"Bali-gubadle, Caynaba, Saylac, Oodweyne & inta kale ee la mid ka ah, Waa in darajadooda kor loo qaadaa lana gaadhsiiyaa Darajada A.". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Monday May 13, 2024 - 23:27:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Bali-gubadle, Caynaba, Saylac, Oodweyne & inta kale ee la mid ka ah, Waa in darajadooda kor loo qaadaa lana gaadhsiiyaa Darajada A.". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "Bali-gubadle, Caynaba, Saylac, Oodweyne & inta kale ee la mid ka ah, Waa in darajadooda kor loo qaadaa lana gaadhsiiyaa Darajada A.". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bali-gubadle, Caynaba, Saylac, Oodweyne & inta kale ee la mid ka ah, Waa in darajadooda kor loo qaadaa lana gaadhsiiyaa Darajada A.". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
"Hambalyo Gobolnimada Gabiilay oo la kowsanaysa Maalintii Qaranimada somaliland ee 18 ka May Waa Munaasibado is barkan, hambalyo hambalyo ayey reer Saaxil idin leeyihiin. kusoo dhawaada ka mid noqoshada Gobolada jamhuuriyada Soomaliland oo Gobolka Saaxil idinku soo Dhawaynaayo. haddii aad reer Gabiilay tihiin. Hambalyo, Hambalyo Hambalyo.
Sidoo kale Siyaasi Kayd oo qoraalkiisa sii wataa waxa ku yidhi.
"Waxaa dhibaato weyn ah, ninka marka hore Xubin Baarlamaan ahi oo ah Golihii Gacanta ku hayey Shuruucda Wadanku inuu Markuu hadlaayo Aanu Qiimaynin Shuruucda uu Dadka uga Masuulka yahay, Degmo Daradeedu C tahay Gobolka loo Magacaabay Waa Wax aan Sax ahayn, Waxaa Gobol u Gudubta Degmo Darajadeedu Tahay A, oo ka Soo gudubtay D, C, & B, Marka la rabo In Degmo C, Ama B darajadeedu tahay in Gobol buuxa loo magacaabo, Waa in horta Derejadeeda A la soo gaadhsiiyo, kadibna lagu gudbiya inay tahay Gobol buuxiyey Dhamaan shardiyadii looga baahnaa Gobolnimo.


Marka bali gubadle, Caynaba, Hawd & inta kale ee la mid ka ah, Waa in darajadooda kor loo qaadaa lana gaadhsiiyaa Darajada A. Wixii ka dambeeyana Qiimaynta dambe lagu gudbiyaa gobolnimo buuxa. Waa ayaan-daro in Ninka baarlamaanka ahina sidii Odayaasha reer miyiga isaga hadlo oo uu yidhaahdo Maxaa Taayadana loo Magacaabi Waayey.
Dalku wuxuu dal ku noqonayaa Marka nin waliba dhawro shuruucda taala ee aan loo hadlin jaantaa rogan.Marka ninka baarlamaanka ahi ogyahay in degmada uu u hadlayaa ay darajadiisu tahay C, laba midh baa la gudboon inuu Codsaday in darajada la siiyey ay wax ka khaldan yihiine dib loo soo qiimeeyo iyo in derejada degmada kor loo qaado, ilaakiin inuu ku doodo Maxaa gobol buuxa loogu soo gudbinaayey, Degmo hebel baa Mar baa la wada magacaabay degmo hebel, hala wada magacaabee mid waliba derejo u khaas ah bay wadatay..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured