Somaliland Oo 30 Sano Xeerkii Bangiyada Ganacsiga Ka Furdaamin Kari La' Afar Xawaaladood.

0
Sunday June 02, 2024 - 23:03:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo 30 Sano Xeerkii Bangiyada Ganacsiga Ka Furdaamin Kari La' Afar Xawaaladood.

    Somaliland Oo 30 Sano Xeerkii Bangiyada Ganacsiga Ka Furdaamin Kari La' Afar Xawaaladood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo 30 Sano Xeerkii Bangiyada Ganacsiga Ka Furdaamin Kari La' Afar Xawaaladood. 33 sannaadood ee Somaliland jirtay, waxay samaynaysay korin bulsheed iyo koboc dhaqaale , waxana xoogaysanayay haayaddaha dawliga ah iyo kuwaa gaarka loo leeyahay, oo si isku mid ah uga soo gudbay marxalado kala duwan, oo waayahooda lahaa.
Hase-yeeshee sannooyinkii u dambeeyey oo dalka iyo dadkuba sameeyeen horumar Siyaasadeed iyo mid dhaqaale, ayaanay jirin wax Somaliland uga kordhay kawar-haynta iyo xogta ay ka heleen suuqyada iyo bananka caalamiga sida ay u shaqeeyan iyo faaiidooyinka ay u leeyihiin bulshada iyo ganacsiga, waxana Somaliland 33 kaa sanaadood cunaha kaga maran 4 Shirkadood, oo haba-yaraatee aan ogolayn in dalkan laga horgeliyo, Banan Ganacsi oo Caalamiya. kuwasoo marka qodobkaas lagu soo hadal qaado ula carara qaar kamid ah Culimada ay shuraakada yihiin, kuwasoo ugu fadwooda inaan dalkan looga baahnayn Banan ganacsi oo dalka iyo dadkaba wax kusoo kordhiyaa, maadaama oo ay iyaggu ka gaabiyeen inay bixiyaan adeegyadii looga baahna bananka ganacsiga.
Banaanka Ganacsiga, ayaa la isku waafaqsan yahay, inay yihiin Haayad Maaliyadeed oo bixiyaa Adeegyada ay kamidka yihiin Lacag dhigasho, amaah iyo maalgalin ay siiso dadweynaha si ay ganasciyadooda ugu maalgashadan.
4-ta Shirkadood ee shadoodu ahayd Adeegyada xawilaada lacagaha iyo isgaadhsiinta Telefoonada, ayaa tiraba dhowr jeer buuq ku furay, xeerkaa bananka ganacsiga, oo la horkeenay golaha Wakiillada, laguna soo daray ajandaha kal fadhiyada si loo meelmariyo, maadaama oo dadka dalkaba uu faaiido balaadhan u leeyahay xeerkaasi, oo la waafajinayo dastuurka JSL, oo sees u ah Diinta Islaamka.
Dhowr iyo sodonkii sanaadood ee u dambeeyey, shirkadahani waxay caadaysteen inay Xeerka Baananka ganacsiga ka faafiyaan dacaayado raqiis ah, kuwasoo lasoo booda Erayo ay ku durayaan oo ah Ribo, ayaa la ansixinayaa, iyadoo ujeedada dhabta ahi, tahay inaan suuqa lagula tartamin, oo ay kooto ku sii haystaan dhaqaalaha Umadda Somaliland.


Si kastaba ha ahaatee, golaha Wakiillada, ee xiligan oo at ku jiraan dhalinyaro aqoonyahan ah, oo waxbaratay 33 kii sanno ee u dambeeyay, ayaa looga fadhiyaa inay ku dhiiradan ansixinta xeerka Banyada ganacsiga, maadaama oo la isku raacsan yahay faaiido balaadhan dalka u leeyahay, sida ay ka marag kaceen qaar kamid ah Xildhibaanada golaha Wakiillada ee hore iyo kuwa hada jooga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured