo danaha ugu jira in uu xidhiidh la yeesho maamulka Xasan Sheikh oo iyagu halis ku ah qarrannimada Somaliland iyo dadaaladeeda aqoonsi raadinta.
Isku soo wado duub oo  wakiilka Somaliland ufadhiya dalka Kenya ayaa xukuumadda madaxwayne Biixi iyo masuuliyiinta wasaaradda arimaha dibada Somaliland looga fadhiyaa in ay si dhow ula socdaan masuulkan qarankii ay wakiilka uga dhigeen laga cabsi qabo in uu halis ku noqda islamarkaana xogtiisa ay suurto galka tahay in uu gudbiyo cadowgeeda, iyadoo dhanka kale ay si dhow dhaqdhaqaaqyadiisa ula socdaan shacabka Somaliland iyo aqoonyahanka isku xil saaray ilaalinta qarranimada Somaliland waana masuuliyad saaran ilaalinta jiritaanka Somaliland, qof kasta oo  kamid ah muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibaduba.
Aqoontasawiran@hotmail.com
A. A. Awil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured