Maxaa sababay in qudbad sanadeedka 2024 ee M/wayne muuse biixi ka hor-jeediyay labada gole in 82-kii mudane ee wakiilada ay soo xaadiraan 19-xdhildhibaan oo kaliya

0
Sunday June 09, 2024 - 22:16:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababay in qudbad sanadeedka 2024 ee M/wayne muuse biixi ka hor-jeediyay labada gole in 82-kii mudane ee wakiilada ay soo xaadiraan 19-xdhildhibaan oo kaliya

    Maxaa sababay in qudbad sanadeedka 2024 ee M/wayne muuse biixi ka hor-jeediyay labada gole in 82-kii mudane ee wakiilada ay soo xaadiraan 19-xdhildhibaan oo kaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa sababay in qudbad sanadeedka 2024 ee M/wayne muuse biixi ka hor-jeediyay labada gole in 82-kii mudane ee wakiilada ay soo xaadiraan 19-xdhildhibaan oo kaliya
Xildhibaan guurtida ah oo aan filayo in dayib uu magaciisu ahaa ayaa war-baahinta u sheegay in 82-kii mudane ee golaha wakiilada qudbad sanadeedkii m/waynaha 2024 ay soo xaadireen 19-xdhildhibaan oo kaliya
Markaa ka dib waxa aan xasuustay qisadan soo socota:-
Qof kasta oo bani'aadam ahi marka uu hadlayo xataa haddii uu hadalkiisaasi abuurayo turxaan ama naxli ama uu yahay hadal qofka ku hadla aan ku haboonayn oo wax u dhimaya waxa hubaal ah in qofka hadlaya uu rumaysan yahay in hadal lagu hadlo kii ugu wanaagsanaa oo aduun iyo aakhiraba faa'iido u leh uu ku hadlayo


Tusaale ahaan gabayada iyo heesaha marka aad dhagaysato waxa jira kuwo aad la yaabayso laakiin ninkii tiriyay isagu sida aad u aragto uma arko waxaanu rumaysan yahay in gabay ama hees la tiriyo oo wakhtigaa ka habooni aanu jirin

Qanigii ina dhaafay waxa jiray nin ka mid ahaa ragii gabayaaga ahaa ee xilligaa joogay oo xilliyada qaar isaga oo is leh wax wanaaji oo waxa aad tirisaa gabay amaan ah ayuu tirin jiray gabay haddii dhinaca kale la iska taago cay ah oo lagu kala kaco xilliyada qaar waxa uu ninkaasi caado u lahaa marka uu gabay tirinaayo in uu labada indhood isku qabto waxaanu indhaha kala qaadi jiray marka uu gabayga dhameeyo

Maalintii danbe ayaa ninkaa aan sheegayaa wuxuu damcay in uu guursado oo waliba uu doolaalo tago oo uu ka soo guursado reer deegaan ka durugsan reerkooda maadaama uu ka dareen qabay in gabayadiisa wax laga sheego isagana ay caado u ahayd halka uu gabaygu ku qabto in uu gabayga ka tiriyo xataa haddii uu isagu aroos yahay dhaqanka sida aynu ku naqaano ninka arooska ahi arooskiisa kama gabyo xataa haddii uu yahay nin kaalinta koowaad kaga jira gabayaaga soomaalida
Ninkaa aan sheegayaa waxa uu arintii u soo nandhigay nin ay xigto dhaw ahaayeen saaxiib isku dheer-na ahaayeen isagu-na uu ku raacay inta uu geel badan iibiyay ayaa la is raacay markii deegaankii lagu socday la gaadhay ee maalmo la joogay ayay labadii nin yimaadeen geed shaxda lagu ciyaaro waxaanay jeexdeen shax ay ciyaarayeen muddo saddex maalmood oo xidhiidh ah salaada casar ka dib

Halka ragii ee geedka shaxda ku ciyaarayay ay ku shaxayeen dhagxaan iyo laf-timireed waxa ay labadii nin ee dadab-dhiga ahaa saddexdii cisho maalin kasta ku shaxeen 24-rubood oo lacag ah oo ay dur iyo daabac u kala rogeen saddexdaa cisho maalin kasta marka ay shaxda dhameeyaan lacagta ma qaataan ee inta ay badhida boodhka ka tuntaan ayay lacagta ka tagaan waxaana lacagta kala booba ragii geedka joogay labadan nin waxay sitaan lacag badan muraad-na way leeyihiin oo rubadahan ay meesha kaga tagayaan waxba lama aha

Magaaladii oo isu-wada sheegtay labadii nin ishana ku haysa ayay maalin afraadii soo ban-dhigeen in ay dadab-dhig yihiin waxaana la siiyay oo loo meheriyay gabadh aad u qurux badan oo uu dhalay ninkii magaalada ugu magaca waynaa aroos aad u qiimo badan ayaa loo sameeyay wuxuu is-adkeeyo oo uu af-kiisa haystaba ninkii gabayaaga ahaa arooska-na ahaa babeenkii gaafka ee dadka ugu tirada badan ee rag iyo dumar-ba lihi ka soo qayb galayeen arooska ayuu maalin-nimadii sii dareemay in uu gabaygu caawa qabanayo oo aanu aamus-naan karayn
Ninkii min-xiiska ayaa ku yidhi muxuu ku saab-san yahay gabayga aad caawa doonayso in aad tiriso wuxuu ku jawaabay waa gabay aan ku amaanayo reerkan iyo deegaankan aynu la xidid-nay ee gabadha ina siiyay iyo aabaheed intaba wuxuu ku yidhi min-xiiskii bal waayahaye gabayga tiri aan kaa shaan-dheeyee gabaygii markii uu tiriyay wuxuu ku yidhi gabaygan iska daa saddex sababood dartood oo kala ah dhaqanka kuma jirto in ninku uu arooskiisa ka gabyo iyo gabaygan oo intii aad is-lahayd gabayga ku amaan wax-yeelo ayuu ku yahay iyo inaga oo aan deegaankeenii joogin dhibta uu u keeni karo gabaygaasi isla-markaana hawsha aynu halkan u joogno ee uu kharashka badani inagaga baxay oo dhibta soo gaadhi karta

Wuxuu ku jawaabay caawa waan ku dadaali in aanan gabaygaa tirin haddii-se gabaygu uu i qabto ma joojin karo ee waan tirinayaa markii habeenkii gaafkii la isugu yimid dadkiina ay soo wada xaadireen aroosadii-na ay goobta fadhido ayuu ninkii arooska ahaa kacay waxaanu yidhi gabay-baa i hayee hala i dhagaysto waxaanu sidii caadada u ahayd isku qabtay labada indhood illaa intii uu gabayga ka dhamay-nayay waxaanu goobta ka tiriyay gabay lagu sifayn karo kala kicii gurdumi ee xilligii sayid maxamed cabdulle xasan oo kale waxaana dadkii ay goobta ka dareereen intii uu gabayga tirinayay ee uu indhaha isku hayay
Ninkii arooska ahaa markii uu indhaha kala qaaday wuxu arkay aroosadii oo goobta ka maqan madashana ay fadhiyaan min-xiiskii iyo dad kale oo tiro-yar oo qaarkood ay qoslayaan qaar-na yaaban-yihiin hadaba su'aasha is-waydiinta u baahani waxa ay tahay ninkan odayga ah ee aynu ka wara-maynaa waxa uu indhaha isku qaban jiray oo kaliya marka uu gabaygu qabto 
M/wayne muuse biixi-se mudaddii tòdobada sano ahayd ee uu madax-waynaha ahaa ma labada indhood ayuu isku hayay illayn meella iskama waafaq-sana qudbad sanadeedka uu Madax-wayne muuse biixi ka hor-jeediyay labada gole baarlamaan iyo xaqiiqada jirta ee ay somaliland maanta taagan tahay iyo wax-qabad muuqda sidii xukuumadii siilaanyo ee ka horaysay iyo qodobada cusub ee uu Madax-waynuhu doonaayo in ay umadda somaliland mar kale ku doortaan
     W/Qoray Cabdirisaaq Suudi Nuur


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured