Xildhibaanada UK oo Diyaariyay Mooshin Ingiriisku ku Aqoonsanayo Somaliland...

0
Wednesday May 15, 2024 - 01:08:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada UK oo Diyaariyay Mooshin Ingiriisku ku Aqoonsanayo Somaliland...

    Xildhibaanada UK oo Diyaariyay Mooshin Ingiriisku ku Aqoonsanayo Somaliland...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada UK oo Diyaariyay Mooshin Ingiriisku ku Aqoonsanayo Somaliland...
UK(Xogreeb.com)-Xildhibaan Tiim-luufton, ayaa fadhi ay yeesheen Guddidayadda Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ka jeediyay khudbad ku saabsan muhiimadda ay leedahay, in Ingiriisku si dhab ah u aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxanu Xildhibaan Tiim-luufton intaa ku daray in si wanaagsan loogu diyaar-garoowo Mooshin dhowaan la horkeenayo baarlamaanka Ingiriiska, kaasoo si buuxda loogu aqoonsanayo Somaliland.
Mooshinka la horkeenayo Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa daba socda socdaal ay dhoowan ku yimaadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska dalka Jamhuuriyadda Somaliland, si ay indhahooda ugu soo arkaan Bisaylka Siyaasadeed, horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada ee dalka Somaliland. 
Xildhibaan Tiim-luufton, ayaa si badheedh ah u muujiyey taageerada uu u hayo Somaliland, iyadoo ay dhagaysanayeen guddiyadda Baarlamaanka Ingiriiska, waxanu sheegay in Mooshinku u horseedi doono aqoonsi Somaliland ay ka hesho Dawlada sharafta leh ee UK iyo inay dejiso waqtiga aqoonsiga Somaliland. 
Xildhibaanku waxa uu ku dooday muhiimadda uu leeyahay heshiiskii Is-afgaradka ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, isagoo iftiimiyay faaiidooyinka uu heshiiskaasi u leeyahay, dhamaan gobolka Ingiriiska, Maraykanka iyo guud ahaan gacanka Cadmeed.


"Dadka Somaliland waxay aad ugu heelan yihiin inay Beesha Caalamku inay aqoonsato, waxanay qaadeen talaabooyin badan, iyo isku dayo ay kamid tahay heshiiska isfahan ee ay la galeen dawlada Itoobiya iyo inay ka kireeyaan dekeda berbera, taasoo ku socota inay ka hormarto Dekeda Jabuuti, muhiimad balaadhana ugu fadhida guud ahaan gobolka Cadmeed iyo Geeska Afrika.
Heshiiska isfahan ee Itoobiya iyo Somaliland, ayaa si nabada ah loo lafo-gurayaa, waxana kamid ah dadka ku hawlan sharci yaqaano reer Somaliland ah, oo degen Britain, ayaa ka qayb ah, oo aan la kulmay markaan tahay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
Shuruuda ku xidhan heshiiskaasi, ayaa waxa kamid ah, in dalka Itoobiya si buuxda uu u aqoonsato Somaliland, iyaguna ay isticmaalaan Dekeda berbera iyo Saldhig Military oo Ciidamada bada ah. Talaabadanina waxay muhiim u tahay in aduunku dib u eeggo Somaliland"
dhinaca kale Xildhibaan Tiim-luufton, mar uu soo hadal qaaday  bada cas iyo Yemen, oo Biyahaasi yihiin kuwo mashquul badan oo ay carqaladeeyeen Xuuthiyiinta Yemen.
"Markaa inaggu waa inaynu isbahaysi degen ku yeelanaa geeska afrika, si gaar ahna waxay muhiim ugu tahay inay soo jiidato Ingiriiska,  Maraykanka iyo Yurub. markaa waa inaynu si dhab ah u qaadanaa Somaliland, sidii hore si ka badan".
gabogabadii Xildhibaan Tiim-luufton wuxuu xusay in Somaliland ay ahayd maxmiyad ingiriiska hoos tagi jirtay, shucuub faro badan oo kasoo jeedana halkan ay degen tahay, taasina waa ta tooshka ku ifinaysaa inaynu Somaliland si dhab ah u aqbalo. waxanay ku kala nool yihiin UK oo dhan, gaar ahaana Kardif, Baarnimham, Liverpool".
Sidoo kale Xildhibaan Tiim-luufton, ayay su'aalo waydiiyeen Xildhibaanada guddiyadda Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxa uu sheegay inaan laga aqoonsanayn waddamada Barwaaqo suuranka Dalka Ingiriiska, balse waxa uu sheegay in Somaliland xidhiidho la leedahay xafiisyo diblumaasiyadeedna uga furan yihiin wadamo badan.

Si kastaba ha ahaatee Mooshinkan oo ay taageerayaan xubno ka kala socda axsaabta siyaasadda dalka Ingiriiska, ayaa muujinaya sida ay dawladda Ingiriiska uga go’an tahay inay Somaliland wax la qabato, isla markaana wuxuu qeexayaa jadwalka iyo shuruudaha lagu aqoonsanayo Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured