Maxaad xal haysaa aan ku doortee?. Qalinkii Garyaqaan Guuleed Daafac

0
Friday May 31, 2024 - 03:24:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad xal haysaa aan ku doortee?. Qalinkii Garyaqaan Guuleed Daafac

    Maxaad xal haysaa aan ku doortee?. Qalinkii Garyaqaan Guuleed Daafac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad xal haysaa aan ku doortee?. Qalinkii Garyaqaan Guuleed Daafac
Somaliland waxa ay ka mid tahay:
1. Afarta goobood ee ugu faqiirsan Afrika.
2. Meesha ugu shaqaale la’aanta badan. 
Waxa aad u badan dadka ku nool wax ka hooseeya cabirka faqriga kiisa u daran lagu cabiro. Dadka inta gaajoonaysa ayaa ka badan inta wax ay cunto hesha sadexda waqti. Waxa hada u dheer:
1. Colaad;
2. Farogellin dabadeed.
3. Is-haysashada bulshada oo aad u liidata: bulsho aad u kala qaybsan.
4. Is-bedelka cimilada oo hallis badan ku haya.


Waxaas oo dhan waxa bar-bar socda dhibaato xagga adeegyada ah. Tusaale ahaan, shacabka waxa culays wayni ka haystaa adeegyada caafimaadka. Dadka intooda wax haysata waxa ay u doontaan caafimaadka debedda. Ka bilow Itoobiyaa ilaa Turki, Hindiya iyo Jarmal, qof iyo jeebkii. Inta badan ee sida aan sare ku soo sheegay faqrigu dishooday meel ay u dhaqaaqaan ma hayaan. Taas oo keentay in Somaliland ka mid tahay:
1. Goobaha ay ugu badan tahay umul aroorka iyo caruurta ku dhimata xilliga dhalmada.
2. Da’da ay dadku ku dhintaan oo aad u hoosaysa (life expectancy). 
Intaas yar ee aan ka taabtay dhibaatooyinka Somaliland haysta, ayaa ah kuwo leh mudnaanta iyo in laga hadlo oo qorsho loo raadiyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured